Sideen u arkaa Madaxweynaha Xassan Shiikh Culusow? [Aragti]

October 21, 2012   //   Opinion, Warar Somaali
Waxay ahayd doorashadii lagu doortay mid Somali  inta badan ku faraxday loona hambalyeeyay , waxaa dhacday in meel kasta , gaar ahaan TV yada Somaalida ay ka muuqatay farxada , taageero iyo  Ammaan loo jeedinaayo, taasoo aad maqlaysid in Magacyo farabadan oo ammaan ah madaxweynsaha loogu  yeerayay sida, Doctorka, Professorka( midna ma aha ), hoogaamiye sare iwm. Dhamaan xafladahaasu waxay ahaayeen kuwo caadifad qabiil ama niyad fiicni ku yimid,balse waxaa yaab ila ahayd in qof aan horay siyaaso loogu aqoon oo intii burburku jiray ku hawlana NGO oo ah hagardaamadda ummaada Soomaaliyeed ka hortaagan in ay qaran noqoto la ammaano iyadoo wax uu qabtay oo loo riyaaqo ilaa hadda aan la ahayn , hadana aamaan iyo xaflado lagu waasho !!! qofka waxaa lagu ammaana waxa uu qabtay, ilaa hada ma arko wax uu ku mutaystay in aan Ammaan lagu qarqiyo waana khaladaadka ummaadu ay  markasta galayso, waxaana nasiib darro ah in shacabka Soomaaliyeed ay farxadda iyo rajada geeyaan meel sare oo hadhawna ay ku hungoobaan ka dibna ay ka dhalato niyadjab,  teeda kale qofkii oo aan waxba qaban , markii la ammaano waa baaba isu bogaya  oo waa sababta uu Xasan uu ilaa hada uusan u firfircoonayn, waaba isu bagay in wax laga sugaayo ma ba arko.
Madaxweynuhu ma u muuqda mid hanan karaa ummada Somaaliyeed!!
Ummaadu wey daashay oo runtii in wax hagaagaan wey u jidbaysan yihiin iyo in la arko bal hal mar oo dawlad Somaaliyeed oo dib u curate ka dib bohol ku dhacii iyo burburkii qarankii Soomaaliyeed  iyo dagaaladii sokeeye ee USC.
Ka dib doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh Culusow waxaa mooda in xunbaddii xiisaha iyo ammaantu ay soo shiiqday, oo xamaasadii ay soo yaraatay ka dib markii uu ku qaatay 26 berri in uu soo xulo  wasiirka kowaad       ( with the President is only moving with snail?s pace, or metonymically NGO pace)Madaxweynuhu ma garan  Karin in aduunkoo dhan ay sugayaan, Soomaali  oo dhan ay sugayso, Baarlamaanku in uu hawl galo sugayo,wuxuu naga dhaadhiciyay in uu ka baaraandegaayo oo uu la tashiyo uu ku jiro,( balse xaqiiqadu waxay ahayd in uu  maalintii la doortay  uu yaqaanay qofka uu ka dhigaayo  Wasiirka  Kowaad ) iyadoo laga sugayay bal qofka uu soo dooran doono baynow muxuu noqon! Dhanka aqoonta, xilkasnimo iyo xeel dheeri siyaasadeed iyo firfircoonida siyaasadeed, ayaan darro  wuxuu soo doortay saaxiibkiis oo isna ahaa raggii ku naaxay burburkii qarankii Somaliyeed ee ka faa?iiday halaga ummadda ee NGO oo weliba qaba gabar caan ku ah arrimaha Somaliyeed  oo sida la xaqiijinaayo xoghayn u ahayd Generaal Caydiid,  iyo Cabdiqaasim salad booy  kana mid ahayd kooxdii Asmara  isla markaana ah ururka  lagu magacaabo Hawiye Concern group!!.
 Waxaan xasuusta maalintii la doortay Madaxweynaha iyadoo mikroofanka ka dhahaysaa si cod dheer oo farxad ka muuqato ,?waanu ka baxnay ku meel gaarkii oo hadda saxiixeenu waa soconaa, yaab maxay saxiixidoonaan ?.
Xasan sheikh  Culusow khudbadiisii u horeysay markuu ka hadlayay goboladda waqooyi galbeed ee sida xaraanta ah ku sheegta in ay ka go?een Somaliya , wuxuu ku hadlay in midnimada Somalya eeyan khasab  ahayn, in dadkaas aan  marna loola tegayn wax dhiba, akhristow is weydii in nin madaxweyne  sheeganaya in ku hadlo hadaladii uu yiri oo kale , mase yahay Xasan culusow qof ummada dhibka ka saari doona, dhawraayana midnimadii dalka Somaliyeed mise waa burburkii ay  USC iyo SNM bilaabeen halkii ha ka socdo !! muxuu uga dan lahaa wadaniyad la?aanta baahday!! Muxuu  u sheeganaya Madaxweyne Somaaliyeed  haddii uu kala goynaayo DALKA ama si daaciifnimo ah  uu ula hadlaayo Silaanyo.
Tan kale oo noo cadaynaysa fikirka  iyo caqliga Xasan Shiikh Culusow , markii uu tegay Beletweyn ,xitaa  ummaddi dhibku soo gaaray ma dhexgalin oo masoo arag  runtu sidaay tahay . khudbaadii uu ka jeediyay nuxurkeedu wuxuu ahaa dawlad goboleed samaysta, dawladuna waa  idin taageeraysaa halkii uu ka yiri,Kismaayo dawladaa usamaynaysa  !!wuxuuna cadaystay sida uu uga soo horjeedo in dadka degaanka Kismaayo  ay iyagu  samaystaan maamul federal ah, halkaas waxaa ka cad in Xasan Culusow  uu la mid yahay  caqligii   Caydiid, Indhacade, Cabdi qasim .
Soomaalinimadiisa kaga quuso hadalkiisii ku wajahnaa  Soomaali diidka, Caqligiisa Siyaasadeedna  waxaa uu ka jiri Kismaayo iyo daahiisii waa dhaqanka isdaba maryeynta  ee lagu yaqaano NGO oo dhaqan u ah isaga iyo wasiisrka kowaad.
Waxaan u arka in ay tahay 4 sano oo khasaaro ah , waxaan ilaahay ka baryayaya in sida aan uga niyad jabay Xasan culusow iyo asxaabta NGO (NGO the road to death of Somalia), in uusan ka dhigin.
Siyaasadu waa muuqaal, waa weedh, waa xirfad, waa firfircooni intiiba wey ka maqantahay ilaa hadda.inkastoo uu ku andacooday lasoo dahidii magacaabista Wasiirka kowaad ?waa soo gurguurtaa?balse ima qancin mana qancinayso ummadda Somaliyeed.
 
