Suxufiyiinta Caalamka Warqad u diray Madaxweyne Farole
October 16, 2012 // Warar SomaaliUrurka wariyeyaasha aan xuduuda laheyn ayaa qoraalkooda waxa ay kaga hadleen arimo badan oo la xiriira dhibaatooyinka Maamulka Puntland gaar ahaan laga soo bilaabo sanadkii 2009kii markii madaxweynaha loo doortay Faroole loo geystay Saxaafadda gobolka.
Qoraalka ayaa waxa ay kaga codsadeen Madaxweyne Faroole in uu tixgeliyo Saxaafadda xorta ah isla markaana uu ka dhaafo caburinta.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in 50 wariye ay isaga careern Puntland tan iyo sanadkii 2009 ka dib markii ay hanjabaado kala kulmeen Maamulka Madaxweyne Faroole.
Cabdiweli Xasan Gooni Xiriiriyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa u sheegay Ururka Wariyeyaasha aan xuduuda laheyn (Reports without border) ee degan dalka Faransiiska in saxaafadda Puntland ay la kulantay cadaadisa aad u weyn.
Halkan hoos ka akhriso qoraalka loo diray Madaxweyne Faroole.
http://en.rsf.org/somalia-open-letter-to-puntland-s-15-10-2012,43537.html



Runtii si degan oo macquul ah ayaad u qorteen waxaana rajeynaya in faroole codsigiina aqbalo Insha Allaah tan kale cabdwali Gooni walal adigiiba u doodaya saxaafadda keligaa ku aragnaa kuwii kale meeye mise way cabsanayaan waxaan oran lahaa ismuuja oo meesha iska qaada oo ku dayda wiilka dhalinyaradda ah ee aduunka xataa xiriirka la leh oo fahansan xuquuqda saxaafadda