Suldaan Muuse Faarax Onkod oo aas qaran loogu sameeyey Bosaso+Sawiro & Cod

February 3, 2013   //   Warar Somaali

1Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod) oo shalay kooxo hubaysani ay ku dileen magaalada Bosaso ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey qabuuraha biyo kulule ee bariga magaalada Bosaso.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qaybgalay issimo, wasiiro, saraakiil ciidan iyo dad ka kala socday xaafadaha kale duwan magaalada Bosaso iyo gobolada Puntland.

Waxaana lagu dukuday marxuumka salaadii janaasada iyadoo ay soo camireen dad boqolaal gaaraya, intaasi kadib ayaa marxuumka lagu aasay qabrigii loogu talagalay.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah afhayeenka issimada Puntland oo hadlay aaska kadib ayaa sheegay inay cambaareynayaan dadkii dilay suldaanka.

Waxaa kale uu sheegay shacabka in looga baahanyahay inay nabadda ka shaqeeyaan, ayna ka warsugaan baaritaanada dowlada ay haatan waddo.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid issimada Puntland ayaa ka tacsiyadeeyey geerida suldaanka, waxaa uu tilmaamay suldaanka inuu ka dhexeeyey shacabka.

Dhagayso Ugaas Xasan

Play

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor oo ka mid ahaa dadkii aaska ka qaybgalay ayaa sheegay suldaanka inuu ahaa nin furfuran oo inbadan ku dadaali jiray nabadda.

Waxaa uu ku tilmaamay dilkaan inuu ahaa kii ugu xumaa ee kadhaca Puntland, waxaa qoyska suldaanka uu codsaday wax dhiig ah inaan lagu dirin dhiiga suldaanka.

Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay suldaan Muuse inay ahaayeen dad saaxiibo ah oo ay wada shaqeyeeyeen horay , hadana ay xiriir joogto ahi ay lahaayeen.

 

 

11

Dhagayso Gen. Cadde Muuse

Play

Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ahaa masuuliyiinta dowladda ee joogay aaska suldaanka ayaa waxaa uu u tacsiyadeeyey eheladii iyo qoyskii uu ka baxay.
3
Wasiirka ayaa sheegay in la hayo raadadka kuwii dilka gaystay, guriga ay joogaan iyo meeshii ay mareen.

Wasiirka ayaa xusay kooxaha dilka gaystay inaan laga hari doonin meel walba oo ay galaan Cumaan, Yemen iyo Imaaraatka Carabta.

Dhagayso hadalkii wasiirka

Play

13
1 5166714

2

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. will badhan says:

    allah ha unaxariisto janatul fardawsa hajeeyo
    umada reer puntland shacab iyo dawlad samir iyo
    iimaan haka siiyo kuwii dilay howgoodu waa jahanama waana xaqiiq qofkii qof muslim ah dila
    bilaa micne

  2. Somali Pure says:

    Zalaaan ,, Suldaanka Alahaa Jannadii Fardosa ka waraabiyo. Bashir sxb Qabiilo walaalo ah , oo wada Hubeysan oo haddana Hubka iyaga isku sita waxaa laga arkaa Magaalada Bosaaso, Ragga Dilay Suldaanka koley waa la hayb yaqaan, wax kale kuma ay diline, waxay ku dileen baan u maleynayaa Nabad Ka shaqeynta iyo wanaaga uu ka shaqeynayay. Marka Bosaaso Qabiilada deggen waa la is yaqaan, Walaal marka Laguna eedeyn karo Faroole walaa cid kale. Waxaa Jira mar kasta kuwa Fidno wadayaal ah, oo Qabiilka ku dhexdhuunta, oo ay qabiilkooda u yaqaanaan Al Xaaji iyo wax la mid ah. Marka Hadii uusan qabiilka iska qaban kuwa Fidnada ku wada Qabiilada kale ee walaalhood ah , marka waxay tageysaa , bal in la tuso cidda ay xabbadda biyaha uga daadaneyso. Ileen walaal i dáa , laysku deyn waaye. Hadii kale Gacan ku dhiiglayaasha Qabiilka ay ka dhasheen waa in ay soo qabtaan, oo La Toogtaa. Odey Qabiilna , qabiil kale kama aabe fiicna. Ragga waxa jira aan XUUMAAN waxan ahayn ka shaqeyn

  3. Mr Warabe says:

    Anigu Baaqa Suldaandiinta Waxaan ku Xoojinyaa Gabay salaan carrabey labo reer oo Dagaal xun Dhexmaray ku Heshiiyey oo la dhoho

    War talow Colka jooja

    Caammadaan garanayne
    Kol carruuro dhintaanoo
    Cutub weyni idlaataa
    Lays canaanan hadhow e
    War tolow colka jooja

    Nin carruur ah iyo maato
    Calli reero la yaal
    Oo is coofaaya golaa
    Cararaaya hadhowna
    Iyo nin colaad talinaaya
    Oo caddaystaydinka buuxee
    War tolow colka jooja!

    Salaan Carrabeey

  4. yaa rabi irxam cabdak . waqafara lahu

  5. Bashir says:

    Suldan Muuse Naxariista janno Allaha ka waraabiyo, Puntland in maanta Isimada lagu dilo waxaa ka masuul ah maamul fashil ah ee aan sugi kara nabadda . Goormaad fahmi doontaan Madaxweyne Faroole iyo maamuulkiisu dareenka iyo calool xummada Ummadda Puntland meesha aad gaarsiisee

  6. Fartun says:

    In Lillaahi wa inaa lillaahi rajucuun.
    Suldaan Muuse Onkod Jannada allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo imaan allaha ka siiyo.

    Taariikhdu waxay xus taa shar iyo khaayr qofwaliba wuxuu gaysto.Hadaba laga bilaabo
    sanadku markuu ahaa(2008)intaad damacsantahay in aad siijogto.ogoow in ay taariikhdu
    xusidoonto,intii ISIMO,XILDHIBAANO,NABADOONO, IYO SARAAKIIL,aad DISHA.

  7. haaboon karkar says:

    ina ilalahi waa inahi raajacuun ilahoow unaxariiso anagana nooga daba naxariso waxaa diishay gacan ka xaqdaran ee illahow soqabo oo soo iftiimi sida ugu dhaakhsaha baadan illahow jaanadi fardowsa fadhiigiisa ha yel amiin amiin amiin insha allah

Leave a Reply