Tala bixin ay soo Jeediyeen waxgaradka Puntland ee Australia:-kuna aaden xukuumada wakhtigeedu ku ekaa 8-Jan-2013
January 15, 2013 // Warar SomaaliWaxaan in badan ka soo jeedinnay dumar iyo ragba talo wax tar ah oo aan u soo jeedinnay bulshada, maamulka wakhtigiisu dhammaday, Odayaasha, Ciidamada iyo aqoonyahannada reer Puntaland, si sida ku habboon wax loogu saxo, dadkayaga iyo dalkayaga aan u badbaadsan lahayn loogana talin lahaa wanaagga, waxaanse dareemaynaa in sida loo wajahayo ay ka duwan tahay sidii xalku ku jiray, taasinaay nagu khasbtay in aan qoraal mar kale soo gudbinno.
Taariikhdu waa mid qormaysa oo aan cidina joojin Karin qofkastana waxa uu qabto shacabkiisa ayaa uga markaati furi doona, haddiise intaad wax yar qabato aad geysato dhib ka sii weyn dadku xaq bay u leeyihiin in ay yiraahdaan enough is enough intaas ka badan ma xamili karno, markay saas yiraahdaanna xaq bay u leeyihiin in ay isbeddel helaan ama waxa khaldan la saxo, taasi haddii ay san dhicin oo qofka wax saxaya loo arko in uu khaldan yahay waa nasiib darro haysata dadka u haysta in maamul saas lagu sii haysan karo waana khaldan yihiin.
Community micneheedu waa dad meel ku wada nool wada deggan hadba intii isku dan ah iyo intii isku aragti ka dhaxayso baana ku midooba, markaan soo gudbinaynno talo ama aan ayideenno mid cid fakraddayada ugama amar qaadanaynno, talada puntaland dadka u dhashay bay ka wada dhaxaysaa ama mucaarad ha ahaado ama mu’ayid ha ahaadee, haddaba dadka moodaaya in ay wax saxayaan oo taladu ka kala daadsan tahay waxaan u soo jeedinaynnaa, in ay puntalandi nooga wayntahay wax kasta, qofka qalad arrintaas u arkaay oo difaaca khaladkana waxaan u argnaa sabab uum baa ku kalifaysa in uu xaqa iska indhatiro, waxaase haboon in aan meel dhow wax laga fiirin ee aragtidu ay intaas ka fogaato.
Midda kale haddii aad isku daydo guri aan tiirar adag lahayn intaad dhisto in aad korka ka rarto ma sii waaro, yaan la dumin puntalandi sababaha ay ku dumi karto waxaa ka mid ah:
1.In Gobollo aan jirin la yiraahdo doorashaan u diyaarinaynnaa, bal ha la helo gobollada dastuurku xusay oo qaar maqanyihiin..
2.In Xisbiyo aan loo bislayn dadka lagu hoggaamiyo taasoo aan marnaba xaaladda lagu jiro aan ku haboonayn, sababta oo ah howl badan ayaa ka horreysa.
3.Dadka reer Puntaland qabiil bay ku habaysnaayeen, qolo walbana hubkeeda ayay haysataa, xurguf yer oo ka dhexdhacda ayaa intaas oo qof ku dhiman kartaa.
4.Tirada dadka lama yaqaan wakhti badan ayayna u baahantahay.
5.Aqoonsi qofka codka bixinaaya waa lagama maarmaan, mana jirto
- ·oo tira koobka ayey ku xiran tahay in la ogaado dadka ku nool puntland, oo codayn kara.
1.Cabashada dadka iyo caburinta si joogta ah ayaad uga maqashaan warbaahinta waddanka iyo tan caalamkaba ama dadka ku nool dalku ay ogyihiin, tusaale waxaa noogu filan maqaalka ku qoran raxanreeb hooyada carruurta saddexda ah haysata oo aan shaqayn ninkii u shaqaynaayeyna uu xiran yahay labada sano oo la yiri dambi laguma haysto haddana wali xiran, hooyadaasi haddii ay khaladka sheegto hadii loo arko in ay wax khaladay sow aakhiro iyo adduun ka dheeraansho maah, saas wax ma ku sixi karna, please be realistic.
