Somalia Ma Markii Hore Ayey Federaal Aheyd Mise Hada? W.Q. Ahmed Mahamoud

December 11, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

HORUDHAC:

Soomaalidu waa ummad muslin ah lehna dhaqan fog oo aad u fac weyn,sida oo kale waa dad ku nool dhul baaxadiisu guud dhan tahay 1463,000Km² ah. Kuwaas oo u qaybsan sidan: Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan 640,000Km², Djibuti-23,000Km², NFD(SoomaalidaKenya)-384,000Km² iyo Soomaalida Itoobiya-oo ku nool dhul baaxadiisu tahay 416,000Km². Marka aad si xeel dheer u eegtid hab nolol dhaqameedka Soomaalida waxaad markiiba si fudud u fahmi kartaa in ay dadka Soomaalidu weligoodba noloshoodu ku dhisneyd hab uu asaaskiisa hoose la mid yahay hanaanka sida Maamul Dowlad Federaal ah oo kale; adiga oo ee dheehanaya dhinac nolol,shaqo iyo maamulba(xukun); isla mar ahaantaasna dhinacyadda deegaameedana uu ka tarjumayo xaqiiqda dhabta ah hab nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed.

Haddaba akhritow qormadan waxaan ku eegi doonaa xaqiiqda qaab nololeedka Soomaalida, hab dhaqan dhaqaalaha iyo seerayaasha dhaqan iyo degaan oo aan ku kala xeydanahay. Waxaan yara jeleeci ama dulmar ku sameyn doonaa hogaan dhaqameedka Soomaalida iyo hanaanka leysu idman jirey.

ISKU EKAANSHAHA HAB-DHAQAN NOLOLEEDKA SOOMAALIDA IYO HABKA-FEDERAAL AH:

Habka federaalka ee maamul dowladeedka ayaa ah ujeedadiisa ugu weyn in xukunka dowladnimo hoos loo daadajiyo ama ay gaarto ilaa dowlad dhexe oo dalka ugu sareeysa ilaa iyo heer tuulo,maamul dhismeedkaas dowladnimo ayaa lagu talaabsan karaa marka la hello saddex  waxyaabood oo saldhig ama tiirar u ah dowladnimadda oo kale ah: DAD,DHUL iyo SHARCI ama XEER.

Hadaba aduunkaan horumarey ayaa waxay sheegtaan in uu xukunkoodu yahay mid baahsan oo umadda u siman tahay,balse hab maamul dhaqameedka Soomaalida ayaa isagu ahaa mid weligiisba habkaas u jirey balse aad moodid in jiilashaan dambe ay marin habaabiyeen.Habka maamul federal ah ayaa u dhisan sida jara- jaradda oo kale una kala sareeya-Dowladda dhexe oo ah madaxa kore ilaa iyo maamul goboleedyo u madax banana maamulkiisa hoose ilaa xad. Bal eeg habka xukunka loo gaarsiinayo meelaha hoose ee bulshadu ku nool yahiin:

Dowlada Federaal—Dowlad Goboleedyo(states)—Degmooyin(district)—Tuulooyin(villages)—Baadiye(Rural)

XIRIIRKA BULSHADDA EE TOLKA OO HAB FEDERAAL AH U SHAQEEYA

Soomaalidu waa wada tol, tolku wuxuu ka turjumayaa bulsho isku xiran oo wadaagta: deegaan ceel iyo carshiin leh, beer iyo bad wadaagba leh; xukun iyo xeer ay wadaagaan dhigtey; kana dhexeeyo af iyo dhaqanba, taas oo ay danahooda guud isku mid yihiin. Hadaba marka qofka dhaqan yaqaanka ahi uu macneeyo ereyga TOL, waxa uu si kooban uu ugu sifeeyaa waa isku tolan ama isku xiran, waxaana la dhahaa Dan. Tolka ma mideeyo qabiil ama abtirsiiyo oo keliya ee waxaa mideeya waxyaabo fara badan oo kuwooda ugu weyni ay yihiin: DEEGAAN(dhul), XUKUN(maamul) oo loola jeedo bulshadii la xukumi lahaa  iyo XEER(sharci), waxaa halkaas ka cad in ay sadexdaanba saldhig u yihiin maamul Dowlad oo Federaal ah.Waxaa sidoo kale muuqda in ay tolku leeyihiin hab nololeed shaqo waxqabad(wax soo saar) oo dhaqan huwan sida Beeraleey,Kaluumeysato ama Xoolaleey.Tolku wuxuu u dhisan yahay sidii jaran-jaro Federaal ah oo ay ku dhan tahay sadexda qaybood ee muhiimka u ah in laga hello dowlad federal ah ,oo ay bulsho wadaagi karaan,kuwaasoo kala ah:

