Shir kadhacay Gaalkacyo oo laga soo saaray bayaan looga hadlayo xaaladda Puntland
February 2, 2013 // Warar SomaaliShalay waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo shir xiriir ah oo ay lahaayeen waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada gobolka Mudug, waxaana gabagabada shirka kasoo baxay bayaan kusaasab xaaladda Puntland
Aqriso Bayaanka
Shirar is-daba-joog ah oo ay yeesheen nabaddoonnada iyo wax-garadka gobolka Mudug, ayaa kadib markii ay qiimeeyeen marxaladda ay haatan marayso Puntland, oo ay horay uga soo saareen bayaan cad oo ku aaddan mowqifkooda siyaasiyaga ah, waxay markale maanta oo ah Jimce, 1-da Februay, 2013-ka ay qodobbo ay ku cadeeynayaan mawaaqiftooda ku aaddan sharciyadda golayaasha, axsaabta iyo xaaladda guud ka soo saareen qodobada hoos ku xusan:
- In sharciyadda golaha sharci-dajintu uu dhammaaday 31-kii October, 2012-kii, halka kan fulintuna uu jiritaan beelay 8-dii January, 2013-ka.
- In xukuumaddii hore ku fashilantay in ay si sharciga waafaqsan u maarayso marxaladda kala-guurka sidaa darteedna ay mas’uul ka tahay faraaqa bannaanaaday iyo wixii eel ah ee laga dhaxlo.
- In shacabka Puntland guud ahaan iyo si gaar ah kan gobolka Mudug ay soo dhaweeynayaan geeddi-socod walba oo ku aaddan dimuqraadiyadeeynta iyo u guuridda hannaanka xisbiyada badan.
- Si kastaba ha ahaatee, waxan hoosta ka xariiqeeynaa hannaanka uu maamulkii hore ku wado barnaamijkaas masiiriga ah in uunan ahayn mid ku bannaan dadka reer Puntland, xisbiyada lagu dhisayna ayan ahayn kuwo sharci ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dadka reer Puntland.
- Waxan hoosta ka xarriiqeeynaa in barnaamijkaasi uu Puntland – iyo meel walba oo hannaanka xisbiyada badan ka hirgalo – ka suuragali karo marka la helo shuruudaha sal-dhigga u ah hirgalintiisa sida:
a. Qeexidda rasmiga ah ee dhulka iyo xudduudaha Puntland
b. Aqoonsiga rasmiga ah ee dadka reer Puntland
c. Marka si sharci ah oo caddaalad ah loo xaddido degmooyinka Puntland iyo soohdimahooda
d. Marka si buuxda loo sugo ammaanka, shacabkana lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda
e. Marka la taabba-galiyo hannaan caddaaladeed oo hufan kana madax-banaan maamulka, sida Maxkamadda Dastuuriga ah ee lagama maarmaanka u ah duruufaha caynkan oo kale ah
6. Inta ka horeeysa xilliga ay soo dhameeystirmayaan daruufahaas,
waxan caddeeynaynaa in aan degmooyinka gobolka Mudug aan laga furi karin wax axsaab siyaasadeed ah si looga fogaado khalkhal ammaan oo ka dhaca gobolka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Talo soo jeedin:
Haddaba si Puntland looga gudbiyo duruufahan adag si nabad ah isla markaana waafaqsan xeerarkii asaliga ahaa ee lagu dhisay maamulka ay ku bahoobeen dadka isir-wadaagga ah, waxan soo jeedinaynaa:
- In lagu mintido lana ilaaliyo ammaanka guud iyo kan gaarka ah ee dadka iyo dalka Puntland, iyada oo dhinaca kalena si buuxda oo dastuurka waafaqsan loogu ololeeynayo shariciyadda loogana hortagayo wixii xad-gudub ku ah heshiisyadeennii hore.
- In dadka reer Puntland, gaar ahaan dhallinyarada ayan ku khatalmin, kana gacma-buuxsadaan fahamka xisbiyada aan sharciyadda ku dhisnayn ee la doonayo in asaas looga dhigo aayahooda fog.
- In Isimada marjaca u ah reer Puntland ay hubiyaan in hantida guud ee Puntland aan loo isticmaali karin dano khaas ah, sida in taageero loogu soo jiido xisbi iyo siyaasad gaar ah.
- Waxan u soo jeedinaynaa ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida maankana ku hayaan in ay adeegayaal u yihiin dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta dastuurka.
- Ugu dambeeyntii waxan Isimida Puntland u soo jeedinaynaa in ay si degdeg ah u soo fara-galiyaan cakirnaanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland inta ayan xaaladdu gaarin meel fara-ka-bax ah, isla markaana ay sida qabata uga taliyaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.
