Sanaag: Hay’adaha Samafalka oo diiday codsi loosoo jeediyay

July 18, 2012   //   Warar Somaali

Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Puntland xafiiskeeda gobolka Sanaag ayaa ku’eedeeyay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka inay diideen codsiyo wada shaqayneed oo ay wasaaraddu usoo jeedisay.

Baran,/Xarunta Sanaag ee Puntland

Saciid Cabdilaahi Ibraahim Isu duwaha wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee gobolka Sanaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay xafiiskooda inay usoo gudbiyeen hay’adaha WFP,Horn Relief,DRC iyo hay’ad lagu magacaabo OTP inay soo gudbiyaan howlaha ay ka qabtaan gobolka Sanaag iyo waxyaabaha sanadkan u qorshaysan inay gobolka ka fuliyaan, si ay dowladda ula socoto dhaqdhaqaaq kasta oo  ay hay’aduhu gobolka ka sameeynayaan.

Waxaa uu sheegay hay’adahan WFP,DRC,OTP iyo Horn relief inay sitoos ah ay udiideen xafiiskooda inay la shaqeeyaan, isagoona tilmaamay taasi inay suurto gelin karto dad cadaw ku ah jiritaanka Puntland inay ka faa’iidaystaan mashaariicda ay hay’adahan gobolka ka fulinayaan maadaama dowladda aysan la socon.

Mar la waydiiyay isu duwaha wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Siciid Cabdilaahi Ibraahim go’aanka ay arintan ka qaadan doonaan ayaa waxaa uu sheegay madaxda sarre ee dowladda Puntland iyo hay’adaha inay arinkaan u gudbiyeen si ay go’aan uga qaataan.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla wadanka  Soomaaliya ayaa la rumaysanyahay lacago badan inay kusoo qaataan mashaariicda ay ka fuliyaan inta badan gudaha wadanka ,iyadoo aanay jirin cid kula xisaabtanta lacagaha ay kusoo qaataan magaca dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Puntland-News24

Bosaso

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply