Saleebaan Xagla-Toosiye oo si rasmiya ugu biiray maamulka Somaliland
July 1, 2012 // Warar SomaaliHogaamiyihii Jabhadda SSC ee kasoo horjeeday maamulka la magacbaxay Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagle toosiye) ayaa si toos ah ugu biiray maamulka Somaliland.
Arrintaan ayaa timid markii magaalada Dubai uu kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo taas oo markii dambe isku gacan qaadeen isla markaana heshiis aan si rasmi ah loo shaacinin wada gaareen.
Wararka aan ka helenay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaaya in Xagle Toosiye uu hore usii raaci doono wefdiga Madaxweyne Siilaanyo oo dhowaan la filaayo in ay dib ugu laabtaan magaalada Hargeysa.
Lama oga halka ay saldhigan doonto mustaqbalkiisa Siyaasadeed iyadoo warar xan ah ay tibaaxayaan in lagu biirin doono Golaha Wasiirada Somaliland.
Tan iyo wixii ka dambeeyay aas aaskii maamulka Khaatumo waxaa la saadaalinayay in Saleebaan Xagle toosiye uu ku biiro maamulka Somaliland,hase ahaate marar badan ayuu beeniyey oo ay u dambeysay dhowaan Xaflad ka dhacday magaalada Dubai.
Maamulka Khaatumo ayuu kasoo horjeestay markii uu iska waayey liiska Siyaasiyinta loo magacaabay hogaanka sare ee maamulka.
Saleebaan Xagle toosiye ayaa Siyaasadda kasoo muuqday sanadkii 2009 markii uu iskusoo sharaxay Xilka Madaxweynaha Puntland walow markii dambe uu si adag ugu tartamay xilka Madaxweyne kuxigeenka hase ahaate laga guuleystay,mudo yar kadib ayuu aas aasay Jabhadda la baxay SSC oo hadafkeedu ahaa in dhulka Somaliland xoog ku haysato ee Sool iyo Ceyn uu ka xoreeyo.
Ayub [B+P]



asc
waaa waa r4ageda meesha aad wax ka helaysow aad xagaltosiy ka hadal dhuunta ayaa wax ka maqashaaa sxb
Xagla toosiye,hooyadii waa loo dhacay,nin dhulbahanta ah ma aha.Rag rag dhalay waa TIGAY.(Tigay ha loo doorto hogaanka Puntland doorashada soo socota,hadaad Dhulbahantoow rabtaan Laascaanood inay soo noqoto.
kkkkk daah ha baashaale meesha rerka dhulbahante sixir bay u dhigen isaaqu baan filaya
Ajaaaaaaja!!!!!!!……hasha labada geed jecel!!!!!!! Viva ex prasident khaatumo saleeban xaglo toosiye. Adeer labada can kudaaq.
XAASIDNIMO IYO CADOWTINIMO HORUMAR LAGUMA GAADHO
waxaa caqligii fayoow la yaabayaa siilaanyo horjoogaha beeshiisa wuxuu diiiday rag ka so jeeda dhulkii ingiriisku gumaysan jiray sida labadii wasiir ee puntland ilkojiir iyo wasiirkii dhulbahante wuxuu isla sawiray isagoon diidmo iska daaye hadal ka keenin ninka wasiirka difaaca u metela somaliya wasiirka gaashandhiga somaliya oo isaq ah waa ogolnahay rag wasiiro ah oo aan isaq ahayna waxaanu ku diidnay somaliland bay ka soo jeedaan waa riwaayad
mudo dheer baa laga qarinayey shacabka gobolada waqooyi shiraraka somaliya snm la gasho hada qarsoodi ma jiro warkoodu waa cadyahay waxaa ku xiga intii shiraraka somaliya lala galo laga qaraniyey in leeg in lagu yiraahdo federal baynu qaadanay siilaanyo waa daarood ka caraar
