Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudug oo ka Hadlay Muddo Kororsiga Xukuumada [Qoraal]

September 28, 2012   //   Warar Somaali

SHACABKA GOBOLKA MUDUG EE PUNTLAND

Gaalkacyo

Ujeeddo: Xaaladda Puntland

Ku: Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka Puntland                                Fadhigooda

Ku: Gobollada Puntland oo dhan                                                   Xaruntooda

Ku: Hey’adda Inter-Peace                                                               Fadgigeeda

Ku: Hey’adaha UN ee Puntland Jooga                                           Fadgigooda

Ku: Dawladda Federalka Soomaaliya                                            Xamar

Ku: Dawlad-Goboleedka Puntland                                                 Garoowe

Dimoqraaddi baan Nahay

Dastuurkiina waa Jiraa

Xisbigayga waa Furay

Kuwo kale qofkii Raba

Kolley waan u Furayaa

Juuq kalese Lama Rabo

Sharcigaygu waa Kaas

Wixii kalena waa Kiis

Dadkana waa la Xirayaa

Cabashadana ma Oggoli

Idaacadaha waan Xiray!!

Sidaas ninka ku doodayaa Maxamed Siyaad iyo 1970kii iyo Xamar ma aha ee waa Faroole iyo bishaan Sebtember 2012 iyo Garoowe iyo Puntlad!!!!!

……………………..

Mudanka reer Puntland. Madaxda Soomaaliya, iyo Masuuliyiinta Beesha Caalamka;

Dhamman waxaan idiin soo gudbinaynaa Salaan Diirran;

Salaan kaddib, waxaan idinku wargekinaynaa Shir ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Odayaal Dhaqan, Waxgarad qaybaha Bulshada ka socda, Aqoonyahanno, iyo Siyaasiyiin dhalasho iyo degaanba ah reer Mudug, Shirkaasna waxaa looga hadlay arrimo khuseeya marxaladdaan qallafsan ee ay maanta Puntland ku sugantahay, dhibaatada maamulka xilka hayaa geystey, Dastuurka iyo Dimoqraaddiyeynta laga seexday afartii sano oo la soo dhaafay, maanta oo xilligoodii seddex bilood uga hartayna boorka laga jafayo. Iyadoo muddo-kororsi iyo marin-habaabin keliya looga jeedo, iyo guud ahaan halista Burburka ee Puntland qarka u saarantahay;

Arrimahaas markii aad looga hadlay, lagana muujiyey Dareen Culus oo xambaarsan Walwal iyo Walaac iyo Cabsi Dagaal Sokeeye oo la mid ah kii 2001dii, laakiin laga Diqooday Damaaciga Keli-Talisnimada ee Madaxweyne Faroole, waxaa Shirkii isku raacay inaan la aqbali Karin qorshaha Talo-Marooqsiga, Muquuninta Shacbiga, Hanjabaadda iyo Cabburinta Warbaahinta iyo Wariyeyaasha, Xarigga Sharcidarrada ah, Dilka Qarsoodiga ah iyo Amni Darrada Puntland ka Hirgashay intii maamulkani Xilka Hayey, saas darteed Shirkii waxaa lagu go’aansaday qodobbada soo socda:-