1)      Tolku wuxuu wadaagaa deegaan ama dhul ay wada degan yihiin ama xad ha lahaado ama yuusan lahaanba, kaas oo ah mid loo yaqaan oo ay ku mideeysan yihiin,

2)      Waxay leeyhiin xeer ama sharci ay wada dhigteen (xeer dhaqameed), goor iyo goob kastaba haku dhigtaanee ama ku heshiiyaane; taas oo u dhexeeya tolkaas oo loo wada siman yahay,

3)      Waxay leeyihiin hogaan iyo hogaamiyayaal (leadership and leaders) oo ay iska dhex doortaan, iyaga oo ku soo xula nidaam ay raali ka wada yihiin (Eeg habka dimoqoraadiga ah oo ay reer galbeedku noo sheegaan har iyo habeenba), sifo kastaba hogaamiyahaasi ha ku yimaadee.

Haddaba miyeysan Tolka ka muuqan seddexda astaamo ee laga doonayo maamul federal ah sida DAD, DHUL iyo XEER ama SHARCI.

SIDEE MAAMULKA TOLKU U YAHAY MID FEDERAAL AH ?

Tolku sida maamulka Federaalka ah oo kale ayuu salka hoose ka soo unkamaa ama ka bilowdaa, halkaas oo loogu sii gudbo ilaa hab QARAN oo kale, bal aan u wada milicsano qaybahaas

BILOW——————————————————————————-DHAMAAD:

JEES—DUDDO—OOD(tis)—DEGSIIMO—BEEL—XERO—DAB—QARAN

JEES: Waa hal aqal keligiis oo meel ka dhisan,ugu yaraan laba qof ka bilaama ama ku nool yahiin.

DUDDO: Waa dhowr aqal dhismo oo meel wada deggan oo madax leh.

TIS  ama OOD: Waa dhowr ama qaybo duddo ah oo si iskugu xiran.

DEGSIIMO: Waa dhowr tis ama oodood oo hab degaan iskugu xiran oo dhul leh.

BEEL: Waa degsiimooyin ka mideysan xukun dhaqan, af, dhul iyo xeer wadaag ah.

XERO—Waa beello badan oo wadaaga dhaqan, af, xeer, dhul iyo xukun.

DAB—Waa xeryo badan oo leh madax sare  oo kala duwan sida maamul goboleedyo oo kale.

QARAN—Waa wadan dhan oo xor ah oo leh dhul xuduud leh oo la yaqaan, dad iyo sharci xukumana leh.

Qaabka uu isula jaanqaadey Tolku waa qaab dhismeedkeenii hogaan iyo dowladnimo ee aynu dhaqanka u lahayn, waxayna tilmaameysaa oo macneyneysaa hab-dhiska bulsho ee ay ummaddi ka soo unkantey ama ka soo bilaabatey halkaas hoose ilaa ay gaartey hab qaranimo ah. Taas oo loo fasiri karo: Hab-dhiska bulshada tolka ah oo si tolnimo ah isagu xiran.

TOL QARAN NOQDEY IYO HABKII AY MADAXDOODU KU SOO BIXI JIRTEY(HAB FEDERAAL AH)

Qaran, waxuu ahaan jirey dabbabka oo isu tegey. Waxaa qaran soo bixi jirey ama la hadal heyn jirey markii ay shir isugu yimaadaan laba dab iyo wixii ka badan kaas oo lagu tilmaami jirey shir Qaran. Halkaas waxaa inooga dhadhamaya qaab Federaal ah in ey Soomaalidu lahaan jirtey. Kol uu abwaan Soomaaliyeed dhexdhexaadinayey laba reer oo dagaalo dhex mareen wuxuu tiriyey tix dheer oo aan ka soo qaadaneyno tudducdaan muhiimka ah:

QAB QAB DHAAFEY BEY LABA QABIIL,

QARAN KU WEYDAAYE.