1.Wararka is dhaaf dhaafsan oo ka imaanaaya Madaxweynihii hore oo ku saabsan dastuurkii iyo wakhtiga doorashadiisa oo marna leh waa Afar sano wakhtiga laygu doortay marna leh waa shan sano, waa arrin lala fajaco inqof mas’uul ihi yiraahdo hadal mid burinaayana yiraado marka ku xigta, waxa xilka loogu dhaarshaa qofka mas’uulka ah waa in uu run sheeg ahaado, xaqa raaco aaminna yahay, haddii qodobadaas mid ka mid ah uu jabsho mas’uulkaasi addunka dadkaa kula xisaabtamaya aakhirana Allaah subxaanalahu wa tacaalaa ayaa kula xisaabtamaaya.
1.Garoowe waa magaala madaxdii Puntaland State, ka celinta odayaasha xalka doonaayey iyo xirxiridood sow uma muuqanayso macneheedu in aan loo dhexeyn oo ay tahay degmo caadi ah sowse wax ma sii xumayn,
Marka waxaan talo ku soo jeedinaynna haddii wax khaldamaan si qoto dheer baa loo saxaa si ayan u soo noqon khaladku, xalse haddii loo arko guriga boosaaso ku yaal tiknikada hortaagan, waa khaladkii hore mid ka wayn.
Sidas aawgeed waxaan talo u soo jeedinaynaa Maamulka wakhtigu ka dhammaaday
Soomaaliye horay dagaal ugu soo gubatay mana doonaynno dagaal ee Cabdiraxmaan faroolow beddel la taliyayaashaada dadka aad talada ka qaadanayso ama weydiinayso waa kuwa wax ka khaldan yihiin, wakhtigii waa kuu dhamaaday ee sida laguu ixtiraamay oo dhowr maalmood lagaa warsugayo tix gali xukunkana dhexdhig ummaddu qofkay raalli ka yihiin ha doorteen.
Haddii walwel kaa hayo in cid wadi karta ay xilka ay adag tahay
War cad annagaa ku siinaynna oo ku leh, kuwo badan oo wax soo bartay khibrad leh
Imaan leh maamulyaqaan ah ayey leedahay puntaland habaar weeye hadaan niraano waa adagtaay marka saas ula soco, haddiise xaalku yahay ku arkay oo kaama dogo
Hortaa jirba waa, dad awood ilaahay siiyey ayey u suura gali weyday oo ku dambeeyey meel uu ka shallaayey, annagu taladeenna waa soo gudbinaynnaa qadashadeeda iyo diidmadedu aday kuu taallaa, annaguse gudannay waajibkii wadaniga ahaa.
Waxaan u soo jeednaynnaa dadka yar oo sida indha la’aanta ah u taageeraaya dowladda wakhtigedii dhamaaday oo aan arkeyn khaladka in ay isasaxaan oo ay arkaan dadka dhibaatadu ku haysato magaalooyinkii ay u dhasheen oo ku dulman,ku xiran oo iyaga oo awood u leh in ay iska rogaan dulmigaas ku xaqdhowraayey dowladnimada iyo iyagoo og dagaal faa’iido darridiisa sababta oo ah wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho.
Waxaan halkaan uga soo jedinaynaa hambalyo iyo bogaadin dadka qoraalada talada tusaalaha iyo murtidu ku dheehanthay intaas soo qoraaya, isla markaasna ka tala bixinaaya sida wax u khaldan yihiin iyo sida loo sixi karo, fakradda kaa maqan walaalkaa bay ku jirtaa ee ka faaiidaysta ayaan ku talinaynnaa dadkaas oo kala jooga waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba dareemikarana dhibka jira, waxaana sheegi doonta taariikhda qofwalba meeshuu ka istaago iyo sababtii ku kaliftay mowqifka uu istaagay.
Mucaaradka gudaha waxaan kula talinaynnaa in aad umaddaasi sidii ay dhibka uga badbaadilayd ay ka shaqeeyaan, waxculays u keeni kara ama sii kordhin kara xanuunkoodana ayan ku fakarin, ogaadaanna nabadda iyo midnimadu in ay wax kasta ka qaalisanthay, dadkuna yey noqon qorigii labada dhinac ka gubtay, waa dadkeennii iyo dalkeennii waxaad rabtaan in aad wax u qabataan marka wax kasta ka hormariya in xal saliim ah la raadsho.
Gabagabo.
Waxaa u rajaynaynna shacabka Puntaland ee Soomaaliyeed in Ilaahay
Ka ilaaliyo dhibka, wixii aan dantooda iyo nololwanaagooda aan rabinna Ilaahay ka badbaadiyo, xaqana Allaha tuso kuwa aan garanayn.
Odayaasha: Waxaan halkaan ka soo jeedinaynnaa hambalyo ku wajahan dhammaan dadka ra’yiga saliimka ah soo qoraaya, Odayaasha sida aan hagarta lahayn xalka u raadinaya oo aan ka caajiseyn iyo shacabka Dulqaadka badan ee reer puntaland oo aan leenahay Ilaahay idinku qadin mayo dulqaadkiinna wax garadna waa ka buuxaa shacabkeenna ee dulqaata raallina ahaada. Waxaan kale oo aan hanbalyo u direynaa Guduga Pabaadinta Puntland oo sida wacan isu habeeyey kana ay go antahay in ay Puntland badbaadiyaan
1.Cisman Bulhan Boqor Cisman
2.Abwaan Salaad Mahamed Hassan(Abwan Tintiin)
3.Dahir Mahdi Nur Islan(Dahir Ogaden)
4.Bashiir Shire Abdulle
5.Liban Macawisle
6.Ali Qaalib Saed
7.Mukhtaar faarax Ali Adde
8.Abdinaasir Abaas Nur
9.Haashi Xirsi Sa’id
10.Cabdulqaadir Diite
11.Abdirahmaan Mahamed Xirsi Gurac
12.Sadiq Cumar Xayd Dheere
13.Abdikarin Abdulqadir Kadiye
14.Cabdulqadir Faarax Baashane(Nabadonka Beesha Isxul ee CM)
15.Cumar Ahmed Islaweyn
16.Garaad Cabdirisaaq Cali Gurxan
17.Cabdulqaadir Mahamed Abdalle
18.Mahamed Xaaji Warsame
19.Faarah Abdi Faarax
20.Ali Ahmed Ali
21.Cabaas Ahmed Maxamud Ali
22.Ali Jaamac Ahmed
23.Khadar Abukar Xuseen
24.Cismaan Ahmed Mahamud
25.Abdixakiin Xaashi Faarax
26.Axmed Xaashi Faarax
27.Sahro Sheikh Mahamud
28.Shukri Ahmed Ali
29.Halimo Sheikh Mahamud ( Halimo Kaaraan)
30.Hooyo, Cadar Ahmed Muuse Cawl ( Maamo Cadar Odawaa)
31.Hawo Ahmed Jamac Buux
32.Sacdiya Cabdirisaq Sandheere
33.Shugri Cabdiqani
34.Luul Sheikh Mahamud
35.Safia Nur Hussein Horeeye
36.Luul Cabsi Ciise
37.Amina Hashi Farah Canbar
38.Ubax Hashi Farax Canbar
38.Sahro Hassan Tumey
39.Ardo Ahmed Nur
40.Halimo Hassan Hussein
41.Fadumo Jamac Gurac
42.Hawo Cumar Farah
43.Amina Xaashi Carab
44.Cabas Ahmed Islaweyn
45.Maryan Ahmed Mahamud Hassan
Australia









Faroole iyo maamulkiisa waxaa laga dhaxlay Musuq maasuq iyo cunsuriyad inta ka raacsana waa inta denbiga kula tirta waxaana imanaya wakhti lala xisaabtamayo,waayna haboontahay talabixinta Jaaliyadda Australia waxaana haboon in meel looga soo wada jeesto sidii loo tukhun tukhaayn lahaa Haraadiga faroole ee aan cagaha ku taagnaayn,weliba laba waxyaalood culayska la saaro,in xooga la saaro sidii beesha caalamku uga joojin lahaayd Mucaawimada inuu shicibka ku dhibaateeto iyo in jaaliyadda Australia xooga saarto inaay ku dacwayso isaga iyo wiilkiisu dhibka iyo tacadiyada aay ka gaaysteen Puntland,kuna wadaa inta haraadigu ka jilcaayo,reer latin america iyagu xooga hasaaren in safaaradda kenya waraaq u soo qoraan,U.N iyo interpec waa haawl wanaagsan waxaay wadaan jaaliyadda Australia Guul ayaan u rajaaynayaa ?
