Soomaali tahriib ah oo xeebaha dalka Talyaaniga laga badbaadiyay[Dhagayso]
July 29, 2012 // Warar SomaaliCiidamada badda ee dalalka Talyaaniga iyo Libya ayaa si wadajir ah u badbaadiyay 90-ruux oo badankooda u dhashay dalka Soomaaliya kadib markii doonidii ay lasocdeen ay soo wajaday cillad farsamo iyadoo maraysay xeebaha mediterian-ka ee u dhaxeeysa dalalka Talyaaniga iyo Libya.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Libya C/qani Maxamed Wacays ayaa u sheegay saxaafadda dadkan lasoo badbaadiyay in lasoo gaarsiiyay xabsi ku yaalla magaalada Misrata ee dalka Libya.
Waxaa uu sheegay dadkan inay markii hore ay qaylo dhaan gaarsiiyeen ciidamada xeebaha ee Talyaaniga, iyagoo ka dalbaday inay noloshooda soo badbaadiyaan.
Dhagayso waraysiga safiirka Libya



300 boqol oo ciisa maxamuuda ayaa garoowe ka tah riibay faroole cabaad buu ku dhuftay intuu bbc tegay imisaa boosaaso laga tahriibayay weligii mahadal war ninku qabyaalad badanaa