Sheekh Shariif oo xabsiga kasiiydaayay dad ay ka mid yihiin Al-shabaab
August 20, 2012 // Warar SomaaliMadaxwaynaha dowladda KMG ee waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay oo ku beegnayd maalinka koowaad ee ciida barakaysan ee Ciidul Fidriga waxaa uu kasiidaayay xabsiga wayn ee magaalada Muqdisho 220-maxbuus oo u xirnaa dambiyo kalle duwan oo ay ku ku jireen Al-shabaab.
Arinkan ayaa siweyn shaki uga dhex abuuray siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ee u sharaxan doorashada madaxtinimada dalka, taa oo salka ku haysa madaxwaynuhu inuu gacan saar gooni ah kala dhexeyso Al-shabaab.
Musharax diiday magaciis sababo amni darteed ayaa u sheegay Puntland-News24 inuu rumaysnaa muddo badan madaxwayne Shariif iyo Al-shabaab inay xiriir wadaagaan, isagoo tilmaamay tan iyo markii hogaanka dalka loo dhiibayb aanay jirin wax weerar ah oo ka fuliyeen Al-shabaab goobaha uu booqdo, halka wasiiradiis qaarkood la dilay kuwa kallena la dhaawacy.
“Qaraxii tiyaatarka Sheekh Shariif iyo Tarsan oo saaxiibo dhow ahaa waxa ay u maleegeen mudane Gaas iyo wasiiradiisa”ayuu yiri siyaasiga diiday magaciisa.
Sikastay ahaataba siidaynta maxaabiista uu cafiyay madaxwaynaha waxaa ay kusoo beegmaysaa iyadoo dad badan ay aaminsanyihiin madaxwaynuhu inuu rajo beel ka muujiyay in mar kalle lasoo doorto, marka loo eego raga u sharaxan xilka madaxtinimada oo u badan dad aqoon iyo karti ay ka buuxaan.
Puntland-News24.



waad ka baxi weydeen bada alshabaab waad ka sheekeen doontaan yaa waskhaan ama bari soo galiya war aad ku beeneyneeysaan warkan sida ugu dagdaga badan.