Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Puntland oo Garoowe lagu dilay
July 2, 2012 // Warar SomaaliAllaha u naxariistee waxaa caawa salaadii maqrib kadib tacshiirad lagu dilay taliye xigeenkii 2-aad ee booliiska Puntland Col.Cabdullaahi Saalax.
Marxuumka ayaa xiliga la dilayey wuxuu watay gaarigiisa, waxaana la saarnaa qof la socday oo dadka qaarkiisna ku sheegeen qaraabadiisa.
Dadka dilka ka geystay ma ahayn dad wajigooda soo qariyey, waxayna la dhaceen ilaa 5 xabadood.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Col.Cabdullaahi Saalax shaqadii booliska Puntland shalay laga qaaday kadib markii xurguf dhexmartay isaga iyo Abdisamad Cali Shire ku-simaha madaxweynaha Puntland.
Amaanka Puntland ayaa sii xumaanaya, iyadoo isla maanta dil kale uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qofka la dilay ayaa ahaa nin si fiican looga yaqaanay magaalada.
Dhowr habeen ka horna waxay dabley hubaysan weerar ku dileen xeer-iaaliye maxkamadeed oo lagu magacaabi jiray Bashiir Garas.
Madaxweynaha dowlada Puntland oo billihii u dambeeyey safaro ku marayey dalka dibadiisa, ayaa haatan ku sugan magaalada Dubai, iyadoo safarka madaxweynaha Puntland uu dalka kaga maqan yahay ay ku soo aadeyso iyadoo amaankii iyo dhaqaalihii Puntland laba-daba ay dood adagi ka keeneen xildhibaanada Puntland,oo dadweynaha Puntland waxna ugu toorneyn, laguna tuhunsanaa inay yihiin shaqaale daacad u ah xukuumada oo wax walba ku raaca khalad iyo saxba. Laakiin aad hada moodo inay boorka iska jafayaan, hase yeeshee waa xilli uu gabaabsi yahay jiritaankoodii sharciyeed.
Xasan Maxamud [Limo]
Puntland News-24



waa ninka leh wxaa ka danbeeyeye mohmed faroole qayaad iyo barkadkii isku layeye howd ma isgaa ka danbeyey???afkaaga hagaaji please waxna hubso…iyadoo la ogaan doono cidii dishay
waxaa ka danbeeyey dilka sarkaalka wiilka Faroole Mohamed Abdirahman faroole isagaa loo dilayaa, waa war laga soo xigtay Madaxtooyadda. allaha u naxariisto
WIXII DHIBKA WADO HALAYSKA QABTO WALAALAYAL MARXUUMKAN XAQDARADA LKAGU DILAY ilaah waa arlaa putland nabadeeda ha sugto cida dhibka wado wadan waa joogaane halayska qabto
allaha unaxariistee yaan la degdegin ilaa wixii dilay marxuumku uu soo cadaado,
malaha waa laga fiicanyahay.
qaaluu innaa lillaahi wa innaa ilaahi raajucuun allaha ha’unaxariisto aamiin,waxaa billowday oo soonoqday dilalkii qprshaysnaa ,ilaahay waxa balaayadaa wada ummadda haka qabto waa kuwo manaxayaala ,waase laga guulaysan waana arki doontaan