Soomaaliya oo heshiis la gashay Turkiga
December 7, 2012 // Warar SomaaliDowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis dhinaca ammaanka ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalka Turkiga ayaa heshiiska la galay dowladda Turkiga sida uu warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh.
Safiirku waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo waxa uu ku saabsan yahay heshiiska oo ku tilmaamay mid militeri.
Safiirku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu shalay la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Madaxweyne Cabdalla Gul, maantana uu la kulmay Raiisul Wasaaraha Recep Tayyip Erdogon.
Danjire Maxamed Mursal, Waxa uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka taageerada samafal u fidiyay Soomaaliya markii abaaruhu ka dhaceen dalka sanadkii hore.
Dowladda Turkigu waxa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho ee ugu ballaaran u fidiya ardeyda Soomaaliyeed.
Ilaa 1600 ardey Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan oo wax ka barta dalka Turkiga, sida uu sheegay Safiirka.




Dam ama Dulmi Jidiid wixii doonaa ha la dhahee, wax ay soo kordhinayaan ma jirto. Wax Madaxweyne la dhaho ma jirto, sababta oo ah Nin ku jira Taanki Ugandhees oo aan si xor ah ku mari karin Magaalada Xamar, laguma sheegi karo Madaxweyne. Turkiga si indho laáan ah ayey u wajaheysaa Arrimaha Somalia, waar Somalia waa kala go´goán tahay , Somali Land waa Dowlad, Punt Land waa Dowlad, Jubba Land waa Dowlad, Xagee ayuu xukumaa Dam Jadiid ? Ama Dulmi Jidiid ? Jawaabta waa Meelna
heshiis turkey ee xasan baraf waa kii pheonix iyo shariif xasan maxaa horumar oo laga arki karaa tuute iyo qoryo w/weyn maahee qarax oo siyaada iyo iyagoo mudo dheer ku fahmi kara xaalada somalia. saasay ila tahay.
Heshiiska Aay ka Saxiix-deen Daawladda Soomaaliya iyo Daawladda Turkiga,Waa wax lagu Farxo,Waana Inaan Uga Faa’iiday-sana sida Ugu Haboon,Waxaana Alle Ka Baryayaa In Ummadda Soomaaliyeed Uu Isu soo dumo Quluubtooda,Aayna Noqdaan kuwo ku Kalsoonaada Daawladdooda iyo Madaxdooda,Lagana Gudbo Qabiilka iyo is Qab-qabsiga Aan Dantu inoogu jirin,Loona Dumo Jidka Dibudhiska Dalka iyo Dibu Heshiisinta Shacibka walaalaha ah Loona Baahan yahay in qof walbo Muwaadina Uu Qaaybtiisa ka Qaato,Ee Aan Madaxda Uun wax walba Laga Sugin.