Xukuumada oo Ganefka ku dhifatay degmooyin cusub oo Madaxweynuhu Magacaabayo xiligan

August 9, 2012   //   Warar Somaali

 

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.

Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.

 

Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka

Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.

 

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Waa in u fahmaa mr Gaas magacagbida degmoyinka sidi la isaga horkeni laha beelaha dagan meeshas waana in u fahma abdiwali usan diidin magacabidas u asagana u magacaba beelaha u isleyahay madow aya idinku dhax jira gobolo si u uga baxa xili kala guurka

  2. puntlander guy says:

    cajiib Somalilander hadad Qardho & Qandala maagtay what about Gumbax iyo Godobjiraan
    kkkkk
    war laysuma hayo adeer hadad saas tiraahdo maroodijeex ma gobol baa lughaya ma degmaa kkkk

  3. Tulonyinka magalo ka dhiga qardho qandala calulo bargal iyo tuloyin badaan oo geed xita kuolin oo saxara ahi oo dhul qalalan ah oo mel la harsado laheeen magalo kadhiga he sasa lainku yaqanaye magaladi bosaso aheet aya korax logu nolan wayay oo marso kasta laga qaxayeee tuloyinkaan cidlada ahii ooon gedka laheen se logunolana bosaso iyo garowa abaar ahee huno saxara libya ku noshihineeee. Barwaqada illaah konfur somalia ayu isugu geyay dhulki barwaqada ahaa wa konfuur beri wa saxaro. Eeee qoraxdu yey in lenineeee ka carar mesha qalalan hunooo

  4. nugaal boy says:

    adeer kan somaliland wataa ma dhulbahantaa,
    kkkkkkkkkk.
    adeer sida isu dhaan

  5. P.i.s. says:

    Warya kaaga somlndr la baxay adi majeerteen ba ku waalatay ma hooyada oo garoob ah bay qabaan majertenku nacasyahaw.

  6. Puntland ama majerteen iyo lafaha yar yar oo kale eee hos gala majertenka somalia waxa u qoran in puntland 2 gobol si sax ah uledahay wa beri and nugal iyo waqoyiga galkacyo lkn puntland 8 gobol aye samesteen oo an sharci aheeen. Anan la aqonin taas muxay wazirada oga hadliwayeeeen iyo gaaas mrka somalia nin walba duhurka howda ah intu xarxarto magac haulabaxo gobol haka dhigtaan sida karkar qardho calula bargal iyo location nokale oo hada lasameyay somaliyey. Howda xarxarta oo magacyo ulabaxaaa. Xaqiq wa 2 gobol puntland sida dasturka somalia kuqoraaan

Leave a Reply