Sidee u difaaci Karnaa Nebi Maxamed NNKH [Faallo]

September 16, 2012   //   Warar Somaali

Marka hore waxan ku bilabayaa magac Allaah  subxaanahu watacalaa marka xigta naxariis iyo badbaado waxay kor kiisa ahaatay Nebigeni Subanaa s.c.w .

Intaas kadib waxa mahad leh Allaah ina  siyay nimcada adunka ugu qalisan oo ah nicmada islaamka waxaad wada maqlayseen oo wada arkayseen.

Maalmahaan in inu so shaac baxay Film (Video Muuqaal ah) wax looga sheegayo Rasulkeenii subanaa NNKH.

Qoraal kaygaan wax uu ku saabsan yahay Sidee loo difaaci Karnaa Nebi Maxamed NNKH oo qof kasta oo Muslim ah waaridkiisa iyo naftiisba waxa  uga qaalisan rasuulkeena S.C.W.

Waxa jiray xadiis ahaa inu Sayidinaa Cumar Binu Akhdab Allaha haka rali noqdee u ku yiri “Rasulkeena Rasuulkii Allow waan ka jeclahay  qof kasta, naftyada moye”.

Markaas ayuu ku yiri Rasulkeena S.C.S “Cumar xataa naftaada waa in aad iga jeclataa”.

Markaas ayuu yiri Cumar Allah ha ka raali noqdee “Hadeer xataa nafatdya wan ka jeclahay”., marka Rasulkeena jecelkiisu  waa mid waajib ina ku ah  hadii aan nahay islaam.

Maxaa ka socda Wadamada qaar

Waxaan u wada jeedna wax ka socda wadamo badan oo carbeed weeraro loo gaysanaayo Safaradaha iyo diplomasiyiinta ajnabiga ah, taasi ma tahay sida saxda ee an u difacayno Rasulkeena, mana tahay wax dhaqanka islaamka ka turjumaya jawaabtu waa MAYA.

Diinteena Islaamku waxay na faraysaa in aan ilaalino martida xataa hadii lagu jiro xaalad dagaal, In la Laayo oo la weeraro Safiiro oo lagubo safarado maha qaabka saxda ah ee aan u difacayno diinta iyo rasuulkeen S.C.W.

Sidee sax ah

Sida saxda ee aan u difaaci karno Rasulkena waa in aan diin u soo nooleynaa tariikhdiisa iyo dhaqankiisa dadka u sheegnaa Nebi Maxamed NNKH sida uu ahaa dhaqankiisa.

Sidee buu ahaa Dhaqankii Nebi Maxamed NNKH

Taariikhdiisa iyo akhlaaqdii noloshiisa ayaa difaac ugu filin in aan dib uu soo nooleyno hadeer qoraal kaygaan uga ma shekayn karo tariikhdii Nebigeednii subanaa.

Waxan rabaa hal qiso in aan ku xuso oo ka turjumaysa dhaqankii rasuulkeena s.c.w. Nebi Maxamed naxariis iyo badbaado kurkiisa ha ahatee ayaa waxa uu daris la ahaa nin Yuhuudi ah oo  dhib badan maalin kasta qashin ayuu u  soo dhigi jiray Irida hore ee guriga Rasuulka soo dhigi jiray.

Ninki Yuhuudiga ah Rasuulkeena NNKH kaba ficil qadan jirin ee intuu qashinka iska qaado ayuu gayn jiray meel ka fof 2 badoodaba, sababto ah Rasuulkeenu waxu lahaa hadaf dheer oo ahaa islaamka inay dadku soo galaan iyo waliba akhlaaq, sidii markii ay ahayd ayuu maalintii dame qashinki rasulka gurigiisa la soo dhigi jiray  la waayay markaas ayuu yiri rasulkeenii

“Ninki dariskeena ahaa oo qashinka inoo soo dhigi jiray maalin kasta qashinkisii ma soo dhigin ee waxa laga yaaba  inuu xanuun san yahay”.

Rasulkeeni NNKH ayaa u so baxay si u u soo booqdo nin dariskiisa ahaa oo Yuhuudiga ah maalin kasta qashinka guriga Nebiga NNKH soo dhigi jiray, marku u Nebi Maxamed yimi ninkii gurigiisa sidii uu umalaynayay ayeey noqonatay ninkiina waa xanuun sanaa markaas ayu si naxariis leh ula hadlay ninkii Yahuudiga ahaa.

Ninkii aad buu u yabay ninkii u dhibi jiray marki u caafimadka qabay oo markii uu xanuun saday soo booqanaya waxay ku noqotay fajac, “Markaas ayuu qiray inuu yahay Rasuulkii xaqa ahaa waxa una Nebiga hortiisa ku qiray inusan jirin Illaah xaq lagu caabudo Illaah mooyee Nebi Maxamedna inu yahay rasuulkii Illaah.

Maxaa inna  la gudboon

Hadii ay saas ahayd akhlaaqdii Nebigeena naxariis iyo badbaado kor kiisa ha ahaatee maxaa inala gudboon.

Inaga wax aad looga xumado ah in diinta islaamka ay noqotay diin lagu tiro irhaab ama argagaxiso (Terrorist) taas oo ah wax aad uga fog diinteena wax xiirir ahna aan la lahayn.

Waxaa la sheegaa qaraxyadii ka dhacay Mareynka 2011-kii ka hor in ay dad aad u faro badan soo galayeen islaamka wixi ka dambeeyay qarax yadaas inay is bedeshay oo islaamkii lagu qaaday dagaal hadii ay noqoto mid afkaar iyo hadii ay noqoto mid ciidanba.

Dhowrkii cisho ee ugu dambeeyay waxa ka socodo wadamada qaar wax aad loga xumaado oo anan ka turjumayn islaamka saxdah.

