Somalia oo ka qayb galeysa tartanka Olombikada ee ka dhici doona magaalada London
July 18, 2012 // Sports, Warar SomaaliLaba cayaartooy oo kaliya ayaa sanadkan u metelaya dalka burbursan ee Somalia ciyaaraha Olombikada London kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.
Wiilka lagu magacaabo Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka gabadha Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.Labada dhalinyarada ah ee u metelaya Soomaaliyeed olombigga midkoodna ma soo gelin is reeb reeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy lasoo dirsan karo.
Cabdi Bile Cabdi oo horay ugu guuleystay billadda dahabka ee 1500m ayaa isagana London soo gaaray maalinimadii Isniinta si uu u dhiirigeliyo tar-tamayaasha Soomaliyeed.
Lama saadaalin karo heerka Somalia ay kageli doonta orodadan, balse rajo mug leh lagama qabo in guulo wax ku ool ah laga soo hoyn karo tartamadan, maadaama dalka Somalia uu burbursan yahay ayna u sii dheertahay imkaaniyaadkii Spoortina guud ahaanba kama jiro dalka Somalia.
Puntland News-24



GUUL AYAAN IDIIN RAJEYNAAYAA IYO SHARAF.
Mansha allah walalayal aad ban ugu faraxsanahay darajadan aad higsanaysan wana nasiib in ay sura gashay anago dawlad la.aan ahayn 21years guul ban idin rajayn muhim ma ahan in wax walba lagu gulaysto wadamo badan oo wa wayn ba waya marka muhimku wa isku dayga iyo ka qayb qadashada african badan ban ka qayb galin marka wa qiima wayn calankas ka muqanaya iyo mataladad dalkina ma talaysan… good luck guys and thank you
Olympic uk 2012