Wabiillaahi Towfiiq:
Saxiixayaasha:
- Nabaddoon Maxamuud Sheekh Doon
- Nabaddoon Yaasin Cabdisamad
- Nabaddoon Siciid Faarax Nuur Dirir
- Nabaddoon Maxamed Maxamuud Kalajaban
- Nabaddoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle
- Nabaddoon Cabdi Siciid Warsame
- Cabdulqaadir Shoole
- Axmed Maxamed Jaamac
- Ex Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed
- Cabdirashiid Cilmi Guure
- Maxamed Muuse Bile
- Cabdisalaan Faarax Hoolif
- Jamaac Darbaal
- Faarax Cabdi Doorshe
- Siciid Cabdi Firin
- Maxamuud Cabdi Yare
- Sugulle Cumar Cali
- Bashiir Faarax Cali
- Xabiib Maxamuud Samatar
- Abshir Maxamed Aadan
- Cabdicasiis Nuur Xaashi
- Axmed Cabdi Jaamac Doob
- Maxamed Cabdi Cali Dhoobeey
- Cabdiqani Shancad
- Maxamuud Cabdille Cabdi
- Cabdidaahir Faarax Bootaan
- Cabdirashiid Mursal Faarax Sanweyne
- Cabdullaahi Maxamed Cabdi
- Cabdulqaadir Xirsi Aw-Farax
- Cabdullaahi Maxamed Muuse Kadiido
- Xasan Maxamed Cabdi
- Shoombe Xasan Daad
- Cabdi Cali Xaashi
- Faarax Khaliif Xasan
- Cabdinaasir Xasan Warsame
- Cabdullaahi Xaaji Jaamac
- Cabdiraxmaan Aadan Dalab
- Axmed Yuusuf Shirwac
- Cabdiqani Wasame Surweelle
- Axmed Khaliif Faarax
- Shamuuke Maxamuud Diiriye



waxgaradka gobolka mudug,waxaay ka soo baxeen waajibadkii dalkooda iyo dadkooda ka saarnaa,waana deegaan mar walba u taagan sidii looga gudbilahaa xumaanta looguna gudbilahaa wanaaga,waana soo dhowaaynayaa raigooda waana wax lagu daydo?
qaasim waa maxay abaalka aad usheegaynaysid reermudug maxaa leedahay 1991 oo ay irir iyo daarood ay maraysay baan tagnay gaaalkayo oo wax dhowr bilood aad joogteen kadibna garowe kulaabteen mahilmaantay inaan difaac aan galay ilaa saldanadii keenadiid aan kujiro , mahilmaantay markaad ina siyaad bare inuu kurarto ogalaatay ninkii kadagaalamay , ma hilmaantay ninkii saliid kadagaalamayay galkacyo oo furin ah. adigoo hooskayga kunoolaa waligaa inaad maanta gaalkacyo kala dagaashid amniga, horumarka, oo aad tiraahdid airportka gaalkacyo diyaaradaha kudagaa garowe ha uwareegeen. qaasim waxaas baanu kuugu dulqaadanaynaa
Abaal malaha dadka mudug gaar ahaan reer mahadka cumar maxamuud bal maxeey doorasho ku diidaayaan waxeey jecelyihiin dadka kale xaqooda ineey duudsiiyaan ogaada hadeey puntland burburto xaasidnimo iyo xumaan aa u qabtiin umada kale dhibka waa nawada gaara cid gaar ah oo wax ku dhacaayaan ma jirto anaga cllaahi yusuf cabdi wali hiil iyo hoo ayaa lagarab taagneeyn gaalkacyo markii dhib dhaco dadka ugu horeeyo idiin hiiliyo baanu aheeyn marka waaba idiin jeedaa dad gun ah baa tihiin walaalaheey kale reer puntland waxaa ka codsanaa dadkaas mar danbe yaa loo hiilin wiil danbe hiilkooda yaana idinkaga dhiman waa dad abaal laheeyn oo kaligood ineey noolaadaan jecel reer muduga kale xitaa marabaan in eey wax lawadaagaan
Xasuustii :
Moxamuud Ali Nuur, Moxamuud Xuudi, Momxamuud Xaaji Xassan, Moxamuud Sheikh Cisman.
Waxaan idiin leeyahay in xaaladda Puntland la dajiyo oo waxii khilaafa laga saaro, in Mudug ay ka cayaarto qayb muuqata sidii Puntland loo: disi lahaa, Ciidan Xoog leh llogu yeeli lahaa, bio iyo beero looga samayn lahaa, Amni xoog leh loogu yeeli lahaa, tira koobka dadka Puntland loo suubin lahaa, wax barasha loo xoojin lahaa, Dowr ceel oo biohooda laysu keenay beero ay waraa biyaan loo samayn lahaa, haddi shidaal uu ku jiro Puntland sidii looga fa’iidansan lahaa.
Waa in la raadiyo oo lasoo qabtaa cadawga daka qiimaha wayn leh laaya oo dhuunta.
Waxaa quman xariirka u dhexeeya dadka maamul haya Puntaland in uu yahay mid joogtaa oo is maqal iyo qada tashi leh sidii tii roon lagu gaari lahaa.
22 kii sano oo la soo dhaafay, cadaw guha ah (somali) iyo mid agnabi ah ayaa u weeraryey dadka iyo dalka Somaliyo, Ciidamo agnabi ah ayaa si xor ah oo joogtaa u soo gala dalka somaliya, oo si xora u laaya dadka Somaliya.
Taasu (kor kuqoran) ma dhicin 22 sano ka hor.
W.Kh.