Shirwayne Haweenka Soomaaliyeed uga furmay Garoowe
July 19, 2012 // Warar Somaali
Waxaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland shirwayne ay yeelanayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Puntland, Kilinka shanaad, Hiiraan,Galguduud iyo qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Shirkan oo ay martigalisay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa waxaa furay madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle,iyadoona ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kasocota gudiga qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya iyo xubno kasocda QM.
Ujeedada shirkan ayaa waxaa uu yahay sidii haweenku ay u taageeri lahaayeen qoondadii laga siiyay tirada haweenku ay ku yeelanayaan siyaasadda Soomaaliya oo ah 30%,taasi oo qayb ka mid ahayd qodobadii kasoo baxday shirarkii Geedi Socodka Nabadda Road Map ee kadhacay magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo iyo Muqdisho.
Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle oo shirkan furay ayaa waxaa uu sheegay haweenka in looga baahanyahay door wanaagsan inay ku yeeshaan nabadaynta Soomaaliya, waxaa uu tusaalle usoo qaatay hogaamiyayaashii Soomaaliyeed ee dalka soo maray uu ka mid ahaa AUN Aadan Cadde, waxaa uu haweenku gobolka Shabeelaha dhexe uu ku booriyay inay qaataan dadaaladii nabadeed uu hogaamiyahaasi caanka ku ahaa isaga iyo madaxwaynihii labaad C/rashiid Cali Sharmaa’arke
Wasiirada horumnartinta haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo shirkaan soo qaban qaabisay ayaa sheegtay haweenka Soomaaliyeed in ay ku midoobayaan ka shaqeynta nabada iyo dib uhishiisiinta Soomaliyeed si dalka looga saro marxlada uu hadda ku jira , dowladdu cusubna haweenka uga noqdaan udub dhexaad aan laga maarin.
Shirka oo maanta furmay ayaa laba maalmood soconaya ayaa lasoo xiri doonaa maalinta berito ah, iyadoona gabagabada shirka la soo saari doono warmuriyeed haweenku ku midaysanyihiin.
Puntland-News24
Garowe.



HOOYOOYINKA WAA FURAHA NOLOSHA BANIAADAMKA
HOOYO LAAANNTEED ADDUUNKA RAGGUU WAXBA MA
QABSADEEN.
HOOYO BAA WAXOO DHAN HAGTA OO HAGAAJISA.
Masha allaaah marmo aasha geele guul guul wlh in aad reer fiican ka dhalatay reer kaagu maha reer qabiil ee waa reer nabad nooloooow marmo aasha geele diiriye osman muse jabra