SARACEN oo wali ku adkaysanaysa inay Iskushuban dul degaan

May 16, 2012   //   Warar Somaali

Shirkada shisheeye ee ka howlgasha Puntland laguna magacaabo SARACEN ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey xusul duub ugu jirtay sidii ay fariismo uga samaysan lahayd deegaanada ku xeeran Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari.

Wararkii u dambeeyey ee aynu ka helayno shirkadan ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan SARACEN ay ka horyimaadeen mar kale in ciidamada loo diro Iskushuban, kadib markii saraakiishu ay shuruud ku dhigeen in beelaha halkaasi degan aysan ogoleyn dagaalna ka xigaan in SARACEN soo dagaan Iskushuban.

Mid kamida saraakiisha u shaqeeysa shirkadan laga leeyahay dalka South  Africa ayaa kula taliyey raga ajnabiga ah ee howshan u xilsaaran in dadka Puntland ay qabaailo yihiin hadii maanta ay iyagu xoog iyo dagaal ku tagaan meel aan laga dooneyn in saraakiisha Soomaalida ah loo arkayo inay qabiil yihiin oo reer kale weerar ku yihiin sidaa daradeed aysan habooneyn in aan fariisimo laga samaysan degmada Iskushuban.

Isku dayo lagu doonayey in ciidamadan xoog ku dul dagaan deegaanka Iskushuban ayaa kusoo dhamaaday fashil, waxayna arrintaasi sababtay in ciidamo reer Puntland ah oo ka kooban 130 nin, islamrkaana qadiyadan gadood ka sameeyey ay go,aansadeen inay isaga baxaan dibadana ka joogaan howlaha qarsoodiga ah ee ay shirkadan ka wado deegaamada fog ee gobolka Bari.

Bulshada ku dhaqan magaalada Iskushuban ayaa diidmo kala hor-yimid howlaha macdan baarista ah oo ay wado SARACEN, iyadoo horay magaalada EYL looga soo eryey shirkadan kadib markii dadka deegaanka ay kala hor tageen dibad-bax.

Maleeshiyaad kasoo jeeda degmada Iskushuban ayaa mudooyinkii u dambeeyey isku urur sanayey degmada iyagoo qorsheynaya inay dagaal kala hortagaan hadii ciidamadan ay magaalada soo galaan.

Macluumaad ku saabsan Shirkada SARACEN

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyey su’aalo ku aadan hawlaha ay SARANCEN ka qabato Puntland, ayadoo warbixintaasi lagu sheegay in hay’adan ay lug weyn ku leeyihiin Aasasayaashii shirkadii horey loo burburiyey ee BLACKWATER oo laga lahaa dalka Maraykanka, kuwaasi oo iyagu ahaa ciidamo la kireysto oo u adeega hadba cidii lacag siisa. [Calooshood u shaqeystayaal]

Shirkada SARANCEN ayaa xarunteeda ugu weyn kuleh Galbeedka Airporka Bosaaso, ayadoo halkaasi ka sameysatay xero militari iyadoo sidoo kale usoo degaan diyaarado u gaar ah shirkada.

Waxaa iyaduna jirta warar sheegaya in shirkada SARANCEN ay xiriir la leedahay shirkada Sarancen Mineral Holdings Limited ] oo fadhigeedu yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia shirkadaasi oo ah mid baarta Macdanta dhulka ku jirta.

Puntland News-24

 

 

COMMENTS

RSSComments (15)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. aadam cade says:

    dad ka reer is kushuban waxan kula talin laha in aan khalad laga fah min cidamada sarasen waa cidan illaa linya degaan ka iyo haw laha shidaal ee kasoc da gobol ka bari hadan dhan ka kale ka ego degmada iskushuban ee degmo qadimiya xili yadii dan be ee dawladaha ountlan oo lasoo dhafay waxa xero cidan kulahaa cidamada amniga puntlan wax idin lee yahay hadii cidan idin la der sey illaa linaya dhul kiina iyo dad kiin idiin kaa abnigiinu sugan yahay ee waxan leuyahay caq ligu hasha qeeyo yaan shydaan iyo qab yaladf idin geli

