Taliska sare ee Booliska Puntland oo Galmudug ugu baaqay inay soo dayso dadkii la afduubtay

February 7, 2013   //   Warar Somaali

Taliye kuxigeenka ciidamada booliska ee Puntland ayaa maanta ka hadlay howlgallo ciidamada amaanka ee Puntland ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo, waxaana howlgalada ay ka socdaan guryaha iyo masaajidda qaar ee magaalada Gaalkacyo.

Taliye kuxigeenka booliska Puntland Muxidiin Axmed Muuse ayaa maanta wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Gaalkacyo inay howlgaladaan ay kula dagaalamayaan dadka amaan darida gaysanaya iyo kooxaha ka ganacsada isticmaalka daroogooyinka,

Waxaa uu ka codsaday shacabka magaalada Gaalkacyo inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee dowladda Puntland,  ayna soo wargaliyaan dadka ay ugu shakiyaan inay maaganyihiin amaan xumo.

“Shacabka Galmudug waxaan kacodsanayaa dadka lagu haysto sida sharci darada inay u howlgalaan sidii ay usoo siidayn lahaayeen, anagu taladeyna maahan dad wax magarad ah baa arintaa ka dambeeyey” ayuu yiri Muxidiin Axmed Muse taliye kuixgeenka booliska Puntland.

Maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug ayaa afduubay 5-qof oo kasoo jeeda Puntland oo ku safrayay inta u dhaxaysa Gaalkacy iyo Goldogob, dadkaasi ayaa loo qabsaday in lagu soo furto nin hub watto oo ay ciidamada Puntland ay kasoo qabteen Gaalkacyo.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mr garoowe hada ragtahay ama abaha rag ahaaa kalay konfurta imada bal car xita 5. Qof lainka hesto. Iskudaya ina sodaysaan iskaba daye ina lawaregtan konfurta bal 5 qof sodayso hada 2 xaniyodtahay. Iskuday wlh ti 1991 ila garowe laguso bursanaya wlh hailabin ina nagtahay

  2. Mr Garoowe says:

    Puntld waa in sida ugu dhakhsaha badan ula wareegtaa koonfurta Gaalkacayo!

  3. Somali pure ader darood. Galkacyo dusha hakasarin dhabayaco. Deh bal hada ragtahay imow konfurta galkacyo wlh baqtigada lawaynaya 5 qofna hadi ninka garowe lageyay an laso deyn lasodeyn mayo tas ogow ninkas dila. Iyaguna 5 qof haudilan wayo ninka rer konfurta ah 10 nin oo dhabayaco ah ayu udihgma wa nin nin dhafay marka calacal waxba mataree ninkas garowe kuhaysan sodaya hadikale gedka hauisku bilabato qofka galkacyo ka cararaya wala arki dona bal bal xabada hada rag tahay. Wir bilow xabad

  4. Somali Pure says:

    Khaatumo ,,, Somali waxay ku maah maahdaa Habar Fadhidaa Aleelo ku waalatay, war orod Laas Caanood Calanka Izak ee ka tagaan iska dul qaad, inta aad Faroole afkaaga ku soo taageysid , miskiin yahay.

    Caadil…. Nin Qorki ku dhexwata Magaalada waa la qabanayaa, nimankaan dadka afduubay hadii aysan soo deyn, magaalada ayay ka guurayaan, howshu waa sahlan tahay, Al shabaab ku soo dhuuan meyso Baraxleey.

    Mohamed Khalif, adeer Faroole yaan lagu waalan , ee Mooryaan iyo Al shabaab hadii ay gabaad ka dhigtaan ex. Baraxleey waa in howl laga qabtaa, warku waa yaryahay, Galkacyo , waxa ka masuul ah qabaailka Darood ee dega, maáha in aad Faroole wax kasta dusha u saartaan

  5. KHAATUMO says:

    maamulka faroole ayaa looga fadhiyaa siduu xiisada taagan uqaboojin lahaa(ufurdaamin lahaa).

  6. Caadil says:

    Maamulka Puntland 5nin ee la afduubtay waxaa sabab teeda lahaa maamulka oo isagaa beesha haysata kaqabsaday wiilkoodii marka waa in maamulku xil iskasaaraa soodeynta wiilashaas sida ugu dhaqsiyaha badan aanan ahayn wixii halkaa kadhacaa iyadaa masuuliya deeda qaadidoona.

  7. Looool waxaan u fahmay Gobol Mudug waa laga fadhin waayay ee bal dagaal ay ku mashqulan hala gasho dadka la dagan e Galmudug maa wada hadal lagu dhameyo intii u doona ha socda dadka reer gaalkayo ka digtonada wax kasta oo aburi kara isku dhac gacan ka hadal sababi karaa

Leave a Reply