Shirar ka dhacay Magaalada Qardho

October 5, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa xalay (04-october-2012) illa maantay ka socda magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar shirar looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa nidaamka xisbiyadda ee Puntland iyo weliba mudo kordhinta xukumadda wafdigaan ayaa ka socda Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, kuwaas oo socdaalkooda Qardho ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa nidaamka dimooqradiyadeynta Puntland.

Wafdigaan oo uu hogaaminayey Cabdiraxman Cabdule Shuuke Agaasimaha Hay’adda PDRC ayaa waxaa u soo dhammaaday shirar ay la lahaayeen qaar ka tirsan waxgaradka Qardho si ay ugala hadlaan in la taageero nidaamka asxaabta badan ee mudooyinkaan ay waday Maamulka Puntland.

Warar xog ogaal ah oo PN24 ka heshay dad ku dhow dhow wafdigaas ayaa noo xaqjiiyey in wafdiga socdaalkooda Qardho uu yimid ka dib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole uu ka codsaday Agaasimaha PDRC Shuuke in uu kala shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka asxaabta ee dowladda Puntland ay wado.

Wararka ayaa sheegaya in arintani timid ka dib markii Hay’adda Inter Peace ee ka taageeraysay Xukumadda Puntland nidaamka dimoqraadiyadda ay sheegtay in ay joojinayaan lacagaha ay ku bixiyaan arimaha dimoqraadiyadda Puntland.

Xubno ka tirsan wafdiga oo aanu la xiriirnay ayaa xaqiijiyey in Hay’adda Inter Peace ay dhawaan joojin doonta dhaqaalaha ay siiso Puntland ka dib markii ay xafiiskeeda gaareen qoraalo badan oo ay qoreen Siyaasiiyiin,Waxgarad iyo weliba Isimadda Puntland oo looga digay Hay’adda in aysan dhaqaalaha ay ku bixiyo Puntland uusan horseedin iska horimaad iyo in aan loo adeegsan in shacabka xoog lagu caburiyo.

Cabdiraxman Shuuke ayaa waxa uu kulamo la qaatay xalay illa maanta waxgaradka Qardho iyo weliba siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Taaran oo ahaa Xeerilaaliyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Bari isla markaana ahaa ku xigeenkii guud ee xeerilaaliyaha Puntland.

Sidoo kale waxaa uu Agaasime Shuuke uu kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha degaanka Qardho oo uu hogaaminayey Caaqil Maxamuud Siciid Aw Muuse (Afdiinle) isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa in la taageero nidaamka asxaabta badan ee Maamulka Puntland uu wado iyo weliba in Shacabka ay taageeraan in Maamulka Puntland ee hadda lagu daro mudo sanad ah.

Axmed Taaran ayaa u sheegay PN24 in soo dhaweynayaan in la xoojiyo amniga Puntland isla markaana aan lagu xadgudbin sida uu sheegay sharciga u degsan Puntland, loogana baahan yahay Madaxweyne Cabdiraxman Faroole in uu qabto doorshooyin wakhtigooda.

“ Dadka waxgaradka ee reer Puntland waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan amniga dalka, xukumadda hadda jirta ee wakhtiga ka dhammaaday waa in ay ka dhabeysaa in la qabto doorshadda 8-January-2013 oo ah marka uu ugu eg yahay Xafiiska Madaxweynaha iyo xukuumadiisa.” Ayuu yiri Mudane Taaran.

Dhanka kalena qaar ka tirsan odayaashii kulanka la qaatay wefdiga ka socday Hay’adda PDRC ee ku hadlayey magaca Xukumadda Puntland ayaa u sheegay PN24 in ay wafdiga isla garteen in la xoojiyo nidaamka asxaabta badan, isla markaana Puntland laga hirgeliyo doorshooyin 8-January-2013, Hadii Alle idmo, iyadda oo wafdigii ay isla maanta dib ugu noqdeen magaaladda Garowe.

September 21, 2012 ayaa aheyd markii Qardho ay ka dhaceen mudahaaradyo oo looga soo horjeedo in Xukumadda Puntland ay sameeyso mudo kororsi sanad ah.

Shacabka Puntland ayaa waxa muujiyeen in ay taageersan yihiin in Puntland laga hirgeliyo nidaamka xisbiyadda badan, balse waxa ay si weyn uga soo horjeedaan in mudo sanad ah loogu daro xukumadda Madaxweyne Faroole. hase yeeshee shaqadaas looga fadhiyo xukuumada bedesha tan haatan.

Gudiga hirgelinta nidaamka Xisbiyadda ay diidmo iyo mudaharaadyo kala kulmeen degaano ka tirsan Puntland sida Waaciye,Rako,Bander beyla,Jariiban iyo weliba Buuhoodle oo dhammaan ka tirsan goboladda Karkaar,Mudug iyo Cayn ee Puntland.

Iyadda oo waxgaradka Goboladda Bari iyo Mudug shirar ay yeesheen sidoo kale kaga horyimaadeen in mudo sanad ah loo kordhiyo xukumadda iyo baarlamaanka Puntland.

