Shuruudaha lagu xiray musharrixiinta madaxweynaha [Dhagayso]
September 1, 2012 // Warar SomaaliGuddiga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ee la qaban doono 10-ka bishaan ayaa ku dhawaaqay shuruudaha looga baahanyahay musharaxiinta ka qaybgali doonta doorashada madaxwnaha dalka.
Afhayeenka guddiga doorashada madaxwaynaha ee baarlamaanka Cismaan Libaax Ibraahim ayaa kadib kulan gudigooda ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay shuruudaha musharaxiinta madaxwaynaha inay yihiin sideed qodob oo kala ah.
- Waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo Muslim ah.
- Waa in da’diisu aysan ka yareyn 40 sano.
- Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaasi.
- In dhimirkiisu dhanyahay.
- Inuusan jirin Dambi Culus ay Maxkamadi ku xukuntay.
- Waa inuu bixiyaa lacag dhan 10,000$ oo diiwaan gelin ah.
- Waa inuu soo gudbiyaa Taariikh nololeedkiisa.
- Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah.
Dhagayso codka afhayeenka doorashada
Doorashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa waxaa u sharaxan inka badan 30-musharax oo isugu jirta kuwo siyaasadda kusoo jiray iyo kuwo kucusub, waxaana siweyn loo sugayaa cidda ku guulaysan doonto doorashadan oo ah kii ugu horeeyay ee dalka lagu qabto wixii ka dambeeyay burburkiii xukuumadihii dalka ka talinayay wixii ka horeeyay 1991-kii.
Puntland-News24



Sorry meant How will a president with minimal qualifications as states
Kkkkkkkk. 10,000. Ya qadhaanaya lacagtas? And what a simple requirements for a presidential candidates. Is this a leniency for the corrupt people to become the president. Though all Somalis especially from the south are embedded with dip corruption. How will are president with the minimal qualifications refugees as stated developed an impovirised country like Somalia. Let’s wait and see whether illetriate or thiefs like the once in power now are elected. The future is gloom for Somalia .