Soomaaliya Federal ma noqon kartaa iyadoo aan la fahamsaneyn macanaha dawladnimo ?
February 19, 2013 // Opinion, Warar SomaaliWalaalayaal waxaan jeclahay marka hore inaan in yar oo kooban qeexid ku samayo macnaha dawladnimo ka hor intaanan u guda gelin jawaabta su’aasha,waayo waxey iila muuqataa ama aan u arkaa inaan jawaabta u dhigi karno HAAAA amaMAYA.
Qofka bani’aadamka ah ama muwaadinka ah haddaanu macnaha dawladnimo aqoon wanaagsan u lahayn ma fahmi karo kuma dhaqmi karo waxa loo yaqaan FEDERAL, balse aan qeexno waa maxay dawladnimo ?.
Dawlad.
Waa koox dad ah,bulsho ama qowmiyad isu tagtay waxna isku darsady oo dhistey xukuumad leh siyaasad mideysan,Dastuur iyo kala dambeyn oo madax bannaani buuxda iyo awood ilaalineed leh isla markaasna leh soohdimo cayiman lana adkeyey xuduudaheeda laguna soo xadgudbi karin.
Qaybaha dawladaha.
1-Dawlad Islaami ah (Islamic state).
2-Dimoqraadi (Democracy).
3-Jamhuuriyad (Rebuplic).
4-Boqortooyo (Monarchy).
5-Keli Talis (Dictatorship).
6-Dabaqad keligeed xukunka haysata (Aristocracy). sida tan Saudi Arabia.
Intaa haddaan ku dhaafno qaybaha ay u kala baxaan dawladuhu, waxaa is weydiin mudan waa tuma awladdii ugu horreysey caalamka aan ku dul noolahay?
Dawladdii la dhisay ee adduunka ugu horreysey oo si nidaamsan u hirgashay una baahday waxey dawladdi Islaamiga ahayd ee uu la yimid Nebigeennii Suubanaa MUXAMAD (scwaws) kalana yimid xag ALLE dastuurkeeduna yahay kitaabkaQURAANKA kariimka ah ama dastuurka samaawiga ah,uuna ku sii fasiray sunnihii u kala qaybsanaa Ficil,Oraah iyo qoondeyn, isla markaana fulinteeda iska lahaa MUXAMAD (scwaws) iyo asxaabtiisii wanaagsanayd.
Intaa ka dib adduun weynaha ayaa qaatay nidaamkaa dawladnimo iyadoo qowmiyad waliba ay ku saleysatay dhaqamadooda iyo caadooyinkood lagana leexday habkii Islamiga ahaa ee toosnaa. dawladahaas dambe waxey kala qaateen kuwa aan kor ku soo sheegnay sida dimoqraadiyad,jamhuuriyad,coqortooyo……..
Waxaan filayaa in aan inyar hadda ka fahamsanahay macnaha dawladnimo maxaanse ku fasiri karnaa macnaha FEDERAL ?
Federal.
Waa dawlado yar yar ama waaweyn oo iyaguna isu tegey waxna isku darsaday iyagoo wadaaga: Dastuur keliya,barlamaan,madaxweyne ama ra’iisul wasaare,garsoor iyo hal magaalo madax.
Dawladahaas isu tegey oo wax isu darsaday waxey mid waliba gaar ahanteeda u leedahay Dastuur,Barrlamaan,Madaxweyne ama governor iyo magaalo madax u goonni ah. Dawladda Islaamiga ahi kuma dhaqanto Federal, dawladaha ugu horreyey caalamka oo federal dhistay waxaa ka mid ah Australia, USA iyo Swizerland.
Gabagabo.
Akhristow halkaan uga dan lahaa waa Soomaaliyada maanta sidee Federal u qaadan kartaa ? Tusaale ahaan haddaan Soomaaliya ka dhigno Lix Dawladoo (6 states) Somaliland,Puntland, gobolada dhexe,Caasimad Xamar,Koonfur galbeed iyo Jubbaland aanna u jeedno in maamuladaas intooda badan ay yihiin maamullo qabiil ku dhisan ma qaadan karnaa Federal jawaabta hore waxaan oraneynaa MAYA MAYA MAYA waayo kuma dhisna sharciyadda
Federalismka, hase yeeshee haddaan Soomaliya maanta iyo sida wax u jiraan eegno waxaan ku jawabi karnaa HAAAAAAAAAAAAAAAAA... waayo tan qura ee lagu kala badbaadi karo waa Federal (Shadow Federal) haddii ALLE idmo waa loo gudi doonaa federal ama dawad dhexe oo goboleysi ah (regional states).
