Suldaan Maxamed Yuusuf oo katacsiyadeeyey geerida Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor

February 1, 2013   //   Warar Somaali

Aun waxaa habeen hore ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee xarunta Kenya Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee sida wayn loo ixtiraamo.

Suldaan Maxamed Yusuf Cabdi

Suldaan Maxamed Yusuf Cabdi

Suldaanka ayaa loo caleemo saaray sanadkii 1991-kii kadib markii uu ka dhaxlay aabihii Suldaan Cali Sokor oo ahaa suldaanka beelaha Absame.

Marxuumka waxaa uu dhintay , xilli la doonayay in loo qaado wadanka Hindiya, inkastoo tii alle ay u timid.

Madaxwaynaha Puntland iyo waxgardka ayaa ka tacsiyadeeyey geerida suldaan Cabdi Suldaan Sokor.

Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid ah issimada gobolka Bari oo isagoo jooga Austri lasoo xiriiray Pn24 ayaa sheegay inuu eebbe ka rajaynayo marxuumka inuu janada ka waraabiyo, waxaana uu intaa ku daray shirar kale duwan oo dib uheshiineed oo Soomaaliya loo qabtay inay marxuumka ay isku barteen, uuna ahaa nin nabadda ka shaqeeya.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply