Tacsi: Dr. Cabdiladiif Bilaal Cabdow Cali oo ku geeriyooday magaalada Qardho
December 31, 2011 // Announcement
Allaha u naxariistee waxaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Qardho Dr. Cabdiladiif Bilaal Cabdow Cali oo kamid ahaa macalimiintii mudada dheer ka howl-galayey degmada Qardho, wax weyna kasoo qabtay arrimaha la xiriira waxbarashada Gobolka.
TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. ABDILADIF BILAL CABDOO
Allaha u naxariistee Ustaad Abdiladif Bilal Wuxuu ku dhashay Qardho sanadkii 1948. Wuxuu ku qaatay barashada Quranka Kariimka ah degmada Qardho. Wuxuu ku biiray schoolkii masaarida eek u yaalay Bosaaso, dugsigii hoose iyo dhexena wuxuu ku qaatay Bosaaso oo ay gacanta ku haysay dawlada masar, kuna bixi jirey afka carabiga.
1966kii ayuu Ustaad Abdiladif (illaah Jano ha ku manaystee) ka qalinjebiyey dugsigii dhexe ee “Allahi” ee ku yaaley Bosaaso. 1969kii ayuu waxbarashada heerka dugsiga sare u aaday Mogadishu, wuxuuna isla sanadkaas ku biiray machadkii la oranjirey “Machadu Almucalimiin”. Wuxuu ka qalin jebiyey machadkaas 1972, wuxuuna ku biiray wasaaradii waxbarashada iyo barbaarinta oo uu noqday macalin dugsiga dhexe magaalada Gaalkacayo.
Abdiladif illaah janno ha geeyee wuxuu noqday macalin luuqada Arabiga iyo adabka , wuxuuna ku negaaday magaalada Gaalkacayo uu ka gaarey heer maamule dugsi dhexe.
Ustaad Abdiladiif wuxuu ku biiray kuliyadii Lafoole oo ahayd heer jaamicadeed sanadkii 1977/78, wuxuuna ka soo qalin jebiyey 1980. Isaga oo ahaa allaha u naxariistee nin saqaafo dheer u leh luuqada arabiga iyo adabka, ayaa waxaa qaadatay wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare. Laakiin Ustaad Abdiladif waa diidey in uu ku biiro wasaaradaas oo wuxuu yiri waxaan ku noqonayaa wasaaradaydii waxbarashada si aan u soo saaro ubad badan, oo wuxuu dalbaday in lagu celiyo goboladii uu ku dhashay.
Waxaa nalooku keenay ustaadka dugsigii sare ee “Sheikh Osman Omar Shabeel Qardho sanadkii 1981 halkaas oo ka noqday maamule dugsi sare.
Ustaad Abdiladif allaha u naxariistee wuxuu sare u qaaday heerkii waxbarasho ee gobolka Bari khaasatan dugsigii sare ee Qardho oo ahaa midka keliya ee k u yaaley gobolka. Wuxuu ahaa nin ardayda jecel iyaguna aad u jecelyihiin oo markasta ku booriya in ay wax bartaan. Waxaan jeclaan jirney in maamuluhu na siiyo xiisad extra ah ama noo soo galo fasalka markii xiisadu banaantahay. Wuxuu ustaadku ku xeeldheeraa saqaafadii carabtii hore iyo dhaqankoodii, Wuxuu aad uga sheekayn jirey shiciradoodii iyo qisooyinkii dhexmari jirey. Isagoo markasta jeclaa in uu dhiso ardayda heerkooda waxbarasho iyo aqooneed.
Ustaad Abdiladif wuxuu noqday gudoonka waxbarashada ee degmada Qardho, isaga oo gudoonka waxbarashada jooga ayaa burburkii dhacay, wuxuu dabadeed noqday gudoonka waxbarashada ee gobolka Karkaar Puntland oo magaalo madaxdiisu tahay Qardho. Ustaad Abdiladif illaah janno ha geeyee wuxuu u heelannaa markasta in uu sare u qaado ubadka waxbarashadooda, wuxuu aad uga muuqan jirey shirarka iyo wadatashiga waxbarashada gobolka iyo Puntland sanadadii danbe.