Qoraaga maqaalkan waa: Omar Nur Osman (Cidlowcarar)



Puntlander anigu waxaan ahay nin Garowe asal ahaan kasoo jeeda laakiinse Somali badan oo waliba u sii badan Warsangali iyo Dhulbahante qurbaha kula koray. Waxaan aad beesha aan kasoo jeedo oo layaabaa indha adayga ay leeyihiin marka ay Hawiye caayaan, waayo lahjadoodi baan ku hadlaysaan waana ku caayeysaan. Bal hadda Puntlander wuxuu yidhi ” … isku mid maahan?” Ereyga “maahan” waxaa iska asal ahaan iska leh Hawiye. Waxaa kaloo jira ereyada sida “jidhaa” iyo “jidho” iwm oo iyaguna asal ahaan kasoo jeeda mudug iyo Hawiye. Ciil baa iga qabta Majeerteen marka uu ku hadlo lahjad uusan lahayn misna dadka uu lahjadaa la wadaago (Hawiye) sii yaso. Maxaa Majeerteenka u diiday inay tolkood oo ay isku deegaankana yihiin sida Dhulbahante, Warsangali, Geri Koombe iyo Ogaadeenba? Aniga oo asal ahaan kasoo jeeda Garowe ayaan haddana ka wiswisaa lahjada dad kale iska leeyahay ee Majeerteenku ku hadlo. War iska daaya waxaan aad “maahan” guraysaan waayo afsoomaaliga saxda ah waxaa weeyaan “maaha”. Sidoo kale iska xoreeya ereyadan fara badan sida “niin” iyo “jidho” iyo waxaydinaan asal iyo isirba u lahayn. Lahjada saxda ah ee walaaliihina aa is dhex degantihiin ee Dhulbahante iyo Warsangali ku hadlaa billaahi calaykum!
kkkk war kaas muxu ahaa war jubbaland iyo puntland maxay kala yihiin soo isku dad maahan see wax u aragtaa mise HAWIYE ayaa tahay tuug tuug dhalay waa HAWIYE daba madoobe adeer raali ahow rer puntland cidna uma baahna konfurta ayaa u baahan dhulka puntland oo dhan waa wada shidaal barri isaga ayaa la isugu soo harayaaa
Su’aasha cinwaanku waxay midha dhal ahaan lahay haduu ubadalo cinwaanka ”DOWLAD HAWIYE KU JIRO SOMALIA DOWLAD MA U NOQON KARTAA” 20 kii shir ee dib u heshiisiinta ahaa midna la iskuma qabanin sideen isu maamulnaa ama qaab-maamuledkee inooroon. Dowlad kasta oo lasoo dhiso HAWIYE ACTION GROUP( alshabaab,USC, XISBULISLAAM, xaad, indhacade,budhcad badee, ilkayar-hiraab, hogaamiye-kooxeed, qaatiliin, isbaarolaystayaal) ayaa kawada hoos kacayay una diiday inay taayir rogto.
Dhibkii ay kusoo hayeen dowladihii lasamayn jiray ayay maantana ku jayaan ismaamul goboleedka jubbaland iyo kismaayo una qoonsanayaa “maxaad alshabaab isooga xorayseen”.
Federalism waxaa ku heshiiya dad dowlad haysta, lakin dal dagaal aafeeyay waxay ku heshiin karaan uun “(NABAD MAKU WADA NOOLAANAA)) finish and clear.
Kolay hadi. Federal la qato rer puntand ba ugu daran wayo dhuulkodu wa lamadagaan wana dhul aaf ah oo dhagax ah oo kuleelkisu sereyo oo wax sosaar iyo bero lahayn marka rer puntland adinka lee udaran taas ogada wlh wadna ka shalayi dontaan shidalki ad kufanijirtena la waaa marka konfur aya dani ugu jirta federaalka kabilow kismayo ila xamar wabiya sa isu mara marka ila badlaweyn. Wabiya sa isu mara. Marka. Federalku waxa ku barwaqo galayo wa rer juba iyo rer shabeloyinka rer banaadir rer hiiraaan iyo rer galgaduud oo shidaaal ka buxo dhulkodu marka tas ogada