Tababar loo xiray ciidamo Boolis ah

October 25, 2012   //   Warar Somaali

Saraakiil Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee AMIOSM ayaa maanta tababar ku saabsan arrimaha dambi baarista u soo xiray xubno ka tirsan ciidamada Booliska Sooamaaliyeed.

Tababarkaan oo socday mudo 12 maalmod ah ayaa ciidamada booliska Soomaliyeed lugu siiyay casharro ku saabsan baarista danbiyada ayadoo ay ka qeyb galeen 40 askari oo iskugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ka shaqeyn doona saldhigyada booliska ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyed General Shariif Sheekhuna Maye oo ka hadlay xeritaanka tababarka ayaa ku dheeraaday ujeedada laga leeyahay tababarrada noocaan iyo baahida loo qabo in tababar ceynkaan oo kale ah la sameeyo, isagoo ciidamada ugu baaqay in ay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay ka faa’iideysteen tababarka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska AMISOM General Jarles Makonda waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in booliska Soomaaliyeed gaar ahaan waaxyaha danbi baarista ay si wanaagsan u shaqeyaan.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply