“Shirqool dowladda ay noo maleegtay ayaa nalagu reebay”Gudoomiyaha UGUB
January 1, 2013 // Warar Somaali
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Ugub oo ah ururkii ugu horeeyey ee looga dhawaaqay Puntland marka laga soo tago xisbiga xaakimka ee Horseed ayaa ka hadlay aragtidooda ku wajahan ururkooda in laga saaro ururrada siyaasadeed ee Puntland.
Maxamed Saciid Nuur Dabayl oo la hadlayay warbaahinta gudaha ah ee Puntland ayaa ku’eedeyey dowladda inay u dhigtay shirqool siyaasadeed oo ururkooda looga saarayo liiska ururrada siyaasadeed ee Puntland.
Waxaa uu sidoo kale xusay arimo ay ka diririyeen oo qabiiku ka mid yahay ah inay qayb ka tahay sababihii ururka looga reebay ururada siyaasadeed ee Puntland.
Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in lasoo xiray furashada ururarada siyasadeed ee Puntland, waxaana ay sheegeen inay aqoonsadeem ururrada kala ah Horseed ,Hor-Cad,Midnimo ,PDP .UDAD iyo Wadajir.
Dad badan ayaa horay shaki xoogan uga muujiyay madaxbanaanida gudiga doorashada oo ay soo magacaabeen baarlamaanka iyo golaha xukuumadda ee madaxwaynuhu hogaanka u yahay.
Puntland-News24



Furashada axsaabtu waxay leedahay qodobo qofki buxiya qodobadas ba ba furan kara marka ugub wuxu ku fashilmay qodobadas hadaan nahay puntlanders waxan ku qanacsanahay shantan soo hartay iyagana jiraya . Pagekan rer qardhodka dabka ushidayo isaga ku gubanaya inta iska horken bu ababulaa. . . .
Dabayl ujeedadaadi waad gaartay waayo heshiiskii lagula galay baa wuxuu ahaa inaad lacag qaadato xisbina furto dantaadiina waa gaartay marka inaad hadda heshiiskii ka baxdo.
Kkkkkkkk waan arkayay dabayl xoogagii laaluushka ahaa oo layiri xisbi ku fur puntland lagu baabi’inayo inu eedayo fuck u orod far is gali.
Mashaa allah! masha allah! masha allah!
abwaan fikirkeenii oo suugaan lagu cabiray baad soo gudbisay aad baan usoo dhawaynaynaa iskuna day fariintaasi inay faroole gaarto waana soo dhowaynaynaa fikirkaaga saliimka ah.
caan weeye dee waa laayska garanayey xisbiga qudha oo aan ka sharaxnaayn xaafadaha madaxtinimada puntland u xidhantahay ugub in la reebay waxaa la yiri qabyaalad baa laga gudbay walle wax laga gudbay ma jirto qabyaalad baa laga gudbay qabyaalad baana loo gudbay inta puntland aay saddex xaafadood oo isir wadaaga u xidhantahay walle horumar,cadaalad iyo dimuuqraadiyad waxaay u jirtaa inta cirka iyo dhulku isu jiran
waxaan idin weydiiyay sidee la isku reebayaa
ta labaad shacabka miyaan la weydiineyn waxay ka qabaan
ta 3aad faroole yaa u doortay gudoomiyaha horseed ileen shirkii ururkasi maba qabsaamine
ma arko gole dhexe golle fulineed ee xisbiyada
ciday u sharaxayaan madaxweyne iyo ku xigen
xisbiyadaasi hankogi siyaasadeed mey soo ban dhigin waxay siyasadda iyo dadka u qabanayaan
Horaan u sheegnay in burcad diimeedka Puntland iyaga uun is qeybsheen, ( al-ictisaam) cidaan iyaga aheynna eeysan waxba u ogoleyn,….iska samra inta bulshadu wacyi uga yeelaneeyso qiyaamada kuwaas….dadkuna eey kacdoon kasameeynayaan, Kusoo biira kacdoonka ka dhanka ah kuwaas burcad diimeed, ee dhagarta iyo qiyaamada, iyo kelli cunayaasha ku caan baxay.
Gabay: Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota!
Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
—————————————————————————–
Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
———————————————————————————–
Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
———————————————————————————–
Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye