Shirka Istanbuul ee Isimadda iyo Bulshadda qaarkeed loogu yeerey xagee buu salka ku hayaa

May 28, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Intaad qaleysey, Anna waan qeybinayey”.

Sheekadda Road-mapku waxay ka bilaabatey magaaladda Kampala, markii ay isqab-qabsadeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Baarlamaan-ka, waxaanna hawshaas soo afjarey UN-ka iyo Madaxwene Museveni, oo qab afqabasho ah ku soo afjarey, laguna amrey in qaabkaas loo socdo sanadka dawladda loogu darey madaxdii Soomaaliyeed, Ra’iisal Wasaare cusubna ku yimid, lana bilaabey fulintii soo afgoynta waqtiga ku meel-gaarka ah ee dawladda Soomaaliya looga guuri lahaa.

Waxaa la soo marey shirar badan oo dhammaantood lagu qabtey Soomaaliya gudaheedda sida Xamar, Garoowe, iyo Gaalkacyo, loona muujiyey in hawsha hadda socota ay tahay mid Soomaali wadato, guulla ku dhamaaneysa.

Nasiib darro, is-afgaranwaa soo kala dhex-galey siyaasiyiintii saxiixdey heshiiskii kala-guurka, ahaanna murran la isku fahmi waayey qaabka ay u dhisnaan doonto dawladda Soomaaliya, baa wuxuu sababey in hadanna dib loo aaddo meel ka baxsan Soomaaliya, meeshaasna waxay noqotey Addis Ababa.

Taasi waxay meesha ka saartey guushii dhalanteedka ahayd ay madaxda Soomaaliyeed ku faanayeen, kana dhigayeen in Kala-guurku u ahaa talaaba Soomaali ka timi, Soomaaliya gudaheedana lagu dhameynayo.

Sida ka muuqata maah-maahda aan kor ku xusey, Soomaali badan baa aad u soo dhaweysey in nidaamkii federaaliga ahaa uu hirgalay. Dadkaasi waxay ku doodaan in nidaamka Fedreaaliga ah uu yahay mid danta Soomaaliya ku jirto, noqonna kara qaabka keliya oo Soomaaliya lagu dhiqi karo ama isku aamini karaan, inkastoo dadkaan sidaan aaminsani badidoodu ayan garaneyn sida qaabkani u shaqeeyo.

Ummadda sidaan qabta aad beey u rabaan in dawladda ku-meel-gaarka ah la soo afjaro, si loo gaaro dawlad fulisa oo dhameystirta nidaamkan Federaaliga ah.

Waxaa jira ummad Soomaaliyeed oo kale oo qaabkan ka soo horjeedda, runtii hadaad kuwan weydiiso waxay uga soo horjeedaan in badan oo ka mid ah kuuma sharaxi karaan sababta ay uga soo horjeedaan. Qolodanni waxay ku doodaan dhowr arrimood oo ah:

1.  1.  Dawladaha deriska la ah Soomaaliya baa faragellin ku haya Soomaaliya.

2. 2.    Weli Soomaali ma hellin ineey iyaddu dhexdeeda ka heshiiso.

3.    3. Shabaab waa Soomaali, waanna ka wanaagsan yihiin AMISOM.

4.     4.Soomaaliya waa la gaaleynayaa.

5.    5. Waxa lagu kala darayaa Itoobiya iyo Keenya.

6. 6. Waa in Al-shabaab lala heshiiyaa, sidii Maxkamadaha loola heshiiyey Madaxweynahanna la siiyaa.

7. 7.    Nidaamka Federaaliga ah, waa nidaam lagu burubrinayo Soomaaliya.

8.   8.  4.5 waa qaabka Soomaali si xaq ah wax ugu qeybin kara. I.W.M.

Qolodaan in muddo ah waxay dhex ordayeen adduunka iyagoo raadinayey cid fikradaan ka gadaan, fikraddu maxay tahay:

1.     In la hello meel ka baxsan, Geeska Afrika oo shir lagu qabto iyo dawlad shafka u garaacda ineey isu keento Soomaali.

2.      1.Ka fog faragelinta cadowga Soomaaliya.

3.     Nidaamka ku meel-gaarka ah waqti ugu darta si ay u dhameys-tiraan guulihii la gaarey, oo yaa gaarey CADOWGA SOOMAALIYA AMISOM.

