Deg-Deg: Sheekh Shariif Sodogiis oo Xildhibaan Ah oo Caawa La Dilay
September 22, 2012 // Warar SomaaliXildhibaan katirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia ahna Aabaha dhalay mid kamid ah Xaasaska Sheekh Shariif oo Caawa la dilay.
Dilkan ayaa dhacay Salaadii Maqrib kadib waxaana loo geestay Xildhibaan Mustaf Xaaji Macalin oo kamid ah Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya sidoo kale ahaa Aabaha dhalay Mid kamid ah Xaasaska Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Xildhibaanka Waxaa dilay Kooxo la sheegay in ay Bistooladu ku hubeesnaayeen kuwaa oo Dilka kadib Goobtaasi ka baxsaday.
Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay kuwaa oo halkaa durbo baaritaano ka sameeyay sidoo kale ka Qaaday Meydka Xildhibaan Mustaf Xaaji.
Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ay kooxo hubeesan Dil qorsheesan ugu geestaan Magaalada Muqdisho ,dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amaan xumo ee kusii baaheysa Magaalada Muqdisho tan iyo markii lasoo dhisay Dowlada Cusub.