Illaah ha u naxariistee maalintii jimcaha ee bishu ahayd 30/12/2011 ayuu ku geeriyoodey magaalada Qardho jirro uu la ildarnaa in mudo ah. Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey afar caruur ah iyo hooyadood.
Illaah janaddii ha ka waraabiyo Ustaad Abdiladif, Hagi Bilaal Abdo, caruurta iyo xaaska, dhammaan reer Bilaal, asxaabtii, ardaydii iyo dhamaan shacabka reer Qardho samir allaha ka siiyo. Aaamiin, Aaamiin
W/d: Abdulkadir Ahmed Hashi
London, UK



innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, allaha u naxariisto ustaadka reerkii iyo carruurtuu ka tegeyna samir iyo iimaan allaha ka siiyo.
Waxaan ka tacsiyeynayaa reer Bilaal Cabdow
geeridii naxdinta lahayd ee ku timi walaaleheen Allaha u naxariistee Cabdiladiif Bilaal & aabihiis Bilaal Cabdow waxaana Ilaah uga baryayaa naxariistiisa in uu ka waraabsho samir & iimaanna ka siiyo reer Bilaal oo dhan & reer Qardhoba.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN .
Innaa lillaahi wa innaa eleyhi raajicuun, waxan Ilaahay uga baryayaa saaxiibkay Dr.Cabdiladiif inuu naxariistiisa gaarsiiyo janna firdosana ka waraabiyo, reer bilaalna samir iyo iimaan ka siiyo AAmiiin AAmiiin
innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan reer bilaal cabdow ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dr cabdiladiif bilaal isagana naxarriisti janno ha siiyo
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ka diraaya anagoo ah dhamaan ilma baane ,qabuul nadiifa c-mudalib coobe faarah c/qadir ..geerida marxuum c/latiif bilaal in allah sw naxariis badan ugu deeqo janadii fardosana geeyo reerkiisii iyo caruurtiisi iyo dhamaan reer bilaal iyo reer qardhood samir iyo iimaan inaga siiyo aamiin aamiin aamiin….
ilaah ha unaxariisto al’ustaad .almurabbi, janadiina haka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan ha inakasiiyo ,,,,,,
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun,haddaan nahay Ilma Khalid Yusuf waxaan tacsi gaarsiineynaa Ilma Bilal Cabdo oo aan leennahay marxuum Cabdiladiif Eebbe naxariis iyo Janno ha siiyo hooygiisana Fardowsa haka yeelo.Wuxuu ka dhintay reer Qardho oo idil,waayo carruur aan tira la heyn buu aflixiyeyey,marka tiiraanyada waa la wadaagnaa reer Bilaal,Ilaahey ha inaka samir siiyo dhamaanteen,AAMIIN.Mr Xaashi waa ku mahadsantahay taariikhdiisa oo aad dul martay.
Inaa lillaahi wa inaa illahi raajicuun:
Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan reer Billaal cabdoo Geerida naxdinta leh eekutimid MarxuumAbdiladiif Billaal Abdoo Cali Al Aqbari oo dhowaan kugeeriyooday Qardho.. Waxaan Illaah kabaryayaa inuu Marxuumka ku ogaado Janadii Fardowa Qabrigana illaah ufudeeyo. AMIIIN AMIIIN AMIIIN AMIIIN AMIIIN AMIIIN AMIIIN.