  2. Qaasim says:

    Karkaar aad iyo aad aa umahadsantahay india waa dal xun mana rabno sidoo kale masar ayadane haleeyska ilaaliyo waa daneeystayaal turkey china ayaa wax laga faaidaa

  3. Dr Yusuf says:

    Hadey macdan keliya baaran lahaayeen oo guran lahayeen dhibmaleh,balse waxaan idiin sheegayaa Conteinarada Bosaso kasoo dega oo shirkadan leedahay lama furo cid og wax ku jirana maleh,marka waxaa kasii daran iney wadanka sun ku duugaan,mida kale shirkadan waa hubeysantahay waxayna qorataa ciidamo ninkey doonaan,waqti dhow waxaa dhici doonaa iney xoog ku muquuniyaan cidey doonaan,hadaba sidaan qiyaasayo reer iskushuban iskama dhicin karaan oo xoog ayaa lagu degi doonaa waana tijaabo,kadibna dawlada aad sheegaysaan oo puntland ayaa dhegaha laga raaci doonaa(isuna haysata iney contract siisay SARANCEN ama laaluush yar inta loo tuuro lagu dhehi afkaaga xiro amase ninkii larabo ayaa madaxweyne laga soo dhigi waayo waxaa puntland hawl gab ah waa isimada oo wax xal ah keeni karin xataa gudi madaxbanaan oo shirkadahan conteinardooda baara ma awoodaan.
    N.B anigu waxaan qabaa macdantaas hala gurto ee conteinarada inaka baara!!!!
    Dr Yusuf

  4. Gacaliye. says:

    C/Nuur ama C/Madoobe,
    xoola yahow aan xishooneyni waa kuwaan xoolaha kale oo xaarku ka daayo oo Axmed Cabdi Godane iyo adigaba idin FUULA ee ku raxayso aragooda, KKKKKKK!
    So, logg onto:

    http://www.youtube.com/watch?NR=1&v=GMWAbH94NV0&feature=endscreen

  5. ufayn says:

    waxay kabaraysaa macdan\

  6. Gacaliye. says:

    To: c/nuur,
    Jihaad ku la haa! Cabiidkaga la baxay C/Nuur (C/madoobe) war orod oo u adeeg Ahmed Cabdi iyo carabta (Al-qaacidada) FUUSHA, halkaan wax lagaa weydiin maayee, KKKKKKKKK!

  7. KARKAAR says:

    WAA IN MUDNAANTA LASIIYAA QOFKASTA OO KU ABTIRSADA PUNTLAND. AMA. (DRD). WAAYO KUWA C/WAQ KU NOOL AMA. QARIJIQOOD AMA JIGJIGA AMA GEDO XAQ BAY KU LEEYAHIIN HA LA OGAADO ASALKOODA WAA HALKAAN.
    GUUL PUNTLAND. IYO DAWLADA

  8. KARKAAR says:

    DAWLADA WAA IN LALA SHAQEEYAA OO LA GARAB ISTAAGO WAANA IN LA DHISAA DHAMAAN NOLASHA AASAASIGA AH SIDA XARUMAHA DAWLADA WADOOYINKA. ISBITAALADA. ISKUULADA. JAAMACADAHA. GAROOMADA CIYAARAHA. TIYAATARADA BIYAHA IYO IN DHILINTA LOO ABUURO SHAQO IYO XIRFADO IYO WAXEY KU MASHQUULAAN.
    WAA IN LAGA TAXADARAA SIDA WADAMO BADAN OO AFRICANA KA DHACDEY MUSUQMAASUQ TUSAALE. NIGERIA WAA WADANKA. 5AAD OO SOO SAARA SALIIDA. DAD KOOBAN BAA BANKIYADA YURUB LACAGTA DHIGTA IYAGANA CEEBAA LOO SAMEEYAA KA DIBNA LAGA DHACAA. LIIBIYA WAXA KA DHACEY WAAD ARAGTEEN. KOONFURTA SUDAN. WAAD ARAGTAAN. CONGO. WAAD ARAGTAAN.
    WAA IN. DHAQAALAHA LA GALIYAA WADANKA IYO SHACABKA XITAA SOOMAALIYA OODHAN.
    WAA INAAN LA OGOLAA SHAQAALE. AJNABI AH WAAYO PUNTLAND IYADAA SHAQOLA AAN AH IYO GUUD AHAAN SOOMAALIYABA.
    DUCEYSTA DAWLADIINA LA SHAQEEYAA

