Taliyaha Qaybta Booliska ee Mudug oo ka hadlay dibadbaxyada
January 14, 2013 // Warar SomaaliTaliyaha ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday inay jireen dad ka abaabulyay magaalada Gaalkaxyo dibaxyo kadhan ah xukuumadda madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole kuwaasi oo ay boolisku kahortageen.
Isagoo saxaafadda la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo inay fuliyeen awaamiir kasoo baxday dowladda oo looga hortagayo dibadbaxyada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay ciidamada inay qabqabteen qalab cod baahiyeyaal ah iyo boorar ay ku qornaayeen ereyo kadhan xukuumadda talada haysa ee Puntland.
Taliyaha ayaa ugu dambeyntii shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan amaanka magaalada Gaalkacyo, hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali aan isfaham buuxda laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland.
Puntland-News24
Gaalkacyo.



Waa yaab,Bal nin sharcigii dalka ku tuntaay ayaa loo doodayaa,waxaana la daboolayaa Denbiyaadiisa,Haraadiga waxaa Caado u Ah qofkii xaqiisa u dooda inaay ku shaabadeeyaan,Hawiyaa soo diray iyo waa Al-shabaab.Mabda’ooduna kama Foga Qaadka iyo Tubaaga Maalintaas loo qaado?Qadiyad waxba kama gelin waa qaadka ii qaad aan kuu qaayliyee,Dalkan ragbaa u soo dhintaay u waxbarasho waayey,Xaniinyaha looga guray,Jeen u galay,Dalka looga saaray,Faroole iyo inta maanta u shaqaaysa Ummaddana ugu Afdheer dib U raaca Taariikhdooda,markaan Ayaad wax fahmaaysaane,ama qaadku haaydin Qanciyo?
Ku Wiil-Mudug,
waan kaxumahay inaad dabadhilf iyo kaba qaada sidii aaran jaanka oo kale aad utahay utahay Kaligii taliye Faroole. Hadii Faroole adiga aabahaa haduu yahay ama adeerka hooyadaa qaba, anag Faroole, waa kaligii iscaleemo saare,wadankana wuxuu kujogaa warlord ahaan.
wanaa Faashil faroole, sanadkaana qulub qulup iyo hirig hirig ayuu kujirayaa.
ascw walaalayaal dadku nabad ayuu ubaahanyahay teeda kale ninkaan iskusheegaya kamaal waxaan umalaynayaa inuu yahay nimaan gobolka udhalan sida uu uhadlayo markaan arkay ama waa jaahil aan caqli lahayn waxaan kuu sheegayaa ninkaad kusheegaysid kaligii talis waa ninka inawada marsiiyay llaakiin waxaan kuusheegayaa faroole ilaahay kasokoow isaa aabahaa ah macna laawahaagaas ookalena kabihiisa kamayaqaan ninkii hooyadaa dumaalaa waa deerkaa ee lasoco maraxoow
adeer int xukun raadinyo yaan la dhibaatayn hooyinka daariiqyada khuraadta la fadhiya ee caruurta biilka u raadsanayam ardayda dugsiyada dhiganaysa , ganacstada , (nin aan ku furi doonain yaanu ku rarin)
Waa in aad wadaan mudaaharaadka waayo xoog ayaa loo adeegsaday bulshada sida reer Boosaaso ku dhacday oon mowqifkooda cadeysan karin baqdin awgeed sanadakan ma caburiskaas ayaad ku jiraysaan war faroole warlord ama qabqable dagaal ayuu isu bedelay wixii ka danbeeyey 8 January magaalda Garoowe iyo Bosaaso ayuu ka taliyaa.
Mudaaharaadka hala wado
Mudaaharaadka hala wado
Haddii kale caburiskaas ayaad ku jiraysaan nin waalan weeye Bosaaso kiniini ayuu ku qaataa ee wax hala fahmo.
waa in kaligii taliye Faroole lagaga hortagaa af iyo adinba. waa in aan lamaqlin wasiiro kusheega daba-dhilifyadaa ee gobolka yimid.
Meesha xisbiyo majiraan waa kushubasho uu faroole dmacsan yahay 6da sano ee soo socota.
waa xisbigii HKSoomaaiyeed. one man show. waxaan leenahay hadhaco kaligii taliye Faroole.
aniga su aashaydu waxaa weeye yaa mu daharaadka soo abaabulay? Maxaase loo waayey cid dadka lahadasha? waxaan oran lahaa gaalkacyo nabad bay u baahantahay ee uma bahna rabshado yaan la idinka faa iidayan . Tan kale muacaaradka iyo maamulkii puntland may wada hadlaa?
Marka laga soo bilaabo 08.01.2013, Puntlandnews 24.com iyo warbahaahinta kale xaquma laha inay Mr. Faroole ku sheegaan m/weyne.
M/weynihii hore ee Puntland Mr.Faroole xilkiisii m/weyne-nimo wuxuu dhamaaday 08.01.2013, waxa ka dambeeya intaas, Mr.Faroole waa muwaadin caadi ah sidayda oo kale!
dhowr guulwadayaal ayaa waxaan dabada ka wada waa in la soo qabtaa hadii kale sidaas ayay maalin kasta dadka masaakiinta ah u soo kicinayaan .
Waa in amaanka magalada la dhowraa dadku xaq ayey u leyihin darenkoda in ay mujiyan hadusan qatar ku ahayn amaanka dalka