Shir sandeedkii golaha jaaliyadda Puntland PCC Norway oo lagu qabtay Oslo [sawiro]

October 31, 2012   //   Warar Somaali

Shirkan oo ahaa shir si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa uu kadhacay xarunta shirarka ee xaafadda Somalida ee magaalada Oslo ee ah caasumadda dalka Norway.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida  Odayaasha, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo gudiyada kala duwan ee golaha jaaliyadda Puntland ee Norway.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha jaaliyadda Puntland mudane Deeq Cali Hayaan waxaana uu goobta kasheegay waxyaabihi jaaliyadda u qabsoomay iyo himilooyinka golaha jaaliyadda.

Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay gudoomiyaha gudiga odayaasha reer puntland ee Norway mudane DR. Maxamuud Qaalib waxaana uu goobta kasheegay in jaaliyaddan ay tahay tan kaliya ee loo dhanyahay islamarkaasna loo hanwayn yahay.

Waxaana cadayn u ah sida wanaagsan ee ay uga wada dhexmuuqdaan dhamaan goboladda kala duwan ee Puntland.

Jaaliyaddan ayaa bilihii ugu dameeyey kumashquulsanayd sidii wax loogu qaban lahaa dhulkii hooyo waxaana goobta shaly lagu soo bandhigay mashaariicda ay hirgelin doonta jaaliyadda sanadaha soo socda.

Shirweynaha golaha jaaliyadda ee Norway ayaa waxaa kahadlay aqoonyahano iyo waxgarad kala duwan kuwaas oo dhamaantood amaan balaaran u soo jeediyey sida wanaagsan ee ay wax u wadaan maamulka sare ee golaha jaaliyadda.

Dadkii goobta kahadlay ayaa waxaa kamid ahaa nabadoon Maxamed daahir oo asagu si qotodheer u tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin waxqabadka jaaliyadda. Waxaa sidoo kale ka hadlay aqoonyahano iyo nabadoon ay  kamid ahaayeen nabadoon Cabdirixaan Maxamed, Caaqil maxamed faarax maxamed, caaqil cabdinaasir, nabadoon siciid maxamuud, nabadoon axmed xaashi iyo aqoonyahano kale.Shirka ayaa gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa uu kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo hanaan wanaagsan waxaana uu kudhamaaday sidii loogu talagay.

Kasoo qaybgayaashii shirka waxaa ay kala ahaayeen.

 

  1. Dr. Maxamuud Qaalib
  2. Nabadoon Maxamed Daahir
  3. Nabadoon Siciid Maxamuud
  4. Nabadoon Axmed Xaashi
  5. Caaqil Cabdinasir
  6. Caaqil Maxamed Faarax
  7. Nabadoon Cabdirixmaan Maxamed
  8. Caaqil maxamed HOOMILK
  9. Dr Deeq Cali Hayaan
  10. Caaqil Axmed Nadif Xagaa
  11. Caaqil Jamal AW yuusuf
  12. Eng. Yuusuf Cali Yuusuf
  13. Cabdulqaid Cali Bootaan
  14. Siciid M. xaaji Samatar
  15. Maxamed Cabdi Yaasiin Baarsheed. iyo dadke kale oo badan.

 

Waxa uu Kasoo baxaday

Xafiiska Warfaafinta ee

Golaha Jaaliyadda Puntland Norway

Afhayeen

 

Jamal F. Baadi

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    Sidee dadka Puntland qabyaalad ama taageero qabiil uga tir tirnaa, oo maxaad taqaan kaliya loo hir galiyaa.

    Intii roon

    Warsame Khalaf.

Leave a Reply