  9. KARKAAR says:

    SALAAN KA DIB WAXAAN MAHAD USOO JEEDINAYAA MUKHTAR OO AAN FILAYO INUU YAHAY AQOOYAHAN SI CILMI KU JIRO U HADLEY WAANA RUN WUXUU KA HADLEY OO INDIA OO UREYSA BAA PUNTLAND SOO HUNGURIYEYSEY OO TIRI SALDHIGYO MILATERY HA LEYSIIYO WAA DADKA UGU XUN CAALAMKA OO AAN DIINHEYSAN ISLAANKA AAD U NECEB , INDIA,ISREAL IYO ITOOBIYA WAXAA KA DHEXEEYA XIRIIR FOG OO DHINAC WALBA LEH
    TUSAALE ITOOBIYA WAXAY DHISTEY BIYO XIREEN AY MASAR KAGA JOOJINEYSO BIYAHA NILE
    WAXAYNA INDIA SIISEY DHUL AY KA BEERTAAN BARIISKA GEESKA AFRICA WAXAA LAGA DAMACSAN YAHAY QORSHE FOG OO LOO BIXIYEY UTOPIA TAAS OO AH. HILINKA FOG AMA WADADA DHEER
    WALAALAYAAL WAA IN ARIMAHAAS AAD LOOGA FAKARAA
    DADKA DEEGAANKA WAT EVER MJ AMA HARTI WAA INAYDAAN OGOLAAN SHISHEEYE INUU SALDHIGYO MILATERY PUNTLAND KA SAMEYN SHAQAALE ASIAN AMA INDIAN AAN LAGU SOO DAANULIN DEEGAANKA WAA INDIA WAXEY KA BADAN TAHAY DAD AHAAN AFRICA IYO YURUB. WAXAAN QABAA WADANKA IN LAKEENO SHIRKADO TURKEY AH XITAA IYAGU HASOO DAGEEN ARINTAA DADKA DEEGAANKA HAKU DADAALEEN KA TAXADARA HAGARDAAMOOYINKA QARSOON SHACABKA IYO DAWLADU WAA INEY FEEJIGNAADAAN
    SHIRKADO CHINESE AMA TURKEY KEENSADA IYAGAA INDIA KANA AQOON BADAN KA WANAAGSAN WAXNA IDIIN DHISAYA XITAA MALEYSIA IS GOOD INDIA IS CORUPTED NATION WAXA SOOMALIDA KOOFUR AFRIKA KU DHAMEEYEY WAA IYAGA NO CHANCE INDIA WAANA DAD CAQLI BADAN KA TAXADARA
    AT LIST CHINA DHAQANKAAGA IYO DIINTAADA IYO SIYAASADAADA MA DHEXGALAYO REER PUTLAND SPECIALY REER KARKAAROW FEEJIGNAADA. WAA IGA TUSAALE IYO TALO WAXAAN KU DHASHEY ISKUSHUBAN
    WAX LA QABSADA OO LA SHAQEYSTA OO KA FAAIIDA GAALADA CAD HADANA DANIHIINA KA ILAASHADA IYO DHULKIINA PUNTLAND WAXAA KU SOO FOOLE MAWJADO SOO GALOOTI AH DHULKABA WAA LEYDINKA QAADI OO LAGULA SHEEGAN WADAMADII HORUMAREY BAA KHATYAAN KA TAAGAN ARINTAA HA LAGA FIIRSADO SI TAXADAR KU JIRO OO QOTO DHEER
    WABILAAHI TOWFIIQ

