Shirkada Saracen iyo mashruucii jasiirada cusbada [Warbixin]

June 2, 2012   //   Warar Somaali

WAA MAXAY XAQIIQDA DHABTA AH EE SHIRKADA SARACEN-KA PUNTLAND  iyo MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA?

Goglodhig;

Umad walba oo aduunkaan jirta ilaahey waxa uu ku beerey bogcad ka mid bogcadaha aduunkaan dul saran,Somalia oo ah geeska Africa ayaa mudooyinkaan badan waxay noqotey meel aysan ka jirin wax dowlad, oo ay aduunku aqoonsan yahay,hadaan sida kale u dhignana aan lahay awood maamul oo ay dowladaasi ku hanato dhamaanba dalka oo dhan,wax walba oo asbaabahaas loo aaneeyo,dalku waxuu galay mugdi aad u fool xun,taasina waxay sabab u noqotey in uu caalimku  soo hunguriyeeyo,si ay Somalia u noqoto meel lagu fushado dano gaarka ah ee ay kaa leeyhihiin.Hadaba Shirkadaha aan la aqoon,meel ay ka socdaan iyo howsha ay qabanayaan,ayaa ku tartamaya Somaliya,kuwaasoo heley madax aan dalka iyo dadkaba u naxeeyn ee,iyagu danahooda meesha ka raacanaya,Puntland ayaa ka mid ah qaybaha Somalia,ee aadka ay u degeen shirkadaahi,iyagoo aan ku imaan wax sharci ah,qaarkoodna ay halis gelin karaan nolosha malaayiin reer Puntland ah mustaqbalka.

Dastuurka Puntland  Vs  Shirkada SARACEN

Shirkada Saracen waxay si sharci daro ah ku joogtaa deegamadda Puntland,isla markaasna lama soo marin golaha baarlamaanka Puntland siduu dhigayo dastuurka Puntlan oo leh; wax kasta oo shirkada ah oo dalka imaanaya waa in la soo mariyo golaha baarlamaanka,waana kuwa iska leh awooda sharci dejinta ,matalayana shacabka reer Puntlan oo dhan.Sidoo kale dastuurka ayaa qoraya,markuu ka hadlayo ilaalinta degaanka;dowladda iyo dadweeynaha Puntland waxa waajib ku ah ilaalinta,dhoowrista iyo soo kabashada deegaanka,waana in si cad loogu qeexaa heshiis walba oo la gelaayo.

Nabadgelyadda Puntland Vs Shirkada SARACEN

Arinta nababgelyadda ayaa iska leh mudnaanteeda gaarka ah,marka shirkadaani ay si sharci daro ah waddanka ku joogto,isla markaasna aan la aqoon ama aysan cadeeynba waxa ay qabaneeyso,meesha ay ka diiwaan-gashan tahay,cida wadata oo ka dambeeysa,hadana ay u dheertahay tuhun badan oo dadweynuhu ka qabaan ,xataa hawsha loo nisbeeynayo oo aysan wax shaqo ah ku lahayn,ayeey waxay u egtahay mid colaad cusub deegaanada ka hurineeysa,sida sadbursi dhaqaale,beelaha oo ay hub iskugu dhiibeeyso,deegaamo cayiman ood moodid in ay duulaan ku yihiin,iwm. Arimahaas aan soo sheegney oo dhami waxay horsed u yihiin in ay timaado iska cabin,sida meelaha qaar uga dhacdey(Eeyl,Iskushuban,Garacad iyo Xaafuun oo hadda ay xoog ku joogto).Shirkaddaha mishineriga ah ayaa waxay tahay caadadoodu in ay badanaa u safraan meelaha aysan ka jirin dowlado amaba tabardaran yahiinba,si ay danahooda guracan uga faa’ideeystaan,Somaliya ayaa ka mid ah meelaha ay aadka u joogaan,aysana cadeeyn ujeedooyinkooda iyo danaha gaarka ah ay ka leeyihiin,kuwaasoo shacabka wadamadaasi ku eedeeyaan in ay sun ku aasaan meelahaas,sida hadaba ku cad qoraalada la hayo.

Arimaha Bulshadda Vs SARACEN

Xaqiiqan dhibaatooyinka tooska ah iyo kuwa dadbanba,waxa ay ku dhacayaan waa dadka masaakiinta ah iyo deegaamadooda,waxaa halis ah in ay shirkadahaasi sun iyo wasakh ku aasaan dhulka qaybahiisa kala duwan iyo badaha hoostoda,waxayna aafo aan la soo koobi Karin ku reebeeysa bulshada,waxayna sababi karaan cuduro farabadan oo aan loo hayn daawo iyo dhaqaale lagu horjoogsado.waxa sidoo dhibaato xoog lahi soo gaareysaa dhirta daaqa iyo dalagyadda la beerto,xoolaha la cuno,iyo ugaartaba.

