Sarkaal Al-Shabaab kamid ahaa oo dowladda Puntland isku soo dhiibay
August 25, 2012 // Warar SomaaliSarkaal sare oo katirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Galgala ee gobolka Bari ayaa xalay si toos isku soo dhiibay ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore ee difaaca nawaaxiga Galgala.
Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Sugure Col. Jaamac Saciid Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ninka soo goostay in lagu magacaabo Mowliid Adaan Qalalan, waxaa uu sheegay ninku inuu ku hubaysnaa qoryaha AK47 iyo PKM, isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri dukumiintiyo iyo mobile ku xiran satelite ayaan ka haynaa.
Taliyaha oo la waydiiyay sida ay ka yeelayaan ninkan kasoo goostay Al-shabaab ayaa cadeeyay inay ku wareejinayaan wasaaradda amniga dowladda Puntland si ay go’aan uga qaadato.
Dowladda Puntland ayaa marar badan soo bandhigtay tiro dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Al-shabaabta ku dhuumaalaysata buuraha Golis, gaar ahaana deegaanka Galgala oo magaalada Bosaso 30km jihada koonfur galbeed kaga toosan.
Dadka deegaanka Galgala oo is hubeeyay ayaa suurta gal ka dhigay kooxdu inay taageero kawaydo,kadib markii ay bilaabeen inay dilal ku bartilmaameedsadaan dadka kasoo jeeda deegaanka Galgala ee ka mid ah shaqaalaha dowladda Puntland.
Puntland-News24
Boosaaso



Kkk war wax halayska celiyo waxbaa soogoostay war maahee
ruwaayah khawaayah ayaa la yiraahdaa hawlgal biyo cabaal ciidan soo goostay al shabaab isasoo dhiibay
dhamaan waa aflaam horay loo daawaday boqol jeer marka dadka waxaa ku shaqaysta waxaan leeyahay jiibuu xikaaya jadiida tan ma shaqaynayso mana gadmayso
aakhirona waa meesheedii aduunkuna waa ayaamo kooban toobadduna waa furantahay illaa saacatul qiyaame fursaddaa ha iska luminina intaad ka fekeraysaan qaad iyo qas
Gacaliye I am with you 100% interrogate him then kill the terrorist..nolol ma istaahilaan..
Xaraamiga xun wa in la waraystaa khaniisiinta al shaydan info marka laga helana hala daldalo xaaranka, wa wax umada kala reebay adkeesigeda may yeeshan danyerada awooda xun afghan & pakistan wax ha u qabtan kilaabta,qoorta u dheereya danteena marka laga gaaro,wa gaalkacyo dadka madaxda u gaarsada ha sheego ka dibna wajibkisa hala mariyo,ciidanka puntland aad bad u mahadsanyihin ladagalanka al shaydan halka ka sii wada
After “milking” him of inforamtion, execute the bastard!