Waa bilaahi tawfiiq.
M abdi Aynab.
aynabm@yahoo.co.uk

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. MR LOOGAQAATEEN says:

    anigu cidna caayimaayo laakiin waxaa imuuqda inuu ka tirsanyahay xisbi sheeganaya inuu yahay firqo la yiraahdo Al islaax {damul jadiid} ogaadana inayan ahayn wax inagu cusub. waayo horaanu u aragnay kuwo kale oo badan.ninkaas isaga ah maanta aduunku waa daawanayaa,waana la dhawrayaa wuxuu ku dhaqaaqo.ama qabto ee hala dhawro.inkastoo uu dadka qaarkiis godob kagalay sidii lawada arkaayey.gaar ahaan dadka Jubooyinka dega oo dhan.

  2. Asc ani waxa ay ila tahay 4 sano inay somaliya ka khasartay xassan waxa kama qaban karo manta somalia

  3. Xayir Xaaji Mel.Vic.Australia says:

    Haashimimoow,dhurwaaa ayaa yiri meeshaad iigu gaayso ayaan kuugu gaayn,Marka Haddaa Madaxda Caayda ka Daayn,Ogoow in Soomaali waa beel beele,adna kuwa beeshaada Madaxda ka Noqda loo Caayn doono,Mise Maandhoow Qaxii Ayaad dhalataay,Mise qaxii ayaad Magaalada soo gashay,waan kula kaftamayaaye Haayga xanaaqin’waxaan ka wadaa dadka haaynagu caayin haawna fekerin sida Reer Guuraaga????

  4. Haashim says:

    Waad salaaman tihiin dhamaantiin. ida aan u arko midka hadda isku sheega inuu Soomaliya u yahay madaxweyne uma qalmo maxaa wacey education maleh, waana nin neceb shacabka Puntland. Waa nin raba inuu burburiya Puntland bale ha ogaada mooryaantii isaga ka horeysay ee uu kamid yahay C/qaasim yaa Puntland burburin weysay. Allaha unaxariista Colonel C/Yusuf yaa ku yiri haddiba mooryaan C/qaasom Somaliya looga dhigey President, Puntland diidey, waad xasuusataan meeshii ee ku dambeysay Daladii C/qaasim Suudi yalaxoow baa jidka isbaaro udhigdey yiri (Aree Waa Bujinaa). Marka Puntland waxaa ee ubaahan tahay Wadajir, waxaana kulatalin lahaa Dr Faroole inuusan taagerin Mooryaanta Muqdishu maadaama uu isaga faroole ah iinsha allah naga tagi doonna 2013. Allaha hasiiya Puntland a good leadership geesina ah sida/c/yusuf una adeega all shacabka Puntland aamiin. Madaxweynaha soomaliya waa mooryaan aan uqalmin jagada madaxweynaha soomaliya waxaa 100% dhaama sh sheriif oo aan laheyn waa aahil waxa so baxay mid kasii liita sh sheriif. asc wr wb

  5. khadar says:

    madax weynaha xasan waa nin reer baadiye ah oo goof ka yimid

Leave a Reply