Shirka Madaxda Suxufiyiinta Bariga Afrika oo Nairobi lagu soo gabagabeeyay (Sawiro)

June 25, 2012   //   Warar Somaali

Shirweyne ay igu yimaadeen Madaxda Ururadda Saxaafadda ee dalka ayaa maantay si rasmi ah loogu soo xiray Hotel Green Regency ee Magaaladda nayroobi dalka Kenya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA ayaa waxaa ka soo qeyb galayay Madaxweyne ku xigeenka dalka kenya Kalonzo Musyoka,Xoghayah Warfaafinta Kenya, Madaxda Ururadda Suxufiyiinta Somalia,Ethiopia, Djibouti, Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda, Tanzania , Sudan iyo weliba  Dr Jean-Pierre Ilboudo Hay’adda UNESCO.

Ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyey Mudane. Cumar Faaruuq Cismaan Xoghayaha guud ee Ururka suxufiyiinta Afrika isaga oo in badan ka hadlay qiimaha uu leeyahay shirka ay igu yimaadeen madaxda ururadda suxufiyiinta.

” Waxaa ay shirkani tusaale u tahay sida mar walba aanu u difaacno xoriyadda Saxaafadda, iyo weliba sidii loo heli lahaa in dib u eegis lagu sameeyo sharciyadda u degsan Suxufiyiinta gobolka, kuwaas oo in badan la kulma dhibaatooyin” ayuu yiri Faaruuq.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa isaga waxa uu aad uga hadlay dhibaatooyinka soo gaara suxufiyiinta Soomaaliyeed isaga oo sheegay in cid walba oo saxaafadda Soomaaliya dhib u geysto lagu qaban doono dalka kenya sharcigana la horkeeni doono.

Ezekiel Mutua Xoghayah warfaafinta dowladda kenya ayaa tilmaamay in Suxufiyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwa khatarta ugu badan ka soo gaarto dalkooda, isaga oo sheegay in Kenya ay ku dadaaleyso in sharciga la keeno cid walba oo dhibaateysa Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxda UNESCO ee Afrika ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihin in sharciyadda saxaafadda Afrika waxa badan laga bedelo, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatadda mar walba soo gaarta Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdiweli Xasan Gooni oo ka tirsan Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo shirkaas matalyey dalka Soomaaliya ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka soo jeediyey shirweynaha isaga oo sheegay in Soomaaliya ay tahay meelaha ugu khatarta badan ee Suxufiyiin ay ka howl galaan.

Waxa uu sheegay in Suxufiyiinta Soomaaliya sanadkaan u aheyd mid murugo leh ka dib markii Sanadkaan 2012 bil walba oo ka mid ah la dilay Suxufi ka howlgalayey warbaahinta gudaha, isaga oo sheegay in dadkii falkaas geystay aan la soo qaban, kuwa sidaan oo kalena u dilay suxufiyiin hore aan sharciga la keenin.

” Dhibaatadda dalkeena ka jirta ayaa ah, in Sharciga iyo Maxkamaddaha dalka ka jira ay yihiin kuwa aan daba gal iyo baaris ku sameyn dadka ka dambeeya dilka suxufiyiinta iyo weliba kuwa caadeystay in ay xiraan welibana ku fuliyiinaan sharciyo aan aduunka ka jirin oo iyagga ay sameysteen” ayuu yiri Cabdiweli Gooni.

Gooni ay tilmaamay in goboladda Puntland iyo Somaliland uu ka jiro sharci gaar ah oo Argagixiso kaasina inta badan suxufiyiinta halkaas ka howl gala lagu fuliyo, isaga oo sheegay in ay dalbanayaan in Beesha Caalamka iyo Ururadda Saxaafadda daneeya ay ka shaqeeyaan sidii loo bedeli lahaa sharciyaas, uu ku tilmaamay kuwa Saxaafadda dhibaato ku ah.

Shirweynahaan ayaa ah mid waxa weyn ka bedeli doona qaabka shaqo ee suxufiyiinta ka howl gala bariga Afrika, kaasi oo la filayo in ay noqto mid waxtar weyn u leh.

 

PUNTLANDNEWS-24

NAYROOBI, KENYA

 

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Nasra Ali says:

    Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Cabdiweli Gooni oo reer puntland ah, kaalinta wanaagsan oo isaga iyo saaxiibkii Cumar Faruuq ka qaateen horumarinta saxaafadda.

    waxaana ku dhiira gelinayaa in saxaafadda ay ku daydaan GOONI iyo FAARUUQ

Leave a Reply