waan idinsalaamay dhamaantiin salaan kabacdi waxaan idiin sheegayaa wan arkaa dadbadan oo mucaarad ah laakiin saad moodaysaan maaha wadanka mucaarad iyo mu ayidba waa joogaan sanadkaasuba haduu idinmaray shan sanana suga oo isla isagii ah marka dadku waa dadnabad jecel faroolana siyaasad buulaciyaaray marka ninkii caytami lahaa iyo ninkii habaaramilahaaba faroole waa aabihiin isagaana hooyadiin dumaalay ee hacaasiyoobina ee baari noqda kolley caasibaad tihiinoo cadaab ayaa idiindambaydoonta hadaydaan kasoonoqon caasinimadee
Kolay waa. La. ogaandoonaaa. In. Farooole. Iyo. Caruurtiisu leee. Yihiin. Pl. iyo. Inay. Tahay. Meeell. Umadi. Wadaaagto. Tan. Kale. Ooo. Aan. La. yaabay.waxaa. Weeye. Kuwa masaakiinta. Ah. Ee. Farooole. Is dhahaya. Difaaca. Laakiin. Waxba. Kama. Cilinayaan. Ee. Dadkay ku dirayaan
Fadan Faallo ka bixiya tixdaan. odayga macaayin, dhibna masheegin. waa uun talo iyo tusaalayn. falanqayn waca. kkkkkkkk
Sow Puntland laguma kala bixin? Maxay yihiin qoladan saacaddan soo baraarugtay? Saaxiibayaal ha is-ceebeynina, Shacabka Puntland waa tashaday masiirkoodana waa yaqaanaan. Waqtigu yuusan idinka dhammaan wax iska barta.
Haddaad siyaasad wanaagsan shacabkuna idinku taageero la iman weydaan muddada sanadka ah ee xukunka ka harsan waa 5 sano oo hor leh, illeyn caqli aad dowladda kula tartantaan aan ka aheyn ku qabso ku qadi meyside ma heysaan…….
Dagaal ooge ,mr faroole ,si Barrera ah buu dagaal ugutafaxeytey, iyo bur burinta Puntland , talo soo jeedinna ,Ma rabo, xoog qofkii leh saaxadda ha yimaado AMA afka xiro …Saa weeye warkiisu…hadaba Waa in aad dacwad ku lid ah ka gudbisaan xal kale majiro.
Wax waliba waxaa kasi daran tan uu soo wado sanad kadib haddaan maanta laga hortagin.
Dalkii burcad diimeed buu gacanta u gashay taana hala ogaado.
Jaalliyadda Australia waad mahadsantihiin, idinku waxaad waxka tari kartaan Puntland inaad Report ka gaysaan Faroole waxa uu ku kacayo Immigrationka Australia si ay ula socdaan maxaa yeelay sharcigooda ayuu wataa sharciga wadankaasna wuu qaban , hadeer wuxuu isku bedelay hogaamiye kooxeed, Marka sidaas ayaa Puntland badbaadadeeda dowr la idinku mahadiyo uga qaadan kartaan.
