Ururada siyaasadda oo Walaac Ka Muujiyay doorashooyinka Puntland kuna baaqay kulan dag-dag ah

March 19, 2013   //   Warar Somaali

Shantan Urur siyaasadeed oo warsaxaafadeedkan ku saxiixan ayaa kala ah:

UDAD,

WADAJIR,

PDP,

MIDNIMO & HORCAD

Qoraalkan ayey si wadajir ah usoo saareen kadib kulankii shalay ay yeesheen ururada Siyaasada iyo Guddiga Doorashada oo ay soo qaban qaabisay hay’ada PDRC oo ah hay’ada Interpeace kala shaqeenaysa arrimaha Doorashooyinka.

Kulankii shalay ka dhacay Garowe ayey Guddiga Doorashada ku sheegeen in aan lagu guuleyusan fulinta qodobo badan oo muhiim ah oo ay kamid tahay diiwaangelinta shacabka iyo codeeyeyaasha la rabo inay codkooda ka dhiibtaan doorashada golayaasha deegaanka ee lagu waday inay dhacdo bisha May ee sanadkan. Guddiga Doorashada ee Kumeelgaarka ah ayaa sheegay inay dhawaan shaacin doonaan xiliga doorashada ay dhaceyso.

Qoraalka ururada si wadajir ah usoo saareen ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili Guddiga Doorashada ay dhaariyeen wakiiladooda gobalada oo todobaadkan lagu dhaariyey simaar maalmo socday oo lagu qabtay Hotel Rugsan oo ah hotel ku yaal Garowe oo uu leeyahay wiilka uu dhalay Madaxweynaha Puntland oo hogaamiya Xisbiga Horseed.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku guuldareystay dhameystirka qodobadii aasaasiga u ahaa doorasho Xor ah oo ka dhacda Puntland, waxayna ururada sidoo kale dhaliileen guddiga doorashada inuu soo xuli waayey dad lagu kalsoon yahay kartidooda, xirfadooda iyo dhexdhexaadnimadooda.

Wuxuu qoraalkan kusoo beegamayaa xili mid kamid ah xubnihii Guddiga Doorashada KMG ee Puntland uu shaqadii isaga tagay. Prof.Cali Cabdiraxman Xirsi ayaa ahaa xubintii kaliya ee lagu tilmaami jiray dhex dhexaadka ee ku jirtay guddiga doorashada oo la sheegay inay marar badan xubnaha kale iyo Prof.Cumar isaga horyimaadeen qaabka wax loo wado.

Qoraalkan sidoo kale loo gudbiyey hay’ada Interpeace oo doorashada Puntland loo xil saaray iyo Deeqbixiyayaasha Midowga Yurub iyo wadamada kale ee arrimaha la socda ayaa u qornaa sidatan:

Ujeeddo: Doorashooyinka Golayaasha Deegaannada Puntland.

Ururada Siyaasada ee magacyadoodu iyo saxiixyadoodu hoos ku qoran yihiin waxay ku faraxsanyihiin inay usoo bandhigaan hay’addaha ay warqadanni sida tooska ah ugu socoto iyo dadweynaha reer Puntland aragtidooda ku aadan doorashooyinka la damacsan yahay inay ka dhacaan deegaanada Puntland bilaha inagu soo fool leh ee golayaasha deegaanka iyo kuwa Wakiiladda.

Ururada waxay u mahadcelinayaan dhamaan guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ah, dowlada Puntland, hay’ada “Interpeace”, wakiiladda dawladaha midowga Yurub iyo Ururada kale ee caalamiga ah. Kuwaasoo dadaal maadi iyo macnawi ahba ku bixiyey sidii looga hirgelin lahaa doorashooyinka ku dhisan nidaamka xisbiyada badan ee deegaanadda Puntland.

Waxaanu si aan marnaba shaki ku jirin u caddayneynaa inaan aaminsanahay, diyaarna u nahay ka qeybgalka nidaamka xisbiyada badan. Hase yeeshee, doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo HUFAN oo lagu wada qanacsan yahay islamarkaana ku dhaca Jawi nabad-galyo, sinaan iyo caddaaladi ku dheehan tahay.

Waxaa ururada u caddatay in is-riix ku dhacay jadwalkii doorashooyinka ee ay soo gudbiyeen GDP islamarkaana aan waxba laga hirgelin qodobadii saldhiga u ahaan jiray doorashooyinka sida:

- Magacaabidda Maxkamadii Dastuuriga ahayd – Tirakoobka dadka Puntland – Diyarinta warqadaha aqoonsiga Puntlander-nimada. – Kala xadaynta Xudduuda degmooyinkii hore iyo kuwa cusub – Diiwaangelinta Codeeyeyaasha – Sugidda amniga dhamaan deegaanadda doorashooyinka ka dhacayaan – Diyaarinta shaqaale xirfad iyo karti leh, laguna shaqaaleeyey hab-furan (transparent process) islamarkaana dhamaan ururadu ku kalsoonaan karaan.

Ururadu waxay kaloo ogaadeen in Dawladda Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka kumeel gaarka ahi qorshaynayaan, in laga saaro xeerka doorashooyinka deegmooyinka qodobo badan oo aasaas u ah qabsoomida doorasho XOR iyo Caddaalad ah, sida aqoonsiga muwaadinka iyo diiwaangelinta codeeyeyaasha.

Sidaa awgeed, waxay ururadu ku adkaysanayaan in la fuliyo dhamaan qodobadaas aan kor ku sheegnay ee aasaaska u ah qabsoomida doorashooyinka, haddii la rabo in la qabto doorasho loo siman yahay oo hufan, taasoo aan waxyeelin nabadgelyada dadka iyo dalka Puntland.

Golaha Wakiilada waxaan usoo jeedinaynaa inaysan waxba ka bedelin xeerarkii doorashooyinka ee horey loo ansixiyey. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa, inay isu yimaadaan dhamaan ururada siyaasadda, guddiga doorashooyinka KMG, hay’adda “Interpeace” iyo dowlada, si mawqif midaysan looga qaato arrimahan taagan.

Ugu danbeyntii, ururadda siyaasadda ee halkan ku saxiixan waxay soo jeedin doonaan xal lagu badbaadin karo dalka iyo dadka xilliga kala-guurka, markii ay ku haboonaato.

12

Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. haboon yasiin says:

    waa goorma, wakhtiga aad qeylineysaan??? waa la idiin dagay ,oola idiin sheegay, in halxaaran ah ay nirig xalaal ayan dhalin, ma hada ayaa ogateen, ??????????????

  2. Dr siciid says:

    Waxan salamaya dhaman akhrisyaasha salan ka dib hadi an fikir ka dhibto qoraalka ay sosareen shanta urur siyaasadeed ee ka jira puntland waxan oran laha waqti doorashada golaha degaanka ee degmooyinka puntland wa yar yahay sida darted wa inad ku dhaqantaan waxay so gudbiyan gudiga doorashada hadi ay wax quman ee dhexdexad ay tahay

  3. Galgala wors says:

    waa arin fiican?Waayo qofku hadduu khaldamo oo hadana gadaal iska saxo waa arin wanagsan maxaa yeelay faroole oo oo aabaha Musuq masuqa dhaqan xumada ku caan baxay,qofkii xiriir la samaysta waa qofaan aqoon ama waa qof hala ordo run mooday

  4. Carmo says:

    KU : walalkay waaciye ar boowe tani waa rune. wax kale aan ummadda u sheegno,maanta waa ina sidataa,”ar wiil yohow lafahaaga la baxso waaba hadda la baxsan kartide” waxaan ka cabsanayaa inuu odaygu is dhiibo inagoo dur-baan beena tumayna cebeey tacaal.

  5. Puntlands 1 says:

    kkkkkk Okaalay maxaay Abohood ugu casiyeen, maxaa nimanka ka khaldan {Ninkii reer xamar ee mooryaanta la yaabay wuxuu yiri,Cimrigago dheraada gel dhalayu ku tusaa} shantaan wiil aabohood waaba u ronaaye maxaa ka siya?hadda odaygi hal wiil miyaa gacantiisa ku haray, kuwaan waa waalid caasi khayr helimayaan armay kan harayna ku diraan. busaaradda ayay ku naceen shacab uma danay nayaane?Qof walbow xaraanta haku quudin carurtaada si ay kuugu caasin Eeg maanta faroole waxa haysta wilashisii maxamed oo caasigi ugu waynaa ah,oo hadda ka hor gacanta melbourne kaga jebiyey ayaa ku haray waxaana ugu wacan xaranta uu ku koriyey Alloow Alle kkkkk

  6. Waa in wax laga qabta oo la dhaqan galinayaa dhaman qodobadan hadii la donayo in dorasho xalal ah in ay dhacdo waayo diwangalin & tirakob hadan la sameyn waa dorasho xalaal aan noqoneyn hadi kale aderow Farole isaga darso xoog hadi kale xoog nagu heso hadaba xoga nagu hesataaye sharci kuma jogtide

Leave a Reply