Shirkada Saracen oo Boorsooyinkeeda Ka Xir-Xiranysa Puntland
October 4, 2012 // Warar SomaaliSaracen oo ahayd shirkad jabisay heshiiska cuna qabatynta ee saarnaa Somalia, islamarkaana ka howl geli jirtay Puntland ayaa shaqadii ka dhamaatay, loona sheegay inay dib uga soo baxaan Puntland.
Shirkandan oo uu wax ka lahaa nin Cadaan ah oo kasoo jeeda Koonfurta Afrika, ayaa laga qaaday Qandaraaskii lagu siiyey tababarida ciidamada Puntland, qandaraaskaasi oo ay lacagtiisa bixin jirtay dowlada UAE gaar ahaan Imaarada Abudabai.
Sarancen ayaa lagu amray inay ugu danbeyn bishan aan ku jirno dhamaan Qalabka iyo ciidamada ka jooga deegaanada Puntland inay halkaasi kala baxdo.
Mr.Lafras Luitingh oo ah madaxa shirkada Saracen ayaa xaqiijiyey in laga qaaday Qandaraaskii Puntland asagoo sheegay inay dhamaatay hawlihii ay ka wadeen Puntland.
Waa kuma Mulkiilaha Shirkada Saracen?
Telefishonka ABC ee laga leeyahay dalka Australia ayaa shaaciyey warbixin dheer oo uu ka diyaariyey mid kamid ah Mulkiilayaasha shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada Bada ee Puntland oo la sheegay inuu horey danbiyo dagaal oo ay ku jiraan Weeraro bambaano iyo Dilal Qorsheysan uga soo galay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea
Guddiga Qaramada Midoobay u saartay dalka Soomaaliya inay soo baaraan kooxaha Jabiya cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday Dowlada Australia inay tilaabo sharci ka qaado Mulkiila Shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland.
Shirkada Saracen waxay si sharci daro ah ku joogtaa deegamadda Puntland,isla markaasna lama soo marin golaha baarlamaanka Puntland siduu dhigayo dastuurka Puntlan oo leh; wax kasta oo shirkada ah oo dalka imaanaya waa in la soo mariyo golaha baarlamaanka,waana kuwa iska leh awooda sharci dejinta ,matalayana shacabka reer Puntlan oo dhan.
Sidoo kale dastuurka ayaa qoraya,markuu ka hadlayo ilaalinta degaanka;dowladda iyo dadweeynaha Puntland waxa waajib ku ah ilaalinta,dhoowrista iyo soo kabashada deegaanka,waana in si cad loogu qeexaa heshiis walba oo la gelaayo.
Saracen Khatar Ma Ku Heysay Xasiloonida?
Arinta nababgelyadda ayaa iska leh mudnaanteeda gaarka ah,marka shirkadaani ay si sharci daro ah waddanka ku joogto,isla markaasna aan la aqoon ama aysan cadeeynba waxa ay qabaneeyso,meesha ay ka diiwaan-gashan tahay,cida wadata oo ka dambeeysa,hadana ay u dheertahay tuhun badan oo dadweynuhu ka qabaan ,xataa hawsha loo nisbeeynayo oo aysan wax shaqo ah ku lahayn,ayeey waxay u egtahay mid colaad cusub deegaanada ka hurineeysa,sida sadbursi dhaqaale,beelaha oo ay hub iskugu dhiibeeyso,deegaamo cayiman ood moodid in ay duulaan ku yihiin,iwm.
Arimahaas aan soo sheegney oo dhami waxay horsed u yihiin in ay timaado iska cabin,sida meelaha qaar uga dhacdey(Eeyl,Iskushuban,Garacad iyo Xaafuun oo hadda ay xoog ku joogto)
Saracen Xaafuun Maxay Ka Heysaa?
Hadii aad dib u jaleecdid taariikhda,waxaad ogaaneeysaa in aysan arinta SARACEN ee ku jiheeysan xaafuun ahayn wax cusub,balse uu isbedeley waqtigu,waa meel gumeeystayaashii dalka u ahayd bartilmaameed,waa meel ay horey u sahan-sadeen,lana sugayeen waqti ku haboon iyo dadkii hawshaas u qaban lahaa.
Waxaa hubanti ah in Saracern ay howlo la dagaalan burcad badeed aysan u tegin xeebaha fog-fog iyo deegaamada kale ee aan xeebaha ahayn sida Degmada Isku shuban. Balse uu jiray ajendeyaal qarsoodi ah oo lagu guranayey laguna xaalufinayey deegaanka, iyadoo ay u sii dheertay ku aasida qashinka iyo haraaga hubka halist ah.