Cabdicasiis Maxamed

Puntlandnews24

Qardho-Somaliya

 

 

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Bashiir says:

    Xilkas kuwa uu Faroole masruufo si ay been iyo faan u fidiyaan miyaad tahay ileen taariikh ma taqaanid. Markuu Siyaad xukunka boobay sida aad tiri madaxweynihii la dilay qardho ayaa laga soo doortay marka nacas yahow reer qardhood markaa tacsi bay u fadhiyeen. Tan labaad garoowe ayaa afwayne looga dabaal dagi jiray. Hada qurinkii meesha xun ka tuuray afwayne oo dhan baa garoowe ku soo uririseen sida shimbara laaye, ilka jiir, gaashaan, abdisamed, khaliid. bal car sheeg nin SSDF ama dadkii Puntland soo dhisay ka hel dawladaan. Kuli waa cayayaankii afwayne, Faroolena sidii sii buu ku socdaan.

  2. ayaanle says:

    aniga waxaan qabaa faroole in ladilo wayo dal iyo dadba waa baa bi iyay waa qabyaaladayste reer baadiye ah oo aan la gaban qabyaalada foolxumada badan waa waxmayaqaan maangaab ah waa dugaag cuna jecel waa afgarooc aan hadal aqoon waa fulay xarwayne ah waa bakhayl aan loo hoyan waa,faroole hala dilo ayaan oranlahaa in wax loo gudaro iska daaye,

  3. xilkas says:

    Xooshlow hadii aad xabad rido. Adiga uun baa ku naf waayi. Reer Qardhood taariikhda wax bay ka barteen. Maxaa naga soo gaaray u dagaalankii Cadde Muse iyo Jama Ali Jama. WAXBA.

  4. xilkas says:

    Reer Qardhood ma masuuliyad gooni ah baa ka saaran bedelida xukunka.
    1: Markii Mohamed Siyaad barre xukunkii Somalia boobay Reer Qardho waa sacbiyeen;
    2: Markii Abdullahi Yusuf sanad ku darsaday Reer qardhood, iyaga oo aan dhamaan la tashan Reer Puntland waxay u dhaqmneen in iyaga si gooni ah loo xumeenayo. Halkaas waxaa ku naf waayay boqlaal wiil oo Reer Qardhood ah, wax dagaalkaas laga dhaxlay ee aan ahay wiilasheenii oo ku dhintay, agoonimo, fakhri iyo xaasaskii ragoodii la waayay.
    Sanad in la kordhiyo baan ku dagaalamyaa”"”" – waa caqli foorara.

  5. Xooshle says:

    Sand iskadaye 1 malin logu darimaayo waqtigisu hadu dhamaado hayska tago ama hays so sharaxo hadi kale cidu xoog kui haysan karo haku haysto nabday

  6. asalama calaykum shacabka hala iska ialaaliyaan yaan la kicin lana caburin hadaad kiciso hadee waa masiibo bilaabatay faroolena dadku waa dadkiisii hala hadlo dadku hadal bay Wax ku leeyihiin hadaad afar askari xoogaa Wax siiso oo aad dhahdo kii reer puntland ah ee hadla aamusiyo hadee saas laguma noqdo madaxweyne cadaalad ah madaxweynaha waa inuu noqdaa mid dadkiisa kawarhaya oo ku dhexjira eeaan looga sheekayn dadkaaga adaa hogaanka u hayee si fiican u hogaami oo cadaalad naxariisi ku dheehan tahay waxaan kaloo ku dari lahaa asxaabta siyaasada u xir xiran sida bille qabowsade oo runtii ah nin saaxiibkay oo dhib badan isla soo marnay waa in xornimadiisa uu helaa isaga iyo kuwa kaleba dadkaaga markaad kabaqdo faroolow waa arin dhibkeeda leh dadka dhexgal xafiiska garoowe iyo dibad wareeg iyo siyaasada soomaliya hanagu mashquulin doorashadaana waqtigeeda ku qabo waad ka eedlaanaysaa wixii ceeb ah ka fogow wabilaahi towfiiq nbadeey

  7. ` says:

    fadlan nin kaan faarax la dhahoow waxaad ii sheegtaa ciidamada ina faroole dhisay waxa ay qabteen ama cadoowga ai difaaceen ama abniga gudaha oo ay wax ka qabteen soose ma ogid in maalinkii faroole uu xilka la wareegay abniga puntlan meesha uu marayay iyo maanta sida uu xaalku yahay anigu waxa aan ahay muwaadil reer puntland ah maantana walwal ayaa iiga jira xaaladayda abni maarka walaal cadiifadu yeeysanku qaadin waad mahadsantihiin

  8. Qaasim says:

    Waa wax laga naxo maantay in eey puntland burburto waalalayaal reer qardho kor aan fiirino cadaw badan aa neesku keen baheeystay muqdisho waxa kasocdo waa aragtaan faroole aad buu u qaldanyahay halsano micno malaha hada waa cadawga dibada hala arko hadii soomaali badan baa nagu qosli doonto garowe iyo qardho markaan isku dhex bursano

  9. faarax says:

    ANIGA WAXAAN QABAA MADAXWYNAHA HALOOGU DARO HALSANO OO DHEERAAD AH KABACDI DOORASHO HALA GALO FAROOLE WAX BADAN WUU QABTEY SIDA CIIDANKA PUNTLAND WUU DHISAY MUSHAARNA WAA QAATAAN MARKUU IMAANAYA CIIDAMADA WAA KALA DAADSANAYEEN MAANTA PUNTLAND WAX AGTEEDA SOO MARI KARO MAJIRO MIDA QALADKA UU KU SUUBIYA WAXA WAAYE GAROONKA BOOSAASO WADO MAMARSIININ LAAKIIN KUWA MUCAARADKA WAA DHAAMAA MUCARADKA HADEY PUNTLAND KU GUULEYSTAAN MAXEY QABAN DOONAAN HADA HASII SHEEGAN QORSHAHOODA

Leave a Reply