Siyaasiga Bille Qabowsade oo lix bilood kadib la siidaayay

September 22, 2012   //   Warar Somaali

Siyaasiga Bille Maxamuud Qabowsade oo horay xilal wasiir iyo la taliye dhinca warfaafinta madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse cadde soo noqday ayaa maanata dib u helay xoriyadiisa.

Siyaasiga oo xabsiga dhexe ee Bosaaso ku jiray iyadoo maxkamad aan lasoo horkeenin muddo lix bilood ah ayaan la sheegin xarigiisa waxaa uu salka ku hayay.

Bile Qabowsade oo saxaafadda gudaha ee Puntland la hadlay siidayntiisa kadib ayaa sheegay siidayntiisu inay timid dadaal uu galay wasiir kuxigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda C/shakuur Mire Aadan.

Waxaa uu sheegay xaaladiisa caafimaad inay wanaagsantahay xabsiga inta uu ku jiray inuu maanka ku hayay mar un xoriyadiisa inuu helayo.

Burhaan Xasan

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dhoofshe faro ole
    Siwaaqroonba Waa nin man gassy socoto
    Xaafuun subxaayoba Waa Halaq
    Walaal bile Waa halyey punt land
    Kismaayo loo ma soo diraayo sorry

  2. Bile Maxamuud Axmed (Qabowsade)waxaan ku lee yahay how shaada meesha ka sii wad aad baana ugu faraxsanahay in maanta aad banaanka ka joogtoxiritaankii ay kuu gaysteen dad gooni ah oo lawada garanayo adoon waxba dhimun guulayso brother.

  3. Waxaan jogaa Dalka Kanada Toronto…Anigoo aqoon badan u leh Kartidda Siyaasiga Bille qabowsade Oo in muddo ah ka qeyb qaatey Xoreynta iyo Nabadaynta Beelaha wada dega Jubbooyinka ….Waan oga mahadcelinayaa intii ama dadkii kartidda lahaa ee ka dambeysay siidayntiisa Inkastoo xeer Islaam iyo Mid Dimoqraadi aysan dhigayn in qof la iskaga hayo xabsi iyadoon maxkadd la keenin …Tusaale Xeerka puntland u degan ayaa qeexaya in in qofka la hor geeyo 48 saac gudaheeda maxkadd ama xoriyadiisa la siiyo…Lakiin Ku dhaqanka iyo sharcigga in dad qaas u qabto ayaa halkaas inooga cad ee waxaan kula talin lahaa Siyaasigeena Bile qabowsade anagaa ku baahan Reer Kismaayo inoo imow oo ka qeyb qaado Horumarka Jubbaland….Kana soo tag mida qurunka ah ee cunsuriyadda ku saleysan oo hogaaminayo Faroole … Oo tii Harti iyo darood iyo tii Somaaliyeed iska horkeenay oo jeebka inuu lacag ka buuxsado u joogo Puntland xitaa aan ogeyn in Koofurta Kismaayo dad ka jiro…..(VIva siyaasiga Bile Qabowgsade )

  4. boqole says:

    Bile taariikhda ayaa xusi doonta c/shukuur mire aadan na wuu ku mahadsan yahay kaalinta uu qaatay.

  5. wiilwaal says:

    aad baan ugu farxsanahay in la soo daayo bile, waa siyaas o hadale dadka reer barika ah oo dhibaa taasan oo maxamud saleeban xooga ku haystaan laakin maanta wax la gaartay maalintii mohamoud saleeban la soo af jari lahaa iyo booqoda. waa in lugu samaayo tee ku dhacday Libya iyo Masar

  6. Bile maxamuud qabowsade dib danbe ha kayeelin in bilaash laguu xiray.

Leave a Reply