Ereyga Qaran wuxuu Soomaalida ula micna yahay geedka mesegada ama geleeyda oo xubnihiisu u dhan yihiin sabuulkiisuna ku yaal, kaas oo uu xubnihiisu tilmaamayaan min jees ilaa dab; Sabuulka uu ku yaalna tilmaamayo Qaran. Waxaa qaranka gudoomin jirey ninka ugu fac weyn Isimmada dababka, ama isimka dabka markaas lagu hayo shirka, goobaha shirarkaas lagu hayo magac qabiil ma iman jirin (fiiri hada golaha baarlamaanka inta aan la dooran gudoomiye joogta ah,waxaa marka hore la doortaa gudoomiye ku meel gaar ah oo shirka gudoomiya, kaas oo lagu soo xulo ninka ugu da’da weeyn).

Xiriirka noocan isugu xirnaa wuxuu ahaa midkii ay Soomaalidu ku dab iyo reer keentey, waa midka weli bulshada Soomaaliyeed u sii muuqda oo ay tebeyso. Hab dhaqan dhaqaalihii iyo nidaamkii suubanaa ee hogaan dhaqameedkeena dawladnimo waxaa dumiyey nooc qabyaaladda silloon oo aan filayo in uu dalka qabsadey muddo dambe ama dhowr qarni gudahood taas oo noqotey midda cid waliba oo cadow noo aheyd noogu soo gambatey ilaa soyaalkeenii taariikheed iyo wanaageenii oo dhan cagta mariyey. Ugu dambeyntiina uu bulshadii Soomaaliyeed uu cuuryaamiyey, kana gaasiriyey maskaxdii, Diinta, Qaranimadii iyo Qowmiyadii dhaqanka wacan ku saleysneyd.

Habkii ay madaxda Soomaalidu ku soo bixi jireen( waa habka casriga ah ee maanta)

Markii uu mujtamac sameysmo waxaa loo baahan yahay in ay helaan madax hogaamiya habkasta ha ku soo xusheene. Haddey bulsho sameysantey oo loo degey raxan raxan mid walba waxaa lagama maarmaan noqotey in ay ka dambeeyaan cid u talisa, mid hogaamisa ha noqoto ama kala agaasinta xaaladaha bulshada la soo kulanta. Sidoo kale kala dhowrta waxyeelada dhexdooda oo bulshada aadamiga ah la abuurantey. Haddaba madaxda Soomaalida ee waqtiyadaas fog jirey waxay ku soo bixi jireen qaabab kala duwan,marar badana leysorankaro isbedelo horumar bulsho ayaa ka jiri jirey,waxaana ka soo qaadaneeynaa labo hab oo kala ah:

1) Qof loo garto ama burhaan gooni ah lagu arko oo loo qaato in uu mucjiso la yimid oo si toos ah loogu ogolaado,isaga oo aan cidina la tartamin, ama dadkuba si xurmo leh ugu ogalaadaan in uu horjooge u noqdo. Waa qof haybad Rabaani ah lagu tixgeliyo oo tijaabo laga qaadey sida qof lagu ogaadey: In uu caadil yahay ama yahay qof lagu yaqaan deeqda, aftahamnimada, dulqaad, la tashiga dadka iyo dadwadida (fiiri, waxay la mid yihiin sifooyinka maanta lagu doorto aduunkaan casriga ah Madaxweynaha ama hogaamiye Qarameedyada). Ha yeeshee, ma badneyn arinkaan madaxda ku timaada,

2) Arinka labaad madaxda xulashadoodu waxay ku imaan jirtey tijaabo adag iyo doorasho rag la soo mariyo oo lagu kala xusho hab dhaqankooda, dad badana ka qeyb galo. Qaabkaan xulasho waxa uu u dhow yahay sida hadda loo doorto madaxda, ama loo kala xusho. Musharaxuna waxa uu isa soo sharaxayaa markii uu ogaado in dad badani raacsan yahay(waa habka casriga ah ee ay noo sheegaan in maanta wax lagu doorto,waa dimoqraadiyada aduunka maanta la dabagalay, balse Soomaali waxaa cad qarniyaal fog ineey isku xukumi jireen.

