Sh. Shariif oo wareegto ku laalay qodobo lagu heshiiyey axdi qarameedkii 2004-tii
June 17, 2012 // Warar SomaaliWareegto ayaa goor dhoweyd kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha DKMG Somalia Sheek Shariif Sh. Axmed.
Wareegtadan oo nuqul kamida PN24 lasoo gaarsiiyey ayaa waxaa ku xusan in qodobo kamida Axdiga KMG ah ee ay Dawlada ku shaqeyneysay teer iyo sanadkii 2004 gebi ahaanba la laalay oo awoodiisa sharci uu madaxweynuhu ku baabi’iyey.
Wareegto Labaad oo iyana isla maanta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu amray hay’adaha ku shaqada leh inay fuliyaan, daba galaana sidii hantidooda dib loogu celin lahaa ehelkooda rag siyaasiyiin iyo generaalaba kasoo noqday Somalia. Ragaas sida weyn looga yaqaano Somalia diiwaanka taariikhdana ku qoran waxaa kamida C/qaadir Dheel, Salaad Gabayre iyo Ceynaanshe.
Wareegtadan qodobo Axdiga kamida lagu laalay ayaa u qorneyd sidantan
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012:
Laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.
Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.
Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.
Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.
Qodobka 1aad
Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34 ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.
Qodobka 2aad
Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960-kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Qodobka 3aad
Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B” ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laalidoonaa qodobka 29aad ee axdiga KMG.
Qodobka 4aad
Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaa ku saxiixan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed.




halakan waxa uu laaley waxa uu ku laaley iyo waxa uu ku badaley ma shegin….awoodda sharci ee arinkaan wax laaliddaahna cidda u saamaxdey ma naqaan…waayo heshiiskii kambal ee xeer ja-jabka ahaa ..awoodaha waa laqeybshey…..hadana waaba gaba gabo…rafashana dhaafimaayo…ninkaan federaal diidka ah eegeey waxaaba uu ku bilaabey madaxweynaha j.s. aawey federaalkii….war waxaan waxan waxaaba jasii daran kuwan halkaan ku xayeeysiinhaya