Shirka ergada ansixinaysa qabyo qoraalka dastuurka oo Muqdisho ka furmay
July 25, 2012 // Warar SomaaliWaxaa maanta ka furmay hoolka shirarka dugsiga gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho shirka la doonayo in lagu ansixiyo qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.
Ergooyin boqolaal ah oo ay soo xuleen duubabka dhaqan ee bilihii ugu dambeeyay ku shirsnayaa magaalada Muqdisho ayaa buux faadhiyay xarunta uu shirku ka furmay, waxaana sidoo kalle goob joog ka ah madasha shirka madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali,afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan,wakiilka gaarka QM ee Somaliya Augustine Mahiga iyo madax kalle.
Wefti kasocda dowladda Puntland oo saakay ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa gaaray goobta shirka uu ka furmay ee magaalada Muqdisho, waxaana muuqanaysaa is afgarad in laga gaaray mad-madow dhinaca ergooyinka Puntland ka imaanaysa ka dhexjiray, wafdi uu hogaaminayo raysul wasaale kuxigeenka dowladda faderaalka C/wahaab Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa xalay Garowe kulan kula yeeshay madaxwaynaha Puntland.
Shirka Muqdisho ka furmay ayaa waxaa la filayaa inuu socdo 9-cisho, xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee 275-ka xubnood ayaa iyaguna la rajaynayaa inay kasoo baxdo shirka Muqdisho ka furmay.
Puntland-news24
Muqdisho