Markaan dhinaca kale ka eegno soomaaliya waxaa soo maray dowladdo iyo boqortooyo islaam ah kuwaas oo ku dhaqmayey habka federaalka ah ee aynu kor ku soo xusney,sidaas daraadeed waxaa la raaciyaa ama loo aaneeyaa in habkaan federaalka ee talo wadaaga iyo nolol wadaaga ahi ka soo jeedo dhinaca Islaamka. Waa dhaqan la soo waaridey baanu niraahnaa oo Diin ku nisbeysan. Dowladahii islaamka ee geeska Africasoo maray waxaa ugu caansanaa: dowladii IFAD, JABARTIYA, CADAL IYO HARAR.  Afartan imaarad waxaa ka dhexeeyey xiriir Federaal ah oo wax-wadaqabsi, waxaana hadba saldhig ama magaalo madax u ahayd hal magaalo. Buugagta  qaarkood waxay qoraan in dowlada Ifad, cabirka dhulkoodu yahay 57 darajo oo dherer ah, iyo 8 darajo oo balac ah; waxaa kaloo qiyaas cabir ah ka bixiyey Sheekh Cabdullaahi Seylici, wuxuuna ku sheegay in dhereka dowladda Ifad yahay 25 maalin-socod, balacuna yahay 20 maalin-socod. Maalin socodka soomaalidu waxay ku qiyaastaa 45 Km, marka loo bedelo km waa: dhererka 25X45=1125Km, balacana waa 20X45=900Km.

SIDEE TOLKA HAB-FEDERAALKA KU DHISANI ULA JAANQAAADI KARAA HABKA CASRIGA AH EE MAAMUL-DOWLADEEDKA FEDERAALKA DUNIDA KA DHISAN MAANTA?

Waxaa hubaal ah in dunida horumartey aynu ka harney mudadda kor u dhaaftey 22-ka sanadood. Soomaali  waxay doonayaan in maanta isku maamulaan habka Federaalka ah si ay ku socodsiiyaan hanaankooda dowladnimo ee ay haystaan, waxaase haboon in ay is-akhrido Soomaalidu halka ay taagan tahay. Waa arin wanaagsan ineynu maskaxda ku hayno sidii aynu u dhaqan gelin lahayn habkaan federaalka ah oo ay Soomaalidii hore kusoo dhaqmi jireen. Si hadaba taasi ay hanaqaad u noqoto waxaynu u baahan nahay in aynu qoraaladdii iyo hababkii loo suurta-gelin jirey arimahaan la akhriyo ama la baaro sooyaalkeenii taariikheed ee dhawrsanaa.

Dad badan oo Soomaali ah waxay shaki badan ka qabaan taariikhda umaddooda, ka dib markii ay ka waayeen qoraaladaan faraha badan oo xilliyadaan dambe la qorey. Qolo walibana dalkeeda iyo taariikhda umadooda mid dhow iyo mid fogba lagu wada xardhey buugagta kala duwan  ee daafaha aduunka ku baahsan. Taariikhdaas oo loo habeeyey shacbiga dalalkaas ku nool asalkiisa iyo faraciisa, dhaqankiisa, diintiisa iyo qoowmiyadiisaba oo laysku xirey xaaladihiisa; laguna sameeyo daraasaad fog, dhexe iyo mid dhowba ayaa diiwaan looga dhigey iyo raad-raac taariikheedba. Dhab ahaan,  taariikhdu waa waxa ugu darran oo leyska dhaco, cid walibana ay urursato wixii ay heli karto iyo waxay haaban kartaba. Bulshadii ama qoladii dagnaanna lagu helana waaba laga boobayaa hadii mar qoraalka taariikhda lagaala hormaranakamataba tegi kartid oo waa tii ay Soomaalidu tiri: “ BEEN FAKATEY RUNI MA GAARTO”.  Hadaba si kasta ha u muuqatee umadda Soomaaliyeed waa umad ilaahey ku beery geeska Afrikadabari,waxayna leedahay taariikho aad u fac weyn. Waa dhulkii loo yaqiin Uduga ama buunti. Waa kuwii ay qoysaska faraaciiniyiinta ee reer masar awoowayaashood ay ku tilmaami jireen dhulkii la magac baxay uduga. Lama inkiri karo in aan xadaarad qoto fog laheyn oo aan xiriir saaxibtinimo la laheyn xadaaradihii hore sidii tii Baabiliyiinta, Soomaariyiinta, kancaaninyiinta, Ashuuriyiinta, Furus iyo Giriigii hore.

