Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle oo xalay ku dagaalamay deegaanka Sool joogto

July 25, 2012   //   Warar Somaali

Dagaal xoogan ayaa xalay ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka meel lagu magacaabo Sool Joogto oo qiyaastii 30-km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Maamulka Khaatumo ayaa sheegay dagaalka inay iyagu qaadeen markii hore, waxaa ay sheegeen inay beegsadeen saldhigyo ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin deegaanka Sool joogto.

C/raxmaan Maxamed Axmed oo ah masuulka Khaatumo u qaabilsan gobolka Cayn ayaa sheegay weerarka inay qaadeen, laba gaari tikniko ah inay ka gubeen Somaliland labaataneeyo askarina ay waxyeelo gaarsiiyeen walina ay wadaan ogaanshiyaha qasaaraha dhabta ee dagaalka ka dhashay, isagoo sheegay dhankooda wax qasaare ah uusan soo gaarin.

Dagaalkii xalay ayaa kusoo beegmay xilli xalay xilka madaxwaynaha Khaatumo ee meertada ah uu la wareegay Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel, isagoona kala wareegay Axmed Cilmi Cismaan “karaash” oo lixdii bilood ee ugu dambeeysay madaxwaynaha Khaatumo ahaa, madaxwaynayaasha Khaatumo ayaa midkii uu xilka hayaa lix bilood, kadibna waxaa xilka uu ku wareejiyaa kuxigeenkiisa.

Somaliland ayaan iyaduna dhankeeda wali wax war ah kasoo saarin dagaalkii xalay oo ah kii ugu horeeyay ee bishan barakaysan ee Ramadaanka dhexmara ciidamada Somaliland.

Puntland-News24

Garowe

 

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Sax sida weye. Dhulbahante dantoda mayaqanan ee wa dad fadlan lacak ku shubo ah oo faroole iyo dadkale kadaba oradayaan war dantina wa somaliland ood racdaan hadikale xabad aya intaqano sool iyo saang wa dhul somaliland oo english ka u saxixay aderaal marka dhuul masocde ninkisa socdo adinku taga lkn dhulkas wa dhul somaliland mana gaikaroo xabad. Wanagii didene balayada hoyaaa dhulbahantoow iyo rer dhabayaco isasoracaa all

  2. Gacaliye says:

    @ garoowe,
    kaalay qofkaaga garoowe la baxay, adiga ma waxaa ku soo kireystey Somalidiidka silicland la baxday, warma ina Faroole oo reer abtigi u hiilinayaad tahay, KKKKKKKK?

  3. garoowe says:

    Dalka jamhuuriyada somaliland waa dal ka mida dalalka geeska africa iyo ururka igad waana dal leh calan dastuur lacag ciidan bir ah barlaman guurti samo ka talis ah markaa waa inay walaalaha reer buuhoodle gartaan horu marka lala rabo jaamacad bay u baahan tahay dugsi sare uma bahna inan shaadh kala qalooca xidha oo faro taag taag iyo ina libaax sanka taabte mustaqbal mooda halkay qoriga dagta ku sitaan ku qaata buugaag iayo aqoon daaya shidada dalkiina somaliland daacad u noqda ramadaan kariim.

Leave a Reply