  1. Iyadoo la oggolyahay nidaamka dimoqraadiyeynta Puntland oo muddo dheer la sugayey, haddana  Maamulka Xilka hayaa inuu fursaddiisii lumiyey, Hambabarka maanta oo seddeddex bilood u hartayna yahay mid ujeeddo muddo-kororsi oo keliya laga leeyahay, taasoo an laga aqbalayn, saas darteena muddadii afarta sano ee loo doortay, laguna Dhaariyey an waxba lagu darayn;
  2. Shirku wuxuu maamulka ugu baaqayaa inuu ka xishoodo, oo dhibaatada uga Turo Shacabka Puntland, oo nidaamkii iyo sharcigii xilka loogu dhiibey siduu ahaa u xurmeeyo, oo ku talogalo 31da Oktoober inay ku egtahay xil-haynta Golaha Barlamaank, 08da Jannaayo 2013kana ay tahay doorashadii iyo kala wareeggii Madaxweynaha xilka haya iyo ciddii ku guuleysata doorashadaas;
  3. Shirku wuxuu si cad uga soo horjeedaa furitaanka Xisbiyo an waafaqsanayn Sharci reer Puntland oo dhani isla oggolyahay oo isla qaatay, Shacabkana wuxuu ku baraarujinayaa in laga feejignaado khiyaamada Xisbiyada looga danleeyahay in lagu ansaxsado muddo-kororsiga halka sano ah;
  4. Hey’adaha Beesha Caalamka, gaar ahaan Hey’adda Inter-Peace ee caawisa barnaamijyada Dimoqraadiyeynta, waxaan u sheegaynaa, hadda ka horna qoraallo badan ugu caddeynnayu khiyaamada maamulka Puntland ee hadda xilka hayaa ku maldahayo ololaha Dastuurka iyo Xisbiyada uu hadalkooda bilaabay markii muddadisii ay uga hartay 3da bilood oo keliya, saas darteed waxaa laga codsanayaa inay degdeg u joojiyaan dhaqaalaha ay siiyaan barnaamijkaas oo maamulka Faroole u isticmaalayo dhaqangelinta nidaamka Keli-Talisnimada iyo Cabburinta Xorriyadda Shacabka Puntland;
  5. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu baraarujinayaa inay la socoto xaaladda halista ah oo ka taagan Puntland, waxaana la ogeysiinayaa inaan waxba ka jirin, kana jiridoonin hanjabaadda Madaxweynaha iyo maamulka Puntland Idaacadaha kaga hadlaan ee oronaya waxaan rabno haddaan la yeelin Soomaaliya waa ka goosandoonna, waxaanna si buuxda u caddeynaynaa marka goosashao ka yeerto Afka Faroole, in dhammaan Gobollada Pntland ku dhawaaqidoonaan inay keligiis ku koobantahay!!

Caddeynta Dareenka Runta ah ee Shacbiga reer Puntland waxaa ku filan sida meelo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ka mid ah oo Guddiga Doorashada ay u tageen shaqada ay u hayaan maamulkaan looga hor-joogsadey oo loo diidey qorshaha ay wateen, sida guddoomiyaha Maxamed Xasan Barre wuxuu kala kulmay Qardho iyo Degmada Rako, sida guddoomiye ku xigeenka Barkhad Cali Saalax uga baqay inuu Beelaha reer Bari ugu tago, iyo sida Cismaan Maxamuud Xaji Xasan looga soo eryey Degmooyinka Jirriiban iyo Balli/Busle oo idaacadah laga dhegeystey;

Mar labaad waxaan salaamaynaa inta qoraalkaani ku socdo;

25/09/2012

Waa Mahadsantihiin;

Mudane Dr. Maxamed Cali Yuusuf – Gaagaab

Madaxweyne-ku-Xigeen Hore

Wasiirkii Maaliyadda  Xilligii Cadde Muuse

Dawlad-Goboleedka Puntland

COMMENTS

RSSComments (15)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. abhdirahman sh mohoud says:

    asc.dhamaanbulshada soomaliyeed gaar ahaan reer puntland. walalayaa ma jirto cid ka raali ah mudo korarsiga mudane faroole.waxaase ka sii daran kuwa qaska iyo fowdad wada oo dana shaqsiyeed doonaya. kuna gabhanaya codka iyo ka dadksa reer puntland. madoonaynao in dowdo ay ka dhacdo wadanka yaga. waxaan ku jiraa hormar nabhad galyo .waxaana somalidu tiraahdaa hal bhilso qaday bhari kuma dariweydo, sanad wax dheer ma ahan,.balse farole iyo gaagabh kii daran ?

  2. Moh said says:

    wan salamaya dhaman shacabka gobolka mudug iyo mudane gaagaab, mudane hala badbaadiyo puntland damac xun ayu wada farole awal ban waxan ka yaabanayn cida madaxweynaha ka dhigta ninki barlamanka weraray hadana raba inu ku darsado. waxan u shegeyna faroole inusan malin ku darsan karin, hadi cid ay ku darsanayso rag ka xiniya badan aya ku darsan wayey sida marxum c.lahi yusuf iyo cade muse. marka wad ku ceebobeysa farolow yan wiilashadu ku walin ayan ku lenahay. 4taadi sano wad dhamaysatay yeysan kuu muuqan tiknikada aad sameysatay dadku waxay haystan mid ka badan xabad haday noqotana waa laga badiya o wa lagaga horeyey

  3. hersi says:

    pntland allaha badbaadiyo…aamiin.

    ma ahan wax lala yaabo maamulka faroole in uu awood iyo anarkutaakleyn u muujiyo shacabka reer puntland …waana wax laga filaayey in uu xoog iyo fara maroorsi la yimaado wayo isagoo wasiir ah buu saa sameeyey …hadda oo uu madaxweyne yahay oo uu dhaqaalihii puntland gacanta u galey oo uu boob dhqaale wax ku helay iyo awood ciidan ….maxaad moodaa ….laakiin iraadada shacabka iyo dabeysha sunnaamiga ee bariga dhexe ma ahan mid uu hor istaagi karo faroole iyo caruurtiisa …dadweynuhu waa eeu kacssan yihiin iyagoo ka careysan leyntii la laayey wax garadkii aqiin yahankii iyo indheer garadkii oo waliba burcad diimeed gacanta loo gashey maamulkii dalka sida itixaad iyo ictisaam iyo belo diin xanbaarsan oo xattaa ka qeybqaatey in uu san soo bixin reysalwasaare aqoon yaham DR /cabdi wali ka madaxweyne ahaan ….waa taariikh madoow oo uu muujiyey burcad diimeed hogaamiye faroole ……shcabka waa in eey sii xoojiyaan mudaharaadka looga soo horjeedo kaligii taliye faroole hogaamiyaha burcad diimeedka (wahaabioyada)…..waana in talada dalka dib loogusoo ceshaa wax garadkii aqiinyahankii iyo isimadii talin jiray…si deg deg ahna looga qabtaa kaliguui taliyaha faroole iyo caruurtiisa iyo brcad diimeedka uu hogaaminhayaba.

  4. Wiil Qardhood says:

    Sc

    Waxan salamayaa dhaman reer Puntland meelkasta oo ay joogaan gude iyo dibadba salaam kagadaal waxan Puntland. Urajaynayaa in uusan khilaaf kadhicin iyo dagaal sokeeye oo caqligu shaqeeyo.

    Mida labaad Waa nasiib daro weyn in maanta madaxweyne Faroole noo hanjabo oo dhaho wan idinleynayaa hadaad amarkayga diidaan waxan wada ognahay sidii sharafta aheed ee xilka loogu wareejiyey maanta sidii oo kale ban kafilayney laakin marnaba Kama filayn in uu siyaad bare oo kale nagunoqonaayo. Alle ha unaxariisteeh

    Runtii waxan jeclaan lahaa in Qaaidkii noolyahay maantay oo uu caafimaad qabo. Waxan aaminsanahay in uu runta usheegi lahaa Mr Faroole. Horaa Waxaa looyiri manaan garan geela dhoofaarku laayey. Faroole waxan kashakiyey maalintii aaska Marxuum Cabdulahi Yuusuf Axmed kadib markaan arkay farxada iyo rayn raynta kamuuqata wajigiisa.

    Laakin Waxaa loobahan yahay in Cade Muuse runta usheego oo uusan kaxishoon Faroole Puntland uma baahna khilaaf dib ugusoo laabta Waa in aynu cashar kabaranaa wixii hore ugadhacay 2001.

    I hope in uu Faroole isgarto inta goori goor tahay oo aan xeero iyo fandhaal kaladhicin.

    Faroolow ogow cadowga Puntland Waa badan yahay ee haynoo horseedin mid dhexdeena ah oo laga faa iidaysto waad ogtahay hadii xoog wax lagu maquunin karo Waxaa kursiga joogi lahaa Siyaad Bare, Qadaafi iyo rag kaloo badan. Wiilasha aan ilmo adeerta nahay ee reer jalafle halayn.

  5. hhhhhhhhhhhhhhhhhhhh says:

    bahda puntlannews24.com waxaa idinka codsa nayaa inaad warka inta nuxurka leh soo qortaan waa mida gale ale habad baadiyo shacabka somaliyeed oo ku dhaqan gobolada puntland sidii roon oo khayr inoo ku jiro dee ale haynoo ka dhigo akheyaaray waxa lagu muran san yahay wax saa u wayen mahan waxaan waa aduunyo ha laysu calool furnaado kii khaldan ilaah baa yaqaan waxii xaq ah na goor un buu soo baxayaa asc

  6. Assalamu alaikum dhamaan walaalhayga reer puntland,salaaan kadib reer puntland waxaad ogaatan hadaan laysku tiirsanan oo an gacmaha lays qabsan ama la kala danbeyn inan waxba hagaagayen oo ana hormar garayn Dr faroole shalay markii xilkan u hayo loo magacaabay si wanagsan ba lagu warejiyey marka maantana waxan rajayn xiligii lagu balamay inuu iska wareejiyo xilka si sharaf iyo naxariis ku dheehantahay, maha inuu muran iyo dhiibato ka keeno, oo colaad ka dhexbeeranto dadka ushiyo diirkeeda ah, <3puntland hanoolato 4ever <3

