Suldaan Yuusuf oo Socdaal nabadeed ku tegay Bari iyo Karkaar [Sawiro]

June 13, 2012   //   Warar Somaali

Suldaanka guud ee Beesha Biciidyahan Cali Saleebaan ayaa soo gaba gabeeyay socdaal nabadeed uu maalmahaan ku marayay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Bari.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax

Ujeedka Socdaalkiisa ayaa ku saabsanaa xoojinta nabadgalyada iyo sidii Beelo halkaas wada dega oo colaad hore u dhexmartay looga dhaadhicin lahaa in ay qaataan nabadda oo laga waantoobo colaada,waxkastana lagu dhameeyo wada hadal.

Meelaha uu socdaalka ku tegay waxaa kamid ahaa;

Dharjaale

Xumbays

Xiriiro

Caleemalay

Qodax

Iskushuban

Timirshe
Rakko raaxo

Wuxuu kula kulmay Odeyaal,Waxgarad,maamulada ka jira iyo qaybaha kale ee bulshada oo uu kala hadlay arrimaha Nabadaynta.

Ka sokow arrimaha xoojinta ama dhiiragelinta nabadda,Suldaanka ayaa u kuurgalayay adeegyada horumarineed ee degaanadaas.

Degaanka Timirshe ayuu ku dhagax dhigay Iskuul cusub oo ay dhigan doonaan ardayda taas oo ay si weyn usoo dhoweyeen bulshada.

Intuu ku jirey socdaalkiisa wuxuu kaloo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Badda Puntland ee jooga aaga degmada Iskushuban.

Dhamaan dadkii uu la kulmay ee isku jirey Waxgaradka,Odeyaasha iyo qaybaha kale bulshada ee degaanada uu kormeeray ayaa soo dhoweeyay baaqa uu ujeediyay Suldaanka oo ku saabsan in colaada laga fogaado oo wixii khilaaf ah lagu xaliyo qaab wada hadal ama gogol.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax ayaa bishii hore loo caleemo saaray Suldaanka guud ee Beesha Biciidyahan Cali Saleebaan,waxayna noqonaysa markii uu horeysay uu socdaal ku maro qaar kamid ah degmooyinka gobolka Bari.






















COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. wiil qodax says:

    wan soo dhawanaynaa suldaan ka 100/100

  2. carmoboy says:

    waan soo dhayanaynaa suldaan ka waana howl loo baahnaa in dad ka iyo deegaanada lasoo booqdo hadii aan nahay qurba joogta beelweynta cali saleebaan aad iyo aad ayaan ubogaadinaynaa suldaan ka dadaal ka uu wado
    well done

  3. wiil nugal says:

    masha’allah waan soo dhowaynayanaa suldaaanka yuusuf , siada wanaagsan ee uu shacabkiisa u soo kormeeray uga warqabo sida masuuliyadu kujirto ee iska saar shacabkiisa.
    waan in ay la tageero wanaaga,ugu damayntii puntland maanta wa ay u bahantahay wax qabad dhab ah iyo wadashaqayn ,

  4. WIIL XIRIIRO says:

    waa mahdasantihiin puntland24.com suldaanka waa sowdhoweynayaa booqashadiisa uukutagay dhulka beeshu degto bicidahan cali cumar cali ismaaciil cali beelo dhexdooda mataala lakiin an nabda ilaalino hanahay dadka reer gagaabeed

  5. waciye@hotmail.com says:

    suldhaaaaaan so dhowoow an ku lenahey wana muhim in isimada kala eoo guryahooda la fadiya saldanada ey uboqdaan dhalkoda iyo dhadkoda sida suldanka okale sido kale waxaan aad uso dhaweynaya shirkada SARCEN sida qimaha leh ey uga qeyb qadatey nabada iyo xasilonida puntland

  6. Puntlander says:

    Nabadda Puntland waxaa assaas u ah dhaqanka “geed hoostii” waa tan ay qayrkood kaga hor mareen oo dowladnimadooda bud-dhiga u ah.

Leave a Reply