Somaliland oo ka baxday fariisimihii ay ka joogeen gobolka Cayn ,maxaabiisna siidaaysay (Sawiro)
August 13, 2012 // Warar SomaaliCiidamadii maamulka Somaliland ee in dhowaalle joogay deegaanada Maygaagle iyo Sooljoogto ee gobolka Cayn ayaa si guud isaga baxay deegaanadaasi oo ay joogeen tan iyo markii uu biloowday dagaalkii dhexmaray ciidamada Somaliland iyo shacabka magaalada Buuhoodle.
Talaabadan waxaa ay ka dambaysay kadib markii heshiis uu dhexmaray hogaamiyihii hore ee SSC Dr Saleebaan Axmed Ciise Xaglatoosiye iyo masuuliyiinta maamulka Somaliland.
Heshiiska dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ka mid ahaa ka bixitaanka deegaanada ay ciidamada Somaliland xoogga ku joogeen ee dhulalka u dhow magaalada Buuhoodle iyo siidaynta maxaabiis dagaal oo ay Somaliland ka qabsatay shacabkii ay la dagaashay ee reer Buuhoodle.
Waxgaradka Buuhoodle oo shalay siweyn ugu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle saleebaan Axmed Ciise Xaglatoosiye iyo maxaabiista Somaliland ay haysay oo soo gaaray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Dr xaglatoosiye ayaa saxaafadda ugu sheegay Buuhoodle in loo baahanyahay nabadda in laga shaqeeyo, islamarkaana laga fogaado waxkastoo dhibaato ku keeni kara nabadgalyada ka jirta gobolka Cayn.
Puntland-News24













Wa. Somaliland ine dugtoa aye aheet mar. Hadi ay lesay darodki ine medkoda asturto aye aheet wayo muslinimo le ka dhaxeso awala walal jirinee san in darood logalo maheen wa laiska asi lahaaaa
awalba dhulbahante dad ma ahayn ,igawad , waligood wax garanmayaan ,ma mantay somaliland agab badeen ,
dhul bahan tow somaliland iska raaca kuwaasaa idin uran oo bilaashuruud maxaabiis tii kusoo daysay barina madax wayne ayaa laydin siinaykkkkkkkkk
soomaali dagaal dani uuguma jirto waana arin wanaagsan oo baajin karta dhiig muslima oo bilaa macne loodaadsho ,waxaase aan leeyahay beelaha dhulbahante inay nabaddooda ilaashadaan oo kalaqeeybsanaanta iska dhaafaan…scww
waan fahmi waynay reer buuhoodle khatumo ma ka tansuleen waa maxay ssc , war heedhee horta belwynta dhulbhante ee an tolkanahay waxaan kula talinyaa inay xagla toosiye iyo cali khaliifba aanay raacin sababtoo ah labduba waa danystayaal , raba inay dhigiina kursi ku helaan ee cuqaasha walyeelka ah raaca ee dadkiina ka naxaya sidaa caqil camay iyo kuwa kale nabad iyo barwqqana wa idiin rajynynaa
waa arrin lagu farxo in soomaalidu barato awooda iyo wax ku qaybsiga wada hadahalada, dagaal wiil uun baa ku dhinta, waan u hambalyeynayaa indheergaradka labada dhinac ee arrintaan gacanta kageestay.
Reer buuhodle sidaan baa dantu ugu jirtaa marka dagaalna waa mujiyeen oo weyna isdifaaceen nabadna haday timaado waa geesinimo kale marka kuwaan khatumo isku sheegaya waa af kanool dhulbahante dan umawadaan nabadna makeeni karaan colaadna waxba kuma tarikaraan marka reer buhoodloow mustaqbalkiina katashada dadka wanaaga idiin wada raaca Guul baan idiin rajeeyay