  7. Gocoso says:

    waxaan aad uga xumahay midkan ku difaacaya indha la aanta faroole oo taariikhdiisii hore iyo hadda intii uu xilka puntland hayay la wada garanayo oo la meel dhigaya raga ay iyaga iyo aabayaashood ay umado dhan u talinjireen markii uu faroole riyaha raaci jiray waxaana ayaan dara ah oo markhaanti laga yahay lana wada og yahay cade iyo cabdillaahi waxa ay qabteen haddii aan waxyar kaaga taabto cabdullaahi waxa uu ahaa madaxweeynihii u horeeyay ee puntland waxa uu dhisay heeyadihii abniga oo noockasta ah waxa uu dhisay heeyadihii doowlada iyo xafiisyadii ay ku shaqeeyn laheed waxa uu asaasay heeykal doowladeed oo dhameestiran waxa uu ahaa nin ixtiraama umada reer puntland ama soomaaliwaynba waxa uu ahaa nin og ixtiraamka ay kamudanyihiin isimada amaba umada uu madaxda u yahay waxa uu ahaa nin ay iskumid u yihiin dhamaan magaalooyinka puntlan ogna in uu isagu u yahay madaxweeyne dabcan qofku daldalool wuu yeelankaraa weyjirtay in uu lahaa xukun jaceyl oo ma aha wax ladafiri karo haddii aan isagana u soo noqdo boqor jeneral cade isaguna dhaqamo badan ayuu kalamid ahaa marxuum cabdullaahi alayaa arxamu eh waxa ay isku mid ka ahaayeen in ay ixtiraamaan dhamaan umada ay madaxda u yihiin hadeey ahaanlaheed isimada oo ah mudnaanta kowaad hadeey ahaan laheed bulshada kala duwan ee reer puntlan hadeey ahaan laheed inta ay shaqadu ka dhaxeeyso labadaba ilaah waxa uu siiyay oowlaad waliba ilmahooda anigu aqoon ayaan u leeyahay oo waa ilmo wax bartay ma aheeyn tagsiilayaal sida ilma faroole saas oo tahayna wali saxada siyaasada laguma arag wiil cade dhalay ama wiil babdullaahi dhalay cade waxa uu keenay shirkada baaraysa shidaalka waxa uu keenay dhisayna macjarka xoolaha inaga oo dhibwayn inaga heesatay xoolaheena nool waxa uu dhisay ayraboorka caasumada ganacsiga ee boosaaso iyo kan garoowe isaga oo dhameestiraya ayuuna wakhtigii ka dhamaaday waxa uu ahaa nin ay isku mid u yihiin magaalooyinka iyo bulshaweynta reer puntlan aaminsana in uu isagu madaxweeyne u yahay hadaba walaal wiil garoowoow ogooow hagbadii waa dhamaatay qardho iyo gaalkacayana waxaa ay aaminsan yihiin in sidii sharcigu ahaa ay doorashadu dhacdo nin alaale ninkii nasiibkiisu siiyo cidu rabo ahaadee in uu madaxweeyne noqdo ay la shaqeeyaan xukunkana kuma iman in ay baarlamaan weeraraan iyo sidii hagbadii ama in maxamuud salemaam dhaxal u lahaa waa tookadayadii ee xeelad iyo rabitaan shacab ayeey ku yimaadeen mida kale fadlan adiga ayaan kula hadlayaaye iiga soo jawaab waxa uu ina faroole uu puntlan ku soo kordhiyay wabilaahi toowfiiq

  8. Reer Bari says:

    AFKAA NAGA XIRAN. XAFIISYADA NAGA XIRAN.
    MUDAHARAAD MA SAMAYN NAQAAN OO SARASEEN IYO MAXAMED BAA NA DULTAAGAN, LAKIN MAR WAA IS XORAYN DOONNAA, BOSAASO WAA SHAQAYN DOONTAA EERBOORKEEDA WAA LA SAMAYNDOONA,DADKA IYO MAGAALOOYINKU WAA SINNAAN DOONAAN.

    AFKAAGA CAANA LAGU SHUB.

  9. imraan says:

    Mudanaha sharafta leh gaagaab aad bu umahadsan tahay, faroole wa inu wadanka u kala geeyay isu keena faraha na kala baxa mudo kororsiga sharci darada ah time kaga wa dhamaaday wadankana wa la ogyahay siduu yahay, cadawga puntland wa badan yahay sharrafta ha kaga cayaari umada puntland nabadana geed ha saarin dhibatana ma fiicna iyo dad wada dhashay inay wax kala gaaraan dad iskala wayn is qabqabsi weeye shacabka puntland nabadana jecel iyo huru marka dalkoda, ee fidmo iyo nacayb ha abuurin xilka iska wareeji si nadiif ah demoratic nimo muuji iyo kala danbayn sharcigana ha jabin!!!

