Shirweyne ka furmay Dangoranyo
October 16, 2012 // Warar SomaaliWaxaa maantay si rasmi ah ugu furmay magaaladda Dangoranyo ee gobolka Nugaal shirweyne ay leeyihiin beesha Ciise Maxamuud, beel ka mid ah taasi oo looga hadlayo arimo la xiriira khilaafka ka taagan mudo kororsiga Maamulka Puntland.
Shirkaan ayaa waxaa furay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimadda reer Puntland, iyadda oo la filayo in uu socon doono maalmaha soo socda.
Wariyeyaasha ku sugan Dangoranyo ayaa soo sheegaya in halkaasi ay shalay illa maantay ay gaareen qaar badan oo ka mid ah waxgaradka Beesha Ciise Maxamuud kuwaas oo uga hadli doona arimo badan oo la xiriira xaaladaha dalka.
Shirkaani ayaa imanaya iyaddoo maalintii labaad uu degmadda EYL ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole, kaas oo wararka aanu ka helayno EYL ay sheegaan in uu halkaasi u tagay sidii uu taageero uga heli lahaa beesha uu ka soo jeedo.
Halka wararka kalena ay sheegaan in uu la kulmay sarkiil mareykan ah, iyadoo la sheegayo in laba mar uu dul tegay Maraakiib uu leeyahay Mareykanku.
Wararka shirka waani idin soo gudbin doona
Puntlandnews24
Garowe



Naxar siciid caafimaadkiisu waa sidee?
waxaa igu maqala max`ed xaji adan iyo naxar sicid nuur oo gaari gaari faroole u soogaday iyo max`ed faroole oo lasocda baa shirkii hor istaagay oo quran aqris ubedelay isna ayl buu ugu gabanaayaa reer dangorayo wixay kayeelan nimankaa in ay iyagu kufiladan iyo in isaga loo baahdo in uu cagta soomariyo kkkkkkkkkkkk
Cabdi Ducaale Waa nin qardhood ah una qalma in xuquuqda puntland wax laga siiyo una qalma in markaan xilka madaxtinimada puntland loo dhiibo ee halloo ololeeyo una codeeyo.
who is cabdi ducaale
Waqtiga doorashada intaan la gaarin isu diyaariya inaad sii xulataan dadkii u tartami lahaa una yeerta hay’adda United Nationka u qaabilsan doorashooyinka.
markaas faroole jiq ayey ku tahay oo wuu ogyahay in xilligiisii dhamaaday wuxuu qaadi karona maleh.
waxba waqti ha isaga dhuminina shirar aan macno lahayn ee iska soo saara dad reer puntland ah oo u tartama jagada madaxweyne nimada oo qabiil walba oo reer puntland ah.
markaan waa in beelaha laga tirada badan yahay xuquuqdooda la siyaa oo la tixgeliyaa in la doorto weliba waxaan oranlahaa CABDI DUCAALE halloo soo doorto jagadaas.