cadawga somali waa siilaanyo iyo kooxdiisa hada waxay la soo baxeen kaarkii irir samaale kaarkii xasuuqa shacabka koonfureed arga gixiso waa ka gubtay argagixsadii geed ay ku gabato markay weyday hargeysay nabad ku joogaan why hargeysa iyo gobolada ay u dhashen jihaadka ugu diidayan raga wasiirada ugu magacaban beeshoda wiilashoda u yeeray markay shaqadii qaran ku sheegu qaraxday
kaarkii qabyaalada u soo saara hawiyaha oo dhaha irir baynu isla nahay somali si aany waliged nabad u noqon snm uga qarabata caalamka iyago ku tuugsan magaca dadka aan doonayn
xaglo toosiye siday isula sawirayan oo u weyneynayan illah baa weyne baa ka dhab ah hadanu magaca daarood ahayn maantay sidaa ulama dhaqmeen ee siday dhulbahante u kala ja jabin lahayen bay u smaynayan cadaawada uu u hayo wa tan goosashada ku khasabtay
waryaara joojiya dacaayada iyo cayda aad caayeysaan qabiilka xagla toosiye waa shaqsi shaqsina udhutin maayo jiritaanka dhulbahante ee aflagaadada joojiya oo waad dambaabeysaan ee danbigaa alle idinka un buu idinka jaazin ogaada war xun meel cidlo ah kuma dhoco ee ogaada xisaab ayaa dambeysa.
khatuma oo somalialand ku biiraysaa !!!!!!!!!! somaliland oo somalia weyn ku biiraysaa !!!!!!!!!!! sheekayo waa ha layska dabo wareego ilaa yoomulqiyamo.
reer aan ogahay baan guurin snm qadiyad bay leedahay waxaynu maqli doonaa dhulbahantoo leh beesha habarjeclo ee laascaanood siday hada habarjeclo ugu sheegaan beesha qorilugud dhulkoodii sidaas ragii loo ga iibsaday bay i iibsanayaan illaahay shacabka masaakiinta ah u maqan waxaa illaahy mahadiis ah saleebaan madaxweyne puntland uga dhiin
madaxweynaha puntland waxaa lagu aamini karaa waa nin karti iyo siyaasad leh sida jen ilkojiir iyo raga la midka ah hartinimadu ku weyntahay cabdisamad cali shire wiilkaan yar ha ku biiro odayaasha ku bahdilan habrjeclo maganta u ah
alloow sahal amuuraha next cali khaliif isaaq qadiyadoodu waa inay dhulkii ingiriiska siku balaariyaan ragii dhulka degaanka u lahaana waxaa u muuqda majeerteen ximi \ ku xumee
isaaq qadiyad bay leeyihiin daarood isku dherei dhulbahantoo midaysan baa ka adag laakiin dhulbahante qadiyadooda iyo siyaasadoodu waa harti baa cadoow kuu ah
hanbalyo saleebaan xaglo toosiye
War dhulbahantow waxba ha nagu xuuxinina Somaliland annagaaba meel aan u marno weynay ee ku soo biiri lahayn Somaliland halka xaalku naga taagan yahay
maxaa cunaa dee marka dad nool cuna ilaa wax la cuno laga xishoon waaye ceebey tacaal duf ku baxa waa wax dhintey kuwaasi
Warkani waa mid naxdin leh waayo xagla toosiye nin dhalinyaro han wanaagsan ayuu ahaa lkn taasi waa cadi waayo waa dadkan la iibsan soomaali maajeerten ka jira, tani waa dhaqankooda.
waan maleeneynay in khaatumo seeg ey u socdaan hargaysa bal eega wakaa kii u waynaa aaday barina cali khaliif baa aadaya waad arki doontaan
waa ku faraxsanahay in Xaglatosite wadankisa ku soo noqday.sharaf iyo karamo u leyahay .Dulbahantena waa SOMALILAND
2012 baan jabhadaynayaa awelba caqli ma ahayn…wax walba waa in wada hadal iyo nabad gelyo lagu dhameeyaa.
Waanu soo dhawaynaynaa heshiiskan , cali khaliif na hargaysa ayay M/wayne Siilaanyo ku balan sanyihiin…Somaliland guul iyo gobonimo.