Sidee ayaa looga ciiday magaalada Boosaaso?[sawiro+warbixin]

August 19, 2012   //   Warar Somaali

Magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya ee ugu shacabka badan ayaa saaka siweyn looga ciiday ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta oo Axad ah.

Subaxii hore ee saaka ayaa waxaa mar qura laga maqlay masaajidda waawayn ee ku yaalla magaalada Boosaso takbiirta ciidda bakaraysan ee Fidriga.

Dadwaynaha magaalada Boosaso oo raxanraxan usocda ayaa durba soo buuxiyay wadooyinka iyo goobaha kalle ee salaadda lagu dukado  sida masaajidda.

Goobta loogu talagalay dukashada salaadda ciidda oo ah garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaso ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne badan oo ay ku jiraan culuma’udiinka waawayn ee Puntland iyo maamulka degmada Bosaso.

Duqa degmada Bosaso Xasan c/lle Xasan ayaa dhinaca dowladda ka mid ahaa masuuliyiintii ka socday waxaana qudbad uu ka jeediyay garoonka kadib saaladda ciidda uu kula dardaarmay dadwaynaha inay nabbadda ka shaqeeyaan.

Sheekh Maxamuud Huruusse oo ka mid ah culimaa’udiinka deeganada Puntland ee kasoo qaybgalay salaadda lagu dukaday garoonka kubadda cagta ee Boosaso ayaa isaguna u hambalyeeyay dadwaynaha, waxaa uu allah uu ka baryay in muslimiinta uu ka aqballo soonkii ay soomeen bishii Ramadaan ee dhamaatay shalay.

Sidoo kalle waxaa munaasbadda ciidda maanta looga dabaaldagay gobolada dalka sida Qardho,Garowe, iyo magaalooyinka kalle ee dalka, waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkayna dambe.

Dhismaha cusub xawaaladda IFTIN

Puntland-News24

Bosaso

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. qardho says:

    mansha allaah illahaay haa kooryelo musliminta meel kaasta oo aay joogaanba

Leave a Reply