Duco aan lagaa akhbalayn Aamina lamayiraadee
Nin walbow dhulkaaga wax u qabo dadkaaga wax
Uqabo.
KU: Mursal soomaalidu waxaay dhahdaa lax-dhukan abaar moog.maandhoow dulucda hadalka dhuux,waxaan filayaa jaaliyadda Australi waxaay ka hadlayaanba Inaadan fahmin,oo aad hala ordo run moodaay,waxaan kula talinyaa maeeshaad u orodaay iyo waxa laga hadlayo waa wax kala fog,dadkaana isku rayi matihidin Ee maxamad faroole shaaha u kari?
Mursal.waxaan Filayaa waa Caruuri Burcad badeeda ama waa maxamed faroole,maandhoow akhlaaqiyaadka qoraalka ilaali.kuna dadaal inaan wax dadku dheehankaraan aad shegto iskana ilaaliso inaad qof rayigiin ka jawaabto Adoo isku lamaaninaya daaha gadaashiisa,waxaana ku dabraaya waayaha adiga iyo inta kula fekerka ah?
Wax garadkii xalaasha ahaa waxay ku danbeeyaan Australia, talooyin wax ku ool ah ayaad soo jeediseen laakiin xaaraan ku naax dekada Boosaaso darkeeda ayuu maalmahan jiifay, waxa wacdigu dubaaqa u galaa duulka khayrka lehe, damiin dhegala lama waaniyoo waa iskaga daale, dagaal ooguu u xuubsiibtay duloobuhuye, waa in layska cayrshaa intay goori goor tahay ninkan waraabaha isu bedelay, Puntland ha noolaato, tuugada ay gacanta u gashay alaha ka wanton.
nin daad qaaday xumbo cuskay, markii qof dheg jalaq idiin siiya la waayay oo ummadda reer puntland iyo dowladoodda nabada adkeeysteen oo balaayadii aad rabteen in aad na galisaan Alle naga koriyay, baad hadda nabad nabad bilaawdeen, ha dhaco cadowga dowladda puntland iyo shacabka horumarka jecel. idinkana sakiin laqa.
Waxaan qabaa Su’aal aan hore u illaawey , maxaa dhacaya haddii doorasho lagu qabto Isku Shuban ama Boosaaso oo hadda la isugu yimaado in madaxweyne Puntland la doorto waqtiga xaadirka ah, bal ka soo fekera sidii loo qaban qaabin lahaa arrintan oo United Nation kana loola kaashan lahaa inay goob joog ahaadaan dhinaca nabadgelyada.
Waxaa wanaagsan in la isla garto maxaa Puntland u dan ah iyo xaggee xaalku marayaa? haddaba waad ogthiin in Faroole weli kursigii ku fadhiyo kuna adkaystay inuu dhamaysanayo halkiisa sano ee uu sheegtay, waxaa wanaagsan in loo oggolaado waqtigaas uu sheegtay lanala shaqeeyo si nabadgelyadu aanay faraha uga bixin, idinkana waxaan idinku kordhinayaa iska soo xula rag loolanka siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland kala xisaabtama Faroole iyo xukuumaddiisa. iskana ilaaliya mucaaradnimo, aflagaado, buuq iyo qaylo ku jirto. Naga ilaaliya ragga buuraha ku jira inay ka faa’iideystaan xaaladda murugsan ee lagu jiro.
Ogaada Bayaan la soo qoraa wax ba qaban maayo ee rag soo xula oo soo dira.
Jaaliyadda Australi waan ku Raacsanahay Aragtidooda ku aadan,Muranka Faraha ka baxay ee uu la yimid Dadqaadka Faroole,waana soo dhowaaynayaa Jaaliyadda Australiya waana ku mahadsan yhiin Aragtidooda.