Mashruucii Jasiiradda Cusbada

Hadii aad dib u jaleecdid taariikhda,waxaad ogaaneeysaa in aysan arinta SARACEN ee ku jiheeysan xaafuun ahayn wax cusub,balse uu isbedeley waqtigu,waa meel gumeeystayaashii dalka u ahayd bartilmaameed,waa meel ay horey u sahan-sadeen,lana sugayeen waqti ku haboon iyo dadkii hawshaas u qaban lahaa.Maamulka Faroole ayaa noqdey mid isagu ajandahaasi hirgeliya,ka dib markii shirkaan SARACEN uu xoog ku dejiyey Xaafuun.

Bartamihii sanadihii siddeetameeyada ayaa Faransiiska iyo Maraykanaku ka shaqeeyeen mashruuca loogu magac daray “Jasiiraddii Cusbada”. Ujeeddada laga lahaa mashruucan baa ahayd in la qorsheeyo raadinta iyo helidda, marka hore, meelo lagu kaydiyo sunta iyo qashinka haraaga Nuclear-ka ee ka timaadda warshadaha waddamadaas iyo kuwa kalaba. Wajiga labaad oo mashruucani wuxuu ahaa in, marka goobahaas la helo, la karantiilo oo laga go’doomiyo degaanka ku xeeran bad iyo berriba deednna aad loo ilaaliyo haddii loo baahdana la difaaco xitaa militari ahaan.

Qashinka suntaa ayaa guud ahaan waxaa loo qaybin karaa laba qaybood oo kala ah:

1)Qayb kala-hufid iyo nadiifin dheer oo dhib badan kaddib degaanka dabiiciga ahi dib u qaadan karo (recycled).

2) iyo qaybta labaad oo ah mid aan lala hormari karin dariiqadaha kala duwan ee hoos loogu dhigo heerka iyo awoodda suntaas (physic-chemical and biological treatments) oo markaas xalka kaliya oo bannan uu yahay in si laga-taxadaray loo xifdiyo. Sunta haraaga nukliyeerka ayaa qaybtan soo hoos-galaya.

Famiglia Cristiana (FC) oo ah joornaal toddobaadle ah oo si gaar ah arrimahan muhimmad u siiya ayaa wuxuu ka soo xigtay dad muhiima oo la xiriira degaanada sirdoonka reer galbeedka oo aan doonayan in la magacaabo in aakhirtu Maraykanka iyo Faransiisku ay ogolaadeen taabbagalka mashruuca oo ay siiyeen “green light” si loo hirgaliyo kaddib markuu ku gudbay “feasibility exams-kii”.

Su’aashu waxay tahay, haddaba, maxaa magacan logu doortay? JASIIRADDA CUSBADA oo loogu magacdarayse waa tuma? Xaggeese ku taal jasiiraddaasu? Inkasta oo magaca ay soo hoosgalayeen meelo badan oo mashruucu u gartay fulinta hawshaas haddana site-ka ugu weyn oo magacana laga qaatay, jasiiradda cusbada ee la sheegayaa waa XAAFUUN oo ka tirsan Gobolka Bari oo sida lagu sheego inay tahay halka laga helo kaydka adduunka ugu baaxadda weyn ee cusbada ama milixda taasoo sida la ogyahay tusaale ahaan qarnigan dhammaaday bilowgisii u dhoofinjirtay Hindiya cusbo aad u fara badan (Mauro Merosi; 1995).

Sida uu qabo Mr. Aldo Anghese oo ah nin la shaqeeya Hay’adda Sirdoonka Talyaaniga, Xaafuun waxyaalaha lagu doortay waxaa ka mid ahaa dabeecaddeeda juqraafiyeed: Waxay ku taal buu yiri meel lama degaana, dadka iyo duunyadubana ama ku yaryihiin ama aanay joogin.

Waa meel si dabiici ah go’doon u ah buu yiri oo xagga badda maahee aan berri looga iman karin (u fiirso khariiradda Soomaaliya halka Xaafuun ku taal).

Waxyaalaha lagu doortay Xaafuun waxaa ka mid ahaa tiiyoo ay adagtahay xataa in xagga cirka laga arko xitaa haddii diyaarad lagu dulmaro. Si kastaba ha ahaatee, FC wuxuu xaqiijiyey in documents-kii gabagabada ee mashruucaas, lagu codsanayey in la aasaaso meelo qalcadaa (punti di osservazione) oo loogu talogalay ilaalada iyo dhisidda difaac adag oo xagga hawada ah ama “Air Defence Shield”.

Meelaha kale ee Gobollada Woqooyi-Bari ka mid ah ee la sheegay in qashinkaas sanadihii sideetamaadyadii lagu qubay ayaa waxaa ka mid ah Caluula iyo Waddada u dhaxaysa Garoowe iyo Boossaaso.