  10. Warsame Khalaf says:

    Reer Puntland haddii aad tihiin, iska ilaaliya khilaaf, qabiil. Mas’uulkii ka shaqaynaya maslaxadda dadka iyo dalka Puntaland, tacliin, amni, horay umar (dhaqaale iyo dhismo), caafimaad, dhaqaale, wada jir, amniga xuduuda iyo xoraynta dalka : kaas ayaa idiin madaxa iyada oo aan muddo ku xirin. Kii aad rabtaan in uu madax idiin noqdo, ha tuso shacabka Puntland , waxii uu u qaban karo dadka iyo dalka Puntland isaga oo aan abuurin wax khilaafa.
    Mid idin kamidda ah ayaan ahay, dhibaatada lagu jiro iyo tii lasoo maray ayaa ii muuqata, in wada jir, wada tashi, meel macan lagu gaari karo.
    Puntlander: W.Kh.

  11. asc wr wb waxaa salaamayaah dhamaan reer puntland meelkas ay joogan waxaan ahay mu waadin puntlad ah waxaa akh u leeyahay in fik radayda ka dhiibto mar xalada puntland ay hada ku jirto faroole ku dooni mayno umadu reer puntland na ma ahan inta madax tooyada garewo joogta ma ku fakarin in fikradaada ka liya ay shaqaynayso ka tasho ilaah bay naga tahay maallin inaa laguu darayne waxaana kuugu latalinayaah faroolow dadka walaalaha ah hala fogayn colaadna hala galin si sharaf leh baa xilka laguugu dhiibay si sharaf leh ugatay ilaalina shar ciga waa dar daaran sharafta puntland meel ha uga dhicin sharaf teenana ilaali waa mahad san thiin shacabka sharafta wayn rer puntland

  12. Garoowe says:

    Waan idin salamayaa dhamaan Reer Qardhood iyo Reer gaalkacayood waxay ka xunyihiin hurumarka iyo barwaaqada u Dr faroole gaarsiiyay Garooowe ..Abdullahi yusuf iyo Cade musse maxay kaqabteen puntland waxba xamaraa lagu dhisay Cashuur tii puntland ,Dr faroolena dhulkay ka muuqataa….

  13. mahamed says:

    waxa lobahan yhay in lamideyo dadka waxa lobahan yahay in amanka la’ilaliyo waxa lobahan yahay in midnimadda puntland la ilaliyo in lga fogado qarabo kiilka iyo exda dadka reer puntland in sharicga iyo qawaninta puntland udhigan la’xtiramo in si dimqradi ah wax lagu radsho in aan dhiiga dadka iyo isku dirka laga xishodo in aan la’ilobin dhalashada dhabta ah e reer puntlnd aan laga tegin in diinta muslinku noqoto mida lagu dhaqmo,wabilihi tawafiiq.

  14. Wiil QARDHOOD says:

    SC

    BACDA SALAAN WAXAN MAHADCELIN QAALIYA UDIRAYAA MUDANE MAXAMED CALI YUUSUF GAAGAAB.

    MUDANE WAXAD MUUJISAY GEESINIMO IYO RAGANIMO XILI MAANTA LAGU JIRO YAA HADLI KARA QOFKII HADLANA BAQDIN LASEEXAN LA YAHAY OO ISLEEYAHAY GOORMA LAGU DILAYAA. MUDANE PUNTLAND WAA IN AADAN CIDNA KAHAYBEESAN BADBAADA PUNTLAND ADAA ISKALEH IYO INTA XALAASHA AH OO KULA MIDKA AH OO DAMIIRKA LEH.

    HADAN NAHAY REER BARI AAD BAN UGASOO HORJEEDNA NIDAAMKA FAROOLE WADO OO KALI TALISNUMADA AH. FAROOLE WAX UU HABA YARAATE INAGA QAADI KARO MAJIRTO AYNU ISKU CELINO BARBARKAY KABAXDAA WAA BAKAYLO GALEEN.

    WASHAMSI BAYNU KUQAADAYNAA HADUU ISWAALO WAA FULAY XAAR WEYNE AH.

    GUUL IYO GOBANIMO

    VIVA PUNTALND GOVERNMENT OF SOMALIA

  15. Mahadsanid mudane gaagaab wankaga mahad celineyna hadan nahay jaliyada rer puntland e dagan kenya nairobi waana manta in la bad badiyo dowlada puntland iyo cinqilabka u wado farole mahadsanid

Leave a Reply