Dawladaas waxay noqotey Turkiga oo rabta in la helo fikrad la bar-bardhigo tii ahayd soo af-jaridda ku-meel-gaarka oo ay wadey U.N, A.U iyo IGAD. Fikridaan dambe oo haddii ay u dhacdo sidii la rabey ah mid ka cullus tii hore oo ahayd tallo ka timid:

1.     Wadamadda dariska Soomaaliya.

2.      Ay saxiixeen 6 nin oo siyaasiyiin ah, lehna dano gaar ah.

Meesha fikirkaan shirka Turkigu hadda wado, loo tarjummi doono, fikrad iyo go’aanno ka dhashey markii ay isu yimaadeen Bulshaweyntii Soomaaliyeed, oo ka kooban Isimmo, Wax-garrad, Aqoon-yahanno iwm. Meeshuna ahayd dhul Muslim ah, Saaxiib soo jirreen ah la ahaan jirey Soomaaliya, ka fog wadanaddii cadowga Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya.

Marka, anigu u maleynmaayo in Turkigu kala jecel yahay haddii Dawlad Federaal ah Soomaaliya loo sameeyo iyo haddii kale. Ilama ahan inuu kala jecel yahay in Sheikh Shariif sannad loogu darro iyo in kale. Ilama ah in Puntland iyo Somaliland uu midkood soo dhaweyasnayo.

Marka maxaa shirkaan ka soo bixi kara, ama laga damacsan yahay, waxaan ku soo koobey in danta laga leeyahay ay tahay:

1.     In Road-mapkii Kampala ka bilowdey, kuna dhamaadey Addis Ababa, la hello wax laga horkeenno, oo la yiraahdo Lixdii Siyaasi waraaqdaan beey isku raaceen. Shirkii Turkigana waxaa ka soo baxay qodobadaan oo ay soo saareen dhammaan Soomaali weyn. (kee baan raacnaa ama addunku qaataa).

2.     Taasi waxay fududeyneysaa, in fikirkii dambe la qaato maadaama Ummadda badideed ee go’aanadaas soo saartey.

3.     Ama, la yiraahdo Soomaali waa kaas mana heshiinayaan, ee adduunku ha u talliyo, halkaasna laga soo saaro go’aamaddii dhabta ahaa ee la rabey in lagu xukummo.

Wa Billaahi Towfiiq.

Burhan D.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. qeybdiid says:

    asc.
    waxa la yaaba in qof walba sida ay latahay wax isaga sheego,waa ayaan daro in wax yaabaha qaarkood marmasiinyo laga dhigto,horaa waxa loo yiri (nin kasta aqoontiisa ayuu hadlaa),isamada puntland ee jooga xamar iyo kuwa jooga garoowe midna amarkooda iyo caqligooda kuma joogan cida ay amarka ka qaateena 2da qoybood waa mudane FAROOLE iyo mudane CABDIWALI,horaa soomaliyi u tiri hal booliya nirig xalaala madhasho macnaha waxa la isku hayo ayaa waxay tahay sidii somali loo qabsanlaha cidina uma hayso dan iyo asxaan toona,waxa dastuurka lagu sheegay kan qaatay iyo kan diidayba magarankaro waxa uu ku qaatay iyo waxa uu ku diiday sababta oo ah isimada puntland iyo kuwa somalida kaleba waanu naqaan iyo heerkooda aqooneed waxa laga hadlaya waa dastuur,dastuurkana cid walba magarankarto, mana garankaran dastuur waxa isimada lagu sheegayo ee soomalidu muqdisho isugu geeysay,hadaan ka hadlo arinka pl,pl waa dowlad tabar daran wax kasta oo ay qabatana waxa laga soo maamula ethiopia sida mudane FAROOLE qiray iyo kuwa kale ee somalida horjooga,arinka dadka reer koonfureedka ah hadan wax ka dhaho waa umad sharciga ka jecel sharci darada lkn qaybaha kale ee somalida ayaan dhaamin sida pl,mid kalena hala ogaado somalida koonfarta xun anaga fiican waa waxba kama jiraan hadba qaybta somalida xunba mudnaanta u leh dowladaha deriska ah,machana adiga wax qabsaday waxay kaa hormarinayaan kuwa qas wadeenka ah,walow laga yaabaa kuwa waxbaan qabsanay leh inay uga horeeyan shisheeya kalkaalnimada,arinka ugu danbeeysa ee aan wax ka oranayo waa isfahan waaga somalida waxaana sabab u ah waa aqoon la’aanta baahsan ee haysata bulshada somaliyeed waayo waaba dayoobeen qof wax garanaya majirto midkasta qofnimadi ayuu lumiyey,waa umad daanyeerta aan waxba ka duwanayn walow cilmayada qaar lagu sheego in xataa xayawaanku uu leeyahay qaab awood qaybsi iyo maamulo uu ku noolyahay,ugu danbayn waxaan leeyahay ilaahay ha u sahlo somali inkastoo ILAAH HORAY NOOGU SHEEGAY CIDA IS DULMIDA OO IS DULAYSA inaysan wax gargaar ah ka helayn ilaah xagiisa ILLAA AY GAROWSADAAN IN AY IYAGU IS DULEEYEEN,wsc wrwb ahmed qeybdiid