Ahmed Mahamoud

eastafricairc@yahoo.com 

  

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. WAA MAHADSANTIHIN
    PUNTLAND NEWS
    WAA ARAGTI FCN OO AAD UFCN WAXAANA LAOGSOOYAN WAXAA AAD SHEEGTEEN IN AY RUN TAHAY MADAMAAN WAAN KUJIRNO MARAXALD XUN IYO KALA GUUR QORALKAN WUXUU AN FACAYAA DAD WACYI GALSAN OO WAX FAHAN SAN OO AQON IYO TYAO IYO WADANIYAD KUJIRTO AYAA UBAHAN ,,,FAROOLE WAA MADAXWEYNAHA PUNTLAND WAA NIN CALOSHIS USHEQAYSA OO CIDAN KAMA FAKARO DALNA IYO DADNA M,GO OO WUXUU KUMASHQULSANYAHAY DHAQALAHA IYO LUGU YADA QARAN SOMALIYEED IO KALADLKA BULHSO WADA DHALATAY ,,SADARTEED WAXAN ANIGA HAN QABAA IN AAD WADA SARAHA QARSON IYO QORSHO XUMADA FAEOOLE IYO WAX LAYALO… WAA MAHADSANTIHIN

  2. BILLE says:

    salamullahu caleykum gabi ahaan,waa maxay waxa aad isweydiineysaan cidda shirkadan keentay,oo yaa yiri waa wax qarsoon,wax qarsoon ma jidhaan waxaana shirkadan keensaday faroole asaga ayaana ka danbeeya waxa dhacaya oo dhan oo sida uu doono ayuu sameeya,dad badan baa aad ula dhacsanaa waxa uu ku sameeyay dhulbahante laakiin marna isma ay odhan idinka yuu wax ka weyn idinku sameyn doonaa,anaga oo og in uu yahay jiri yaanu niri kaalay na daadihi,wax uu ka leexanayo ma jirto,hadana ka sii daran ilmihiisi yaa waxay iska dhigeen wiilashii qadaafi sayful islam oo kale,waxba yaanan la yaabin in uu ogolaado in sun lagu duugo wadankeena,mushkilada ugu weyna waxay aheyd markaan ka ogolaanay in uu khaatumo dulmi cad ku sameeyo,bal yaanu u ciirsanaa hadii ay dhab noqoto arintaas illaahayow islaam baan nahay ee naga soo gaar.

  3. Qaasim says:

    Walaal burcad badeed ceeb noo soojiidaya jidho oo xoolaha caalamka iyo badaha maraya iska qabsanaayo aduunkane waa ogtahay waanaga xoog badanyahay hadii aan laga hortagin waxaa dhacee in saldhigyo xoog looga sameeysto puntland oo dhulkeena nagala dhaco anagaane gacmaheena ku keensaneeyno waxaas ileen dad naga xoogbadanaa badahaas ilaaheey naga mari la’ee marka aan iska celino burcad badeed intaanan balaayo laga soo kabsan noo keenin

  4. Punland news wad mahadsantihin marka hore walalyal shaqo fican bad wadanka uhaysan puntlanderka dibadana hadan nahay aad ban ugu farax sanahay wajibkina saad u gudanaysan mida labad siyasiyinta puntland iyo madacwaynuhuba maxay uga hurdan shirkadan maxay qabata ? Maxay u joogtaa? Ya o golaansho siiyay maxase bari ka yaal ? Wadankena quruxda badan wa la nabad gurin qashin iyo sun ba lagu qubin cuduro iyo qasare badan ba ka dhici kara marka dadkan matala umada wa I.ay soo cadeyaan waxay qabatoyo wixi kenay wana in lo xilsaaro khuburo la shaqaysa iyo kuwa ilaaliy a intaba oo wax cad la og yahay miiska la keeno umadadana loo sharaxo marka ka dib wadan la iska maamusho aduunka kama jiro anagan dadwlad ba nahay wa in dadka dadka matalaya shaqadooda qabsadan hadhow yan la qoomamon mar ay too late wax walba noqdan wad mahadsan tihin

  5. puntlander says:

    jasiiradan xageey ku ooshaa?
    ma bari?
    puntland goormaan jasiirad lahaanay ?

  6. cabdullaahi cabdiraxmaan says:

    asc waxaan idiinka mahad celineynaa hadaad tihiin web puntland news 24 sida qiimaha badan ee uga hada sheen shirkadan saracen oo cid garanaysaa aanay jirin sharciga ay wadanka ku soo gashay haday noqon lahaayeen baarlamaan,wasiiro,aqoonyahan, culumudiin,salaadiin,waxaa u degaya maraakiib alaab ah lama fiirin karo kontaynaradooda,waxaa lays weydiinayaa tolow maxaa ku jira, lagama hadli karo,lama fiirin karo kan xoogaaga lasiiyey oo dhuuni raaca ah magaranayo sida wax usocdaan ,hadafkiisu waa daar aan helo wixii ladoono hala sameeyo,waxaa loo diidey muqdisho,maxay utegiwaayeen maamulada derikeena ah . waan ognahay,wixii loo yagleelay puntland masaasaa,waxaan usoo jidinayaan waxgaradka puntland in ladareemo masuuliyad maanta waxaan qaban karnaa beri maya,

Leave a Reply