Shirweyne Todobaadkan Ka Furmaya Magaalada Qardho

October 16, 2012   //   Warar Somaali

Wararka aanu ka helayno magaalo Qardho ayaa sheegay in halkaasi uu ka socdo diyaargarowe xoog leh oo loogu jiro sidii uu u furmi lahaa shirweyne ay leeyihiin waxgaradka Beesha Cismaan Maxamuud kaas oo lagu balan san yahay in uu furo 20 bishan October.

Mustafe Shabac oo ka tirsan Waxgaradka Beesha Cismaan Maxamuud ayaa u xaqiijiyey PN24 in magaaladda ay soo gaareen ergooyin badan oo la filayo in ay ka qeyb galaan shirweynaha beesha kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa sidoo kale wararka aanu ka helayno Qardho ay sheegaan in loo diyaariyee goob aad u weyn kaas oo la filayo in ay ka qeyb galaan in ka badan 1,000 ergo oo ka kala socda guud ahaan gudaha iyo dibadda, si looga hadlo arimaha ka taagan dalka.

dhawaan shirkan qeybtiisa labaad oo ka dhacay Bosaso ayaa waxaa gudoomiye loogu doortay Mudane. Cabdicasiis Boqor Muuse kaas oo sida la xaqiijiyey gogol xaar u ahaa shirka 20-october ka furmi doono magaaladda Qardho.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobta uu shirka ka dhacayo, iyadda oo halkaasi ay gaareen qeybtii ugu horeyay ee eragada shirweynaha ka qeyb galeysa.

Shirka ka furmaya Qardho ayaa sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa xilli beelaha Puntland ay  leeyihiin shirar ay uga hadlayaan midnimadda iyo ilaalinta amniga Puntland, wallow ay jiraan shaki weyn oo laga qabo in xukumadda hadda joogta ay dooneyso in ay ku adkeysto mudo kororsi ay sameeyso.

Halkaan ka akhriso shirkii hore Bosaso.

Wixii wararka kala soco Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. omar says:

    sclk waan soo dhowaynayaa shirka lagu qabanaayo qardho waa dad weligood ka taliya danaha dadka reer puntland gudoomiyaha waan u hambalyaaynayaa cabdicasiis boqor waa nin aad u degan oo aan garanaayo waxan reerka kula talinayaa yaanu noqon shir siyaasadaysan oo niman gaar ihi ku doonayaan madaxnimo waa in lagaag taliyaa danta guud ee puntland somaalidu way isku dayataa qabiilooyin badan ayaa dabadiin shir qabsan doona sida somaalida lagu yaqaan waxaad ku bilawdaan ayey intooda badani ku dayanayaan waxaynu 20sano ka shaqayneyney waa inay horay u socdaan puntland 4bilood ayaan ka soo maqnaa mansha allah way horumartay waxan ku gabagabynayaa ilaahay wanaaga hayna wada tuso dhamaan reer puntland

  2. wadani says:

    shirkaas haduusan aheyn mid siyaasadi ku jirto oo ay beeshaas qardho degta wadin waan soo dhaweynaynaa hadii kalase waa lagu kala cararayaa oo puntland looma baahna tafaraaruq iyo carqalad . waad mahadsantihiin

  3. Garyaqaan Garoowe says:

    Waan soo dhoweyneynaa shirks beesha, hadaan reer Dangorayo nahay meel fiican ayay wax noo marayaan, suldaankaa noo furay shirkii haddee qodobo wax ku ool ahi waa kasoo bixi, midnimada Puntland waa muqadas, waa in laga shaqeeyaa sidii boorka looga jafi lahaa, habacsanaanta ay la timi Dowladda fadhiidka ee caburisay saxaafada xorta.
    Waa in tallo guud laga soo saaraa markey shirarku inoo dhamaadaan.

  4. caqil says:

    asc shirka wali ajandihiisa ma hayo waxay ilatahay beeshu waxay ka tashanaysa aayaheeda lkn se waxan ka sii jeclaan laha in shirka la balaariyo oo laga dhigo reer kar kaar oo dhn dadka comment soo qoraaya waxan idin dhihi laha shirka haka hor dhicina beesha danteeda way taqan maaha mid la waydiinayo cid beesha ka baxsan beeshu waa beesha wanaaga u horseeda punland shirkana u malen maayo inu yahay mid siyaasadeysan

  5. caqil says:

    asc shirka wali ajandihiisa ma hayo waxay ilahay beeshu waxay ka tashanaysa aayaheeda lkn se waxan ka sii jeclaan laha in shirka la balaariyo oo laga dhigo reer kar kaar oo dhn dadka comment soo qoraaya waxan idin dhihi laha shirka haka hor dhicina beesha danteeda way taqan maaha mid la waydiinayo cid beesha ka baxsan beeshu waa beesha wanaaga u horseeda punland shirkana u malen maayo inu yahay mid siyaasadeysan

  6. mahdawi. says:

    Ascw.. Cusman maxamud hala isku dono dadka hagardamada kuwada o hada mesha lajoga dhigay alle ka baqa besha hagar damada halaga dayo.

  7. CIYAAL XERO DHIIGTA says:

    shirka WAANN SOO DHOWEYNANAN HADO XOGA SAARAYO ARIMAHA DHULKA AY BEESHO DEGTO SIDA CAADIFAMDKA;WAXBARASHADA;AMAANKA;IYO MIDNIMADA PUNTLAND IYO NABAD KULA NOOLASHAHA BEELAHA DERISKA AH;LAAKIN HADOO YAHAY SHIR AY WATAAN SIYAAYSIYIN DOONANAYA IN AY DHALINYARADA BEESHA KA HOR KEENAN DADKA KALE AMA DOWLADA ;SI AY U GARAAN DANAHOODA GAARKA AH;WAXAAN KU BAAQAYNA IN ARINTA SIYAASADA PUNTLAND AJANDAHA LAGA DARO HALKA U DANBAYSA;SI DADKO OO OGAADAN IN SHIRKU YAHAY MID KA HADLAYO HOR U KACA DADKA DEEGANKA;TAN PUNTLAND WAXAAN KU BAQAYNA IN WAX WALBO WADA HADALKA LAGA HOREYSIYO XATAA HADO WADA HADALKU KHARAAR YAHAY;
    ILOVE QARDHO;BAYLA; ISKU SHUBAN ;DHUUDO:XAAFUN BOSAASO;IYO PUNTLAND OO DHAN:

  8. jaylaani muuse says:

    waan sodhawaynaya shirka kafurmay Qardho waxana rajey nayaa in looga hadlo arimaha dhabta ah e kajira Qardho sida 1 amniga 2 dhaqalaha iwm iyo habacsananta mamulka PL o ah mid sidhab ah dhabarka ugu jeediyey degaankaas waxana xusikarnaa waa lamaha dawlada o kawada shaqayn QardhO iyo horomar lanta dhan hay’ado iyo dhan mamul waxa hada xusustaa Qardho waa magaalo wayn ilaa 6000 oo qof aya kunool loma samayn xafiis laga qaato basaboor tasoo ah eed ay leyihin dadka Qardho ugu jira mamulka wasiro iyo xildhibano Qardho maleh taarikada baburta iyo warqada mujisa cashuurta laqaado tasina wa mid lala yaabo waad mahadsantihiin

Leave a Reply