Talaabo ku dayasho mudan – U Hiili dhulkaaga Hooyo

July 26, 2012   //   Warar Somaali
Iyadoo Mudooyinkan danbe laga dareemayo gebi ahaanba Soomaaliya inay kasocoto dar- dar iyo dhaqdhaqaaq balaaran oo ay shacabka Soomaaliyeed meelwalba ha joogaane  tiigsanayaan inay wadankooda dib u dhistaan waxaan kaloo meesha kamaqnayn qurba joogta tirade badan oo wadankii dib ugu laabanaysa kuwaasoo wadankii geeyay dhaqaale iyo xirfadba.
Dhanka kale Dowlad goboleedka Puntland & shacabkeeda ayaad moodaa inay hormuud kayihiin horumarinta wadanka, sidaad lasocotaanba Waxaa mardhow bilaabanaya soosaarida batroolka Puntland taasoo gebi ahaanba badali doonta heerka dhaqaale ee Puntland iyo Soomaaliya.
20kii sanoo lasoo dhaafay ayaa waxaa jira ganacsato waaweyn ILAAHBAA weyne oo ganacsiyo balaaran kafurtay ilaa hadana kusugan wadanka dibadiidsa ,sida Geeska afrika iyo wadamada carabta hadaba ma,la oran karaa waxaa lagaaray waqtigii ganacsatada Soomaaliyeed ay aaminilahaayeen kuna kalsoonaan lahaayeen Ciida hooyo , waqtigu mayahay mid sax ah kaasoo ganacsatadu ay ku dhiiradaan inay ganacsigooda dib ugusoo celiyaan wadankooda si ay dalkooda u dhistaan dadkoodana shaqo ugu abuuraan ,
Tusaale buuxana waxaa u noqonkara  bangiga weyn ee cusub oo  laga dhisay Boosaaso kaasoo diyaar noqonaya dhamaadka Sanadkan lana filayo inuu noqdo BANGIGA ugu weyn ee wadanka laga hirgaliyey ayna shaqo ka heleen dhalinyara badan oo wadanka wax kubaratay, bangigaas oo  lamagac baxay IFTIN BANK of SOMALIA.
 Waxaa igu kalifay maqaalkan ka dib markaan TV caalamiga ah ee SOMALI CHANEL ka daawaday waraysigii dhiirigalinta & xiisaha lahaa ee barnaamijka DALDHISMicin Ali - Gudoomiyaha Xawilaada Iftin ee UK and EU kudhiiraday, muujiyeyna inay xawilaada iftin u tafaxaydanayso sidii ay doorkooda uga qaadan lahayd dib udhisida dalka, talona ku siiyey ganacsatada muga weyn ee soomaaliyeed inay dalkooda & dadkooda usoo jeestaan, maalgalin weyna ku sameeyaan dhulkooda hooyo.
Barnaamijkii oo Buuxa guji halkan Hoose.
Waxaa Qoray
Abukar Awale
Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka.

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Hahah wa xaraanti. Waxaan iyo dhismaha aal dhulka majertenia kuyalaan wa lacakti burcada marki burcad ka dilacday majertenia ba hormar lagaray dhismo iyo bangiyo lkn rer majertenia waxa ogataan lacak xaran ah weye waxan mela gugarimaysaaan ee ilahay usolabta waxa qudanesaan ooo kufanesaaan wa xolo caran ah iyo faroole oon illaah aqonin ka fogada xarantaas haku fanina

  2. liii gaaas somalilander says:

    waalacag tii budhcad badee xaaraan xaraan laguqoosha

  3. Eng. Maxamed Jaamac says:

    Asc wadanka in ganacsigiisa la hormariyo way fiicantahay laakiin xagagy ku danbaysay hantidii ku maqnayd Dalsan Bank ex Iftin? dadka Iftin horboodaya sow mahan Dadkii dalsan?

  4. Qaasim says:

    Mashaa allaah laakiin runta markii laga hadlo somalia wadan leeysku haleen karo maaha tusaale puntland sanadka soo socdo wax dhici doono lama oga siyaasiyiin rabto kusiga 1 janaury 2013 oo maalin lagamo darsan karo dhahaa faroolane 1 sanoo cusub hala sugo wadan siyaasad ahaan daganeeyn see hanti malaayin dollar loo galanaa

  5. caaqil says:

    asc waa horu mar la taban karo masha alaah oo ku dayasho mudan puntlannews24 masha alaah sida wanaagsan ad nogo so gudbisaan hori marka wadanka thanx

  6. Cqaadir Hassan says:

    SC waa arin aad loogu farxo hadaanu nahay waxgaradka soomaaliyeed aad ayaan usoo dhaweynaynaa, waxaaba la oran karaa IFTIN aayaha ubadka soomaaliyeed ayay ba shaqo u abuuraysaa , Noolow Wali jir IFTIN EXRES

  7. ahmedpunt--------- says:

    allaa yacizak muwaadin muwaadin dhalay qoraagu waa mahadsanyahay ,waxaanad ogaataan waddan waxa dhisi karaa waa saxaafadda sida PUNTLAND NWS24 oo kale taasuna waa qiiro galin dhaba inay usoojeestaan kuwa naayroobi iyo carabaha galinaaya hantidoodii oo aay dhici karto mustaqbalka in laga cayrsado sida kiinya iyo koonfur afrika iyo koofurta suudaan iyo meelaha lamidkaa ,oo kale oo mustaqbalka aan fogeyn aay kacarari doonaan guryaha quruxda badan oo aay kadhisteen iyo hantidaba oo aan hubo boqolkiiba boqol , markii baangad qoorta looga wadajaro qaarna lagu’gubo ,waqtigaan haddaana oo lajoogana qaarkood oo badan lagu laayay oo lagu gubay goobihii aay dukaamada kulahaayeen ayagoo dhex jiifa goobihii ganacsiga aay kulahaayeen goor hamaynimaa ,qaarna konteenaradii u ahaa dukaamada inta baabuur dabada loogu xiray badda lagu riday oo lawaayay hantidii iyo naftoodiiba meelahaas oo ah sida koonfur afrika ,dadkaas faraha badan oo qaarna lalaayay qaarna hantidoodii ladhacay cid iswaydiisay majiraan runtiina waa wax naxdin iyo kurbo badan leh ,haddaba waxaa horay loogu maahmaahay waddan aadan u dhalan waa dareen ujoog ,waxaa haddaba ummadda soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta puntland inay dhaqaalaha iyo dalxiiska iyo aqoonta aay galiyaan waddankooda hooyo oo qanigaa oo dad waayay ..ramadaan wanaagsan ,waxaan u hambalyaynayaa bisha ramadaan warbaahinta puntland nws24..scww

  8. yuusuf says:

    mashalaaaaaaa waa guul iyo huru mar ganac si oo kasocda caasimada ganacsiga soomaaliyeed ee bossaaso shirkadaha kalena ay kudaydaan

Leave a Reply