Shacabka Puntland ayaa go,aankan ka saarida Puntland ee Saracern la hubaa inay si weyn u soo dhoweyn doonaan, inkastoo SARACEN macadan keyd u ah umadda Puntland oo lagu qiyaasay Malaayiin Dollar ay si qarsoodi ah ku dhoofsatay, haatana ay gaareen dantii ay ka lahaayeen Puntland oo ahayd inay boobaan khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena, iyagoo ka faaiideysanaya mudada dowlada la,aanta iyo bur-burka 22 sano ka taagan Somalia.



Masha’alah ale aya mahada iska leh wa waxa lug farxo runti mar hadi togadi wadanka naloga sary
Saraceen ciidan somaali ma ahayn; Barlimaankuna ma ogeen; ciidan 2 reer buu ahaa oo xaaraan ah. wiilkaa xukumey oo dadkii ku caburinaayey.
Alxamdu-lillaah, Ilaahbaa kaxeyey, lakin weli fikraddii saracen loo asaasay waa jirtaa.
Allow soo hanuuni reer Faroole si dalku u nabad galo.
waa maalin farxad leh in
Shirkada Saracen laga saarey putland waa dhiman tuuga weyn faroole meesha laga tuuro wax aan sharci aheyn umada u keenay oo tuugo ah markaa reer putland si sharciga u soo laabto waa in doorosho laqabtaa oo xalaal ah tuugana meesha laga qabtaa faroole
QAAR BAA WAXAY LEEYIHIIN MAHADSANIDIIN HORTA BAL AQRIYA SHIRKADAANU WAXAY TAHAY IYO WAXA AY QABATAY , XATAA FIIRSHA CIIDAMADII LASHAQAYNAAYEY WAA O , MARKAAS KADIB AMAANA AMA MAAGA , SHRKADAANU WAA ( CALOOSHOODA USHAQAYSTAYAAL CAALAMI AH) NINKII RABAA WAA KAOGAAN KARAA MEELKASTA
Beled qura baxnaan shoow,Burcad Aabeheeddoow Allaa Xidida u siibay,Faroole SARACEN,Burcad Badeediidii uu ku shaqaaysan jiray,Wuxuuna ka dhigan yahay Dhurwaa waa ku Beryey,ugana siidarano Daawlad Federaala Aya ku dha;ataay,oo xakamaay naaysa hadda wixii ka danbeeya Burcad Badeeda Una dhoow in Maxkamad Caalamiya la soo taago Isaga iyo SARACEN,Denbiyada aay ka galeen dalka iyo dadka soomaaliyeed,Ee lagu weeraray Hubka sharcidarada ah La arkidoonee Meeshaay ku aAabaha Burcad Badeedka iyo SARACEN.
waxba logma bahna il 2000 will oo bodaya watana gawari qafilan 6diyaradood tobabar nocii ugu dhanbeyey leh meshey galaana borka ka kcinaya ey noqabteen waad mahad san tihiin waxana logu talo galey cribtirka cadwoga puntland oo ah 2 mid gudaha ah sida dadkan haben iyo malin dibada ka cabadaya iyo kuwa dibada ah ee konfur guul guuuuuuuuuuuuuuul
shirakadda shirkad kale ayaa kala wareegtay oo hadii ay tagtay wakhtigii ayaa u dhamaaday ciidan xooganna waa dhiseen uu amniga gudaha sugi kara
shirkada intii ay na caawin ka dhay waa ay nacaawisay waxaanu leenahay wad ku mahadsantihiin tababarkaad noo siiseen ciidama xooga dalka puntland waxana leyahay maanta puntland way isku filantahay ilaahay kali ah ayey garab uga baahantahay marka saracen way naga fasaxantahay wixi ka xun puntland cagta hoosteeda
Shirkada Saracen waa xooga Foole iyo wiilashiisu ay dadka ugu caga jugleeyaan, ugu hanjebaan kuna caburiyaan!
Bal eeg sida laga sheegay inay ka dhacdey Eeyl,Iskushuban,Garacad iyo Xaafuun oo hadda ay xoog ku joogto.
Was Saracen Faroole family’s private army? Only history will tell, but for now get bastards out!
SHIRKADA WAA MAHADSAN YIHIIN CIIDAN BADAN BEY NOO DHISEEN BURCADBADEEDII WAA LAGA ADKAADEY SHIRKADA WAXAAN LEE YAHAY MAANTA PUNTLNAD CIIDAAN XOOGAN BEY QABTAA WAAANA ISKU FILAN TAHAY CADOW BADAN OO PUNTLND QABTO AYAA SHIRKADAN KA CABSATO MADAXWEYNAHA WAXAAN LEE YAHAY SHIRKAD KALE OO CIIDANKA CIRKA DHISTO NOO KEEN HADA PUNTLNAD DHULKA BADA WAA ISKU FILAN TAHAY PUNTLND WAXAAN URAAJEYNAYAA GUUL CADOWGEEDANA CAGTA HOOSTEEDA