SAID MOHAMED BARE,ABSHIRO MOHAMED BARE,BURALE SAID MOHAMED BARE, OMAR MOHAMED BARE,OSMAN AFDINLE,MOHAMED A KHALID,MOHAMUD ALI GUUL,SAID ALI GUUL IYO ANIGOO AH ABDIAZIZ ALI QOOD OO KU HADLAYA GUUD AHAAN MAGACA REER ALI QOOD WAXAAN HALKA TACSI UGA DIREYNAA GEERIYIHII NAXDIMAHA LAHAA EE ALLAH HAW NAXARIISTEE BILAAL ABDOW IYO ABDILADIF BILAAL.
waxaan halkaan tacsi ka diraaya hibo m.xaaji adan iyo odaygeeda. sidoo kale anigoo ku hadlaaya dhamaan qoyska reer xaaji adan. waxaam ilaah uga baryayaa in dhamaan qoyskii iyo eheladii u ka geeriyooday c/ladiif bilal in uu samir iyo imaan ka siiyo waxaan sidoo kale tacdi u diryaa dhamaan dhalin yaradii u ahaa maamulaha dugsiga sare ee qardho xiliyaddi sideetamaadkii ilaa xiligii burburka kowaas oo aan ka mid ahayn waqtigaas.
wuxuu ahaa maamulihii noogu fiicanaa ee sanad dugsiyeedkaygii waqtigaa.
Inaa lilaah wa inaa illayhi raajucuun, illaah janatu fardowsa ha geeyo marxuumka, illahow u naxariiso, qabrigana u waasici, dr cabdilladiif wuxuu ka dhintay reer qardho oo dhan, si aan loo illaawon marxuumka waa in dugsiga sare ee shiikh cismaan cumar shabeel oo uu maamule iyo macalin ka ahaa ilaa 79-011 looga dhisaa taalo, waana in makhtabadaha iskuulka lagu qoraa magaca marxuunka,
Illaah ha u naxariisto samir iyo iimaana allaha ka siiyo reer billaal cabdo, asxaabtiisii iyo ehelkiisii gaar ahaan ummada reer qardho iyo ardadii uu wax soo baray oo dhan.
INAALILAAHI WA INAALILAAHI RAAJUCUUN waxaan halkan tacsi uga diraynaa geerida ku timi al mucalim ABDILADIIF BILAAL ABDOW oo runtii ahaa macalin aad iyo aad uqiimo badnaa dhamaana ay xasuusan karaan dadkii qordho waxkasoo bartay AALE HAW NAXARIISTO EHELADII IYO DHAMAN REER QARDHANA SAMIR IYO IIMAN ISAGANA JANATU FARDOWSA AAMIN YAA RABI.
INAALILAAHI WAA INAAILEYHI RAAJUCUUUN WAAN KA TACSIYEYNAYAA CABDILAADIIF BILAALL CABDOW TACSIDII KU TIMID DADKIISINA ILAAHEY SAMIR IYO IMAAN KA KA SIIYO
Inaa lilaahi wa inaa i laahi raa jucuun
waxaan halkan tacsi uga diraayaa dhamaan qoyska reer bilaal
ilaaheyna how naxariiso janatul fardawsana hawaraaniyo Dr C/ladiif Bilaal
aamiin,
dhamaan qoyska reer xaaji cali salaad xaaji xasan meel kasta ay dunida daafaheeda ka joogaan tacsi u dirayaan reer bilaal cabdoow cabdi geeridii naxdintii lahayd ku timi maclin cabdiladiif bilaal oo ku geeriyooday magaalada qardho ilaahayna waxaan uga baryaynaa jantul fardoowsa aamiin
Ina lilaahi wa inaa ilaahi rajicun waxaa halkaan tacsi kadiraaya Mohamed Ibrahim Awcali iyo Mohamed Cabdilaahi Aw Yusuf alaah samir iyo imaan haka siiyo dhamaanteen waxaa sidookale tacsi khas ah u diraay qoska aad yaay u mahadsanyihiin Puntlannews24 oo noo surtagaliyay inaan dirno tacsidaan thanks
inaa lilaahi wa inaa i laahi raa jucuun kuli nafsin daa iqatal moot… waa wax ina wada sugayaa dhamaan teen waxaan ilaah uga baryeeynaa walaal.. ama.. Dr.cabdiladif bilaal cabdow… ali inuu geeyo janatul firdoza dhamaan qaraa badii iyo dadkiisi oo dhan uu ka siiyo samir iyo iimaan… amiin amiin amiin…