Shariif Sheekh Axmed oo daboolka ka qaaday is-xulufaysiga uu la sameeyay Shariif Xasan

September 10, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynihii xilkiisu dhmaaday ee Shariif Sheekh Axmed oo xalay hadal dheer ka jeediyey xaflada isga lagu taageerayey, laguna muujiyey in isaga iyo Shariif Xasan mar kale isla jaanqaadeen ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiis ay ka shaqeeyan danaha umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Haddan isqabano xitaa waxaa heshiis ku nahay inaan wax isu reebno oo aanan lafaha iska jebin, waxaan heshiis ku nahay qofkii la muto inuu kan kale bixiyo oo dhaqanka Soomaalidu yahay, marka saaxiibkey waa mahadsan yahay anigu waa mutay waana I baxshay, saaxibkey inuu iga tago ama aan anigu tago suuragal maaha” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Shariif Xasan wanaag ayaan isku baranay, Soomaalida iyo ajnabiga waxaa laga yaabaa iney is dhahaan maxaa ka dhaxeeya, waxaa isu kaaya keenay qadiyad Soomaaliyeed, habeena kuma tashana inaan Soomaali wax u dhinno, waxaa laga yaabaa in dad daacayado sameeyaan” ayuu sidoo kale yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa wax lala yaabo ka dhigay in qof ka yimid debadda ama sida uu yiri aan shaqada horay faraha ula gelin uu wax ka qaban karo xaaladda dalka Soomaaliya, isagoo u muuqday inuu musharrixiinta kale ka dhigayey kuwa aan waxba ka qaban Karin arrimaha dalka Soomaaliya.

Shariif ayaa ku dooday in qofkii xilligaan xilka uu qabto uu u baahan yahay inuu ciidamada ku fahmo muddo sanad ah, waqtigaasina yahay mid dheer oo ciidamadu ku burburi karaan, isagoo tilmaamay iney haboon tahay in isaga codka la siiyo si uu meesha hadda wax joogaan uu howsha uga sii wado.

Shariif ayaa markii uu hadlayey u muuqday nin isu arka inuu hubo inuu xilka madaxweynaha ku guuleysanayo, isagoo goobta ka istaajiyey dhowr sarkaal oo uu sheegay iney dejiyeen qorshe ciidan oo la fulinayo marka doorashod dhacdo, islamarkaana ay diyaar yihiin dowlado qorshahaas wax ka fulinaya oo taageeraya.

Shariif ayaa ka mid ah madaxda dowladdii KMG aheyd ee lagu eedeeyey iney lunsadeen in ka badan 130 Milyan dollar oo qaarkeed beesha caalamku ku deeqday, halka qaar kalana ka timid ilaha dhaqaalaha dalka.

Puntland-News24
Muqdisho.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. jowhar boy says:

    To dalmar. Ader abgal mesha mahaan ee. Wa dorasho aya mesha kadhacday iyo cadalad nimo bay wax u dhaceen marka hadi mudug tahay iyo hadikaleba adeer xamar. Wa casimada somali oo dhaan bay ka dhaxesa wa magalo lawada leyahay lkn qasatan ilahaay umad ayu kuberay xamar wa magalo qadimi ah wa magalo weyn wa magalo. Bilic leh xamar waxa degaan ahaaan asal lagu sogara iyako dagan wa 1 abgal 2. Murusade. 3 rer banadiriga 3 daas qolo ayu gumestaha ugu yimid xamar marka caydiidka shege wa ninkii burburka iyo masibada umada somaliyeed ukenay geesi mahan ee wa jahilnimo marka ader caydiid iyo beshisa oo habargidir ah xamar 1991kii aye sogaleen oo ay dagal iyo xoog kusogaleeen. Iyako mudug oo abar ah oo dhagax miran ah bay wadankii oo dhaan qabsadeen ila marka ila xamar ila galgaduud marka adeer manta xamar wax adkatahay majiraaan 1 degmo kumalahan habargidir muqdisho manta xarunti dowlada ad hesateen wala inkasaray ooo cadado iyo hobya lainku ceshay marka muqdisho manta wa casimadina only bt degaan matihjiiid manta. Xamar shacab an awood kulahen bakatahay sxb dadka deganka somali waytaqanaaaaaaaaa ha is cebenin cadado kunolooow

  2. Dalmar , Minneapolis says:

    Tani ma dowladnimaa ?
    Mise waa abgaal ayaa loo marti yahay oo guriga xamar leh oo cid kale ma madax ma noqon karto.
    Runta anagoo ah xoogii mudug ka soo bilaabay
    dagaalka ee geesgii ceydiid ka dhashay, waxan
    u soo jeedineynaa odayaasha iyo inta u mashaxaradeysa cebta xamar lugu doortay.
    Nacalad iyo dhaleyceyn

  3. Gacaliye. says:

    Koofiad xumeyaal(shariiyo)walee khayr ma soo wadaan !!

    http://www.aminarts.com/link/Talooyinkii_Tora_bora.html

Leave a Reply