  2. Khadar. Sxb waxan oran lahaaba adaa yiri. Lkn indr reer barigan jiir haan ku waynaaday ah. Yaa wax ka dhaadhicinkara. Yaa ugu dhaarta in aan ka badino baantuga xamar. Iyo gobolada dhexe. War anagaa nimankas idinka naqaan. Rer bariyow walahi shaydaanki isha cada way ka necebyihi qarimo maraban cahdi maleh. Maalintay dan leyihin bay la sobaxan shaar somalinimo inta ilmada yaxaaska. Iska soo daadshaan .waxan idin kula talin lahaa. Aderayalow. Nimankasu ma raban qaranimo ma tixgaliyan islamnimo ma leh dhaqan suuban. Aderayalow somalia puntland baynu kuleenahay ayada aynu hagaajisano o midnimaded iyo wanaageda ka shaqayno. Inta ay ka miyirsanayan qoomkaasu. Waagay fahmaan micnaha qaranimo o somali isku timado aynu dhawrno

  3. kkkk asc marka hore horta turki waa dowlad muslim ah gaalana aad uga buuxdo intabadana maamusho xaqiiqda dhabta ah turkigu maahan dowlad go aan ka gaari kadha somaliya waayo ayada lafteda baaba lahayn power full marka .waxyar aan usoo noqdo howlaha turkigu wado runti ani shaqsi aahn waa ii cadahay fakarka ka imaankara turkiga iyo cida dhanka soomalida u horboodaysa 2badaba waxaana aragti iigu filan turkigu qaabku soomaliya uga fulinayo waxa uu ugu yeeray toburucaad ama soo noolayn iyo dib u dhis taas oo meeshay ka socoto cid walbe fahmayso raga arintan watana aad baan shaqsi aahn uga dharag sanahay . Intaa marka laga yimaado fakar waxan qabaa ah somaliya ma heshiin ka dhee yaan laysku curyaamin oo ku wii hor marsamaystayna halagu garab galo kuwii liitana hala soo kiciyo . Ani shaqsi aahn waxan ka soo jeeda pl . Fakar waxan qabaa ah in pl .13. Ay dhisnayd .ay ku mashquul sanad qaran soomaliyed oo la helo .dhaqaale badan iyo wiilal badan iyo wakhti aad u dheer bay pl ku bixisay sidii bar uun dowlad somaliyed loo helilahaa fursadaa oo hayday pl gudaheeda ku bixin lahayd maantay pl ay ka midnoqon lahayd barwaaq sooranka .intaa ka dib waa xoog doofar lagu cayrshay .wiilka xamar jooga iyo siyaasi kaste oo xamar jooga waxuu aaminsan yahay in pl kansarka xamar tahay iyo caalamkana waxay ka dhaadhacshen in pl hortaagantahay qaran soomaliyed marka soo fakar aad ukala fog maahan maxaase dadka rer pl daba dhigay somalinimo aan ciba larabin oo macaa ayagii lagu nacay soo inay danahooda ka tashadan maahan oo ilaa inta la helayo dadka xamarku nool oo somaliweyn u bisil inta ka horeysa soo inay faraha kala baxaan kamaoon .ani waxan qabaa madaxda pl shacabka pl ee aad xilka u haysulumiya fursada aadhigten xoog doofar lagu ceyrshay

Leave a Reply