Tallo ku socta Soomaalida

Hadii aan nahay Ummada Soomaaliyeed waxa aanu nahay Ummad Islaam ah 100% oo ku nool dunida dacaladeeda oo dhan, waxan rajaynaa in aan fahamka saxdah aan fahano Diinteena anan ka qayb qaadan wax yalaha ka socoda wadama aan joogno ee aan uga faa’idaysano sidii aan dadka aan aqoon u bari lahayd Taariikhda Nebigena NNKH.

Wali dadka joogi wadama Yurub, Maraykan iyo wadamada galada waxa arintaas ka saaran xil weyn in ay u hiliyaan Diintooda Difaacaan Rasulkooda ayna ku difaacaan dariiqada saxd ah ee aysan u difaacin inay naf goyaan oo ay dambiyo galaan.

Qof kasta oo Islaam ah waa waajib saaran sidii uu u difaaci laha Diintiisa iyo Rasuulkisa NNKH.

Allee ha inaga  dhigo kuwii u fahma diinta fahamka saxd ah ee Illaah ina kama dhigo kuwo wada Qaska iyo bur burka xumaynaya magac Diinta islaamka.

Ugu dambeeyn wixii aan khalday aniga iyo shaydaan bay naga ahaatay wixi aan saxayna Illaah bay ka ahaatay.

Alle Mahad Leh

Qoraa sare. Xuseen Muuse Nuux

E-mail. binu_nuux_1@hotmail.com

Facebook. Hussein Musse Nooh

Qaahira, Masar

 

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Marwa cabdilaahi says:

    Jazaaka laahu khayral jazaa walaalkay xuseen muuse nuux (azhari). Walaal run ahaantii waa hadal ama qoraal aad uqiima badan in badana noo faaideeyay ee shukran walaal. Rasuulkeenuna NNKH xaq wayn ayuu inagu leeyahay difaaciisuna waa inagu waajib waxa aynu ku difaaci karna oo ugu fiican waa dariiqada aad xustay, insha Allaah waanu dabaqaynaa.. Dadkana waanu baraynaa MAXAMED (CSW) YUU AHAA??. Shukran markale walaal waxaanu kaa sugaynaa masiid iyo maqaalaat kale. Rabanaa yuxagig leek amaaniik wa yajcal firdawsal aclaa mathwaak.

  2. iaalahay ajar iyo abaal aan la soo koobi karin ka siiyo sxb kay iyo walaal kay qoraal kaan gaaban oo inoogu sharaxay qaabka wanaagsan oo nebegaana nnkh u difaaci karno inoogo wax rabshad ah , fowda, qas iyo buuq ah samayn

  3. maxamed cabdi khare says:

    walal mansha alah xuseen muuse nuux adban ka mahad celine na qormada qiima ha leh ad sodi yarisay oo nabikena caleehu salatu wasaam ad ku dhucaftay walal marka ilahay cilmi ka haku si yadiyo mahad sanid

  4. Amal says:

    Masha Allah,,,,walale Hussein Alle hakaa abaal mariyo sida wanagsan ee aad qoraalka u qortay Masha Allah waxbadan oo aanan horay u fahamsanayn ayaan ka fahmay Qoraalkaaga,,,walale Alle hanaga dhigo kuwii adeeca oo u dagaalama dartiiis,,,NABIGEENA (N.N.K.H)u ma dulqadanayno aflagaadada loo gaysanayo Insha Allah,,,Talooyinka aadnasiisayna walale waa Usefull Insha allah,,,,,waan qaadanaynaa,,,,Marlabaad iyo Marsadexaad ba shokran walal,,,JAzaka Allahu khyr,,,,,,

  5. ahmedpunt-------------- says:

    anigu waxaan qabaa dadka muslimkaa inaan caalamku aragti xun kaqaadan oo nabadda adduunka la’ilaaliyo oo haddii lamudaharaadayo uu noqdo mudaharaad aanan keenin khasaaro iyo dil iwm ,waa in dadka muslimkaa ee kunool yurub iyo ameerika iyo meelaha kale wadamada horumaray aay baaba’shaan fagradaha khaladkaa oo dadka reer galbeedka qaarkood aay qabaan fagrado khalada taas oo aay kasiifaa’iidaystaan dad neceb islaamka oo qaarkood kasoojeedaan reer galbeedka oo aan badanayn ,haddaba waxaa haboon in taas badalkeeda lahelo oo ah in labaro dadka wanaagsan ee reer galbeeda in lafahansiiyo muslimku inuu yahay diin ogol wadanoolaashaha iyo nabadda qofka bani’aadamkaana diintayadu aay sheegayso in ilaahay karimay muslim iyo gaalba oo diin islaamka marna aysan ahayn argagixiso iwm,waa in buugaag yaryara laqaybshaa oo lasiiyo dadka reer galbeedk ee magaalooyinka reer galbeedka oo lasiinayo dadka shacabkaa bugaagtaas oo dariiqyada lagu qaybinaayo iyo in warbaahinta muslimka qeeb kaqaadato,taasu waxy dhalinaysaa inuu dhamaado khilaafka jira oo kusalaysan islaam nacayb ,midda kale anigu waxaan qabaa nin caayay nabi muxamed scw in haddii adduunka muslimka iska dhagatiri in gaalkaas arimihii uu watay aay fashilmaayaan sheekadii filimka iyo iwm aaysan soconaynin dhaqaalana uusan helaynin ,gabagabadii waxaan qabaa in haddii shacuur timaado xagga muslimkaa inaan labo qole oo ah alqaaida iyo israaiil aaysan helin jaanis xasilooni la’aan adduunka timaada aay kaga faa’iidaystaan….scww

Leave a Reply