  10. Mukhtar says:

    asc walaalayaal meelaad joogtaaba waan idinku mahadinayaa shaqada saxaafadeed ee xalaasha ah ee aad u heysaan puntland iyo dadkeeda aniguna waan idinkula garab taagnahay hiil iyo hooba.

    hadii aan isu kiin sheego waxaan ahey nin reer pl ah oo gobolka bari asal ahaan ka soo jeeda kuna dhashey xamar dagana wadankan belgium xarunta eu da brussel. walaalayaasha plnews24 waxaan idiin sheegayaa wadankaan aan joogo caasimadiisa labaad ee diamondka waxaa la keenaa dhagaxaan aad u qaali ah lagana keeno soomaaaliya waqooyi bari dhamaan waa dhagaxaan tob 10 ka ah sida diamond funcy,oo isagu ahaa kuwii u danbeeyey ee la ogaadey soomaaliya looma heysan in ay lee dahay funcy diamond,kuwii hore laga keeni jirey waxey ahaayeen noocyo kala duwan qaarkoodna aad u qaaliya ah waxaa ka mid ah kuwan aan u hor mariyo sida ay ukala qaalisan yihiin 1-sapphire,2-ruby,3-emerald,4-aquamarine,5-phenekite,garnet,opal,ammonite,imperial zircon dhagaxaani badanaa waxaa la socda radio active firfircoon,titanite quartz ,phenakite iyo vesuviant macdanahan miniralkoodu kala duwan yahay gravitytigoodan kala duwan iyo adkaanta sidoo kale(moh scal) midabkooda carat ka miisaankoodana aad ayuu u sareeyaa iyo waliba dhagaxaan kale oo oo sida lagu aqoon sado ubaahan laborotery maashaa allaah somalia waa hodan marka saracen waxey u socotaa waa macdantaas bilsshna uma qoran 1500 waxaana sabab u ah iney timaado soomaalida oo dhaxantaan markii la weydiiyey yiri soomaaliaya ayaanu ka keeney iyaga oo aan waliba si fiican u aqoon basic hoose loo yaqaan 4c oo color,clearty,carat,iyo cut iyo waliba iyaga oo aan sifiican u aqoon dhagaxa uu yahay waayo dhagaxaan badan ayaa colorka midabka wadaaga marka wadankeenu caqligu ma sixi karo kheyraadka ku jira walaalayaam inaan intaas idin soo gaarsiiyo waxii su,aal ah ee aad qabtaan waad i soo weydiin kartaaan numer gsm keygu waa

  11. bosaso says:

    ku @ abu maucad walaal dadka rer puntland waa isku mid ee tafararuqa ka daa qof xanunsan baad tahay ama qof xaga dhimirka wax ka qaba maxaa la ilashadaa messha dawlad baa ka talisee meel aad boqor ka tahay dooli la iskama dhigo

  12. c/nuur says:

    jahaada hada ayuu yimi jahaadki runta ahaa cismaan maxamuud u horeeye idinka ayaa iska leh deegaanka muslimiinta oodhana waa garabkiina .
    idinka ayaa weligiin dadka hogaamin jiray hadda waa fursad illaahey idin siiyey dadka jihaadka u iclaamiya ALLAAHU AKBAR saracen waa kufaar halugu jihaado

  13. Ahmed says:

    Bulshada reer bosaaaso wa inay iskasaaraan shirkadan saracen ee caloshood ushaqeestayaasha ah oo ay diidaan sida bulshada iskushuban.

  14. qanciye says:

    illahey kabaq oo iskudirka iyo dab shidka jooji.

  15. abu mucad qardhawi says:

    away dadkii reer iskushuban.war iska dhicisha dadka deganka waa in ay difacan dhulkooda away ismacil saleeban iyo bahadir cisman maxamud war dhulkina difacadahada khayrba laga helay oil baa kaso baxay walala iska dhacasha. hubkaa qataa is difaca

Leave a Reply