Hadaba waxaa haboon in lagu dabakho ama lays-waafajiyo Federaalka dowladnimo ee maanta aan haysano iyo Federaalka dhaqanka Soomaalidu ay lahayd. Haddii la helo xeer dhaqankeenii hore, xeerka islaamka iyo waxyaabaha danteenu ku jirto ee federaalka aduunku ku dhaqmo waxaanu heli doonaa maxsuul dan uwada ah umadda Soomaaliyeed ee midba haadu dhinac ula baxsatey. Waxaan ku yare hakaneeynaa bal tixdaan yare ee taariikhdeena laga yiri:

MA BEDELANTO TAARIIKH, IN AAD BI’ISO MOOYAANE.

HADII AAD BARGOOYSANA, IN AY BAYRTO HA U FILINEE.

BOG HADDAAD ROGTOBA BAAL KALEY, KAAGA SOO BIXINE.

GABO-GABO

Umadda Soomaaliyeed waxaa ku dhacay dhibaatooyin burburku keeney oo farabadan sida dowlad la’aan muddo dheer ragaadsatey, hogaamiyayaal awoodi waayey in ay dalka iyo dadkooda samata-bixiyaan iyaga oo talo saarsanaya Eebahooda awooda badan. Muga, haddii leys waafajiyo dowladnimadda Federaalka ku dhisan iyo dhaqankeena suuban ee Federaal iyo wax wadaaga ku saleeysan waxaan guul ka gaari karnaa in ay noo sal dhigato dowlad cadaalad ku dhisan oo dadkeeda badbaadisa. Ha yeeshee,  waxaa haboon in loo noqdo taariikhda iyo dhaqankeena oo marjac oo xuddun dawladnimo xambaarsan; si wixii wanaagsana looga qaato, wixii xunna laga tago. Arrinkan oo lagu saleynayo diinteena xaniifka ah.

Waxaan qoraalkeeyga ku soo gabagabeeynayaa tixo ku aadan jaran-jaradda Federaalka ee Soomaalidu ku dhaqanto qeybo ka mid ah:

Jees—jees nin dhaqaa jifi dhiqi kara

Duddo—anoon diririn waa ridi karaa,daqarro waaweeyne.

Dudda nabadda waan geli karaa,dab iyo baaruude,

Dadka eebaheey caabudkiis yaan isaga daayey

Tis ama ood—tis is jecel dan kala tuurtey oo tigimaduu qaadey,

waa tows aduun maalinteey ,kala tasoobaanne.

Hadeey kala toloobaanna waw,tag iyo leeleele.

Degsiimo—nin degsiimadiisii tagtoo,daalan baan ahaye.

Dalanbaabigeeygey luguhu ila debcaayaane.

Beel—hadii aaney sidii beelo raran, xaruntu soo buuxin;

Ama aaney xaqeey naga buleen bixinin oo keenin.

Ama aaaney bengaal iyo hindiyo, beled kaluu dhoofin.

Waxaa qormadan soo diyaariyey: Ahmed Y. Mahamoud–-Najib2003@hotmail.co.uk

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    There is no a Federal State, it is the continuation of the problems.

    When ever foreign Africans come to somalia, they bring with them further disintegration of the somalis themselves.

    Mogadishu is occupied by foreign forces, bringing with diseases that difficult to cure.

    Somalis themselves do not come to term to resolve the real issues that made somalia to disappear in different ways.

    I do not nelieve that there will be a real Somali Federal State. What it will create is to allow those who control Sounthern Somalia to get money from International donners and arm themselves then carry on Somali problem as usual.

    United Sates of Somalia will be better, as every state will contol it own state in addition to central Government which represent all the states.

    We do not know money received in the name of Federal somalia will go.

    We do not know what si going to happen.

    We are seeing African forces coming to Somalia. Who authorised them.

    Spomalia ha smore expertise in every where then why invitation of African Police forces for example.

    What it seem is that those you call somali leaders are killing our people and bringing our somali people down.

    W.Kh.

Leave a Reply