Suldaan Maxamed “Maamulka Puntland Waa Inuu Sida Ugu Dhakhso Badan Gacanta Ugu Soo dhigaa Dadkii Ka Danbeyey Dilka Suldaanka”
February 3, 2013 // Warar SomaaliSuldaan Maxamed Yuusuf Cabdi”Maamulka Puntland Waa Inuu Sida Ugu Dhakhso Badan Gacanta Ugu Soo dhigaa Dadkii Ka Danbeyey Dilka Suldaan Muuse Onkod”
Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi Ayaa Tacsi tiraanyo leh Waxa Uu U Diray ehelka Iyo qarabada Uu ka Geeriyoodey Suldaan ka Isagoona Ilahay uga Baryey Inuu Samir Iyo imaan ilahay ka Siiyo, Suldaan Muuse Farax muuse Ayaa shalay Kooxo Hubaysan Ku toogteen bartamaha magaalada Boosaaso,Iyadoona dadkii dilka Geystey Goobta Ka Baxsadeen.
Suldaan Maxamed oo Ku Sugan Dalka Austria Ayaa Sheegay Inuu Aqoon fican U leeyahay Suldaanka,waxana Sidoo Kale Uu Ugu baaqay Dadka Dilka Ka Danbeeya Inuu Mamaulka Puntland Sharciyada Horkeeno. Waxana Uu Intaasi Ku daray Inuu Dilkaasi Ahaa Mid Arxan daro Ah Hadii Ana Wax laga Qabana Keenaya Foodo inay ka bilaamato magaalada Boosaaso.
Dilkani Ayaa Ah Kii Ugu Horeyey Mudo Iyadoona Ilaa hada Jirin Cid ciidamada gobolka Bari U Soo qabteen dilkiisa.
Puntlandnews24




Suldaanka maleeshiyada faroole ayaa ka danbaysa,waxaa u sheegayaa kuwa u quba in maamul uu jiro,adeerayaal maamul waxaa ugu danbaysay 8/1/12 been yaaynan isu sheegin.
Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajacuun! Alle ha u naxariisto suldaan onkod janatul naciimna haka waraabiyo, Aamiin. Bacdal salaan waxaa foolxumo ah in suldaanka uu ku baxay gacan sokeeye oo aan xishoneeyn waxaana taasi eey ku tuseysaa in jahligu yahay wax laga duceeysto maalin walba wiil reer miyi ah ayaa waxa uu aano u dilayaa midkii dadka indhaha u ahaaa isaga oo ugu aar gudayaa reer miyi daaq iyo biyo isku laayay war ALLAAH halaga baqo oo dadka xumaanta wada wax haloo sheego halagala diriro jahliga si eey u fahmaan XAQA IYO XAQDARADA, Kii far dher noqdana hala gooyo isaga oo dilkiisa loo maraayo qaab sharciyeeysan oo waafaqsan shareecada islaamka. Waxaana xaqiiq ah oo alle jideeyay naftii naf disha in la dilo si loo kala amaan helo allena ma cafiyo kan daadiya dhiig xaqdaro ah.
Allaah waxan uga in uu suldaan janatul fardowsa ka waraabiyo dadki dilay iyo kuwii ku lug lahaan alle waxan ka baryaya inuu ka soo dhex saaro bulshada waxana dhalilayaa shacabka ku sugna meshi dilku ka dhcy waayo waxay ahyd meel aan dambiile ku fakan karin hadii aad saa u daawataan dadka dilka u geysanaya culumada,waxgaradka,siyaasiyiinta,dhaliyarda waxa dhcysa in aad wayno dadka dadka aan u jeclnahy oo aanan ka maarmin thnks
Anigu Baaqa Suldaanka Waxaan ku Xoojinyaa Gabay salaan carrabey labo reer oo Dagaal xun Dhexmaray ku Heshiiyey oo la dhoho
War talow Colka jooja
Caammadaan garanayne
Kol carruuro dhintaanoo
Cutub weyni idlaataa
Lays canaanan hadhow e
War tolow colka jooja
Nin carruur ah iyo maato
Calli reero la yaal
Oo is coofaaya golaa
Cararaaya hadhowna
Iyo nin colaad talinaaya
Oo caddaystaydinka buuxee
War tolow colka jooja!
Salaan Carrabeey
Suldaan Muuse Onkod Allaha Jannada ka waraabiyo.
Haddii aan laga dabo tegin arrintaas wixii ka dambeeyey, gacan ku dhiiglayaashana aan sharci la hor keeenin, Puntland waxay ku dambeyn doonta salaan iyo kala taga iyo maamul la’aan.