Tartan Cilmiyeedka Degmooyinka Somalia Qardho Oo u Awood Sheegatay Garowe
August 15, 2012 // Warar SomaaliTartan cilmiyeedkan oo ka socda TV-ga qaranka iyo Radio Mugadisho ayaa xalay waxaa ku tartamay labada degmo ee QARDHO iyo GAROWE.
Tartankan ayaa xamaasad gaar ah laha iyadoo degmadii guuleysata ay u soo baxaso wareega Semi-finalka.
Degma kasta waxaa la weydiiyey 7 su’aalood . waxaa su’aalihii lagu bilaabay degmada GAROWE .
Degmada GAROWE ayaa ka jawaabtay 4 ka mid ah su’aalihii la weydiiyey, waxayna sidaa ku heshay 8-dhibcood. Dhinaca kale degmada QARDHO ayaa ka jawaabtay 5 ka mid ah su’alihii la weydiiyey. Degmada QARDHO ayaa heshay 10-dhibcood, waxayna sidaa guusha ku raacday QARDHO. Hadaba guushan ayaa u sahashay degmada QARDHO inay caawa u soo gudubto wareega semi-finalka.
Aqoonyahanada, abwaaniinta iyo dhamaan ardeyda ayaan xalay u kala harin guushii laga gaaray tartan cilmiyeedka degmooyinka soomaliya. Dhalinyaradii u tartameysay degmada QARDHO ayaa sheegay inay si aad ah ugu faraxsanyihiin guusha ay u hoyeyn degmada ayna ku rajaweynyihiin inay gaaraan finalaha ama kama-dambeysta.
Labada degmo ee u soo gudba finalaha waxay ku tartami doonaa caasimada Soomaaliya ee Mugdisho.
Ugu dambeyntii, tartan cilmiyeedka degmooyinka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u daadihiya TV-ga qaranka ee SNTV iyo Radio Mugadisho. waxaana maalgalinaya barnaamijka shirkadda isgaarsiinta ee HORMUUD telecom.
W/Q: Ibraahim Camuudi




kkkkk oh oh oh waa wax lagu farxoo saxiibayaa sidaa ad ka warheysaa warbaahinta sbc internatioanal ayaa waxaa ay tartan u qabataa 24 xafadoo oo kakooban degmooyinka puntland markaas ayaa waxa final isugu soo baxay labo xaafadoo oo qardho ah markaas dhalinta deagmada Garoowe waxaa ay magaalada galiyeen sbc waxaa iska leh reerQardhood waxaa kalaa saartey warbaahinta qaranka ee radiomuqdisho iyo tv somalinational tv
MARKA dhalinta reer gsroowe waxaa aan weydii rADIO MUQDISHO MA QARDHAA ISKA LEH
KKK OHOH MARKA Qardho waxaa aad u sixiixdan in ay tahay hoygaa aqoonts gobolada puntland tartan danbaha hasoo horfariisanina
mashaa allah waa wax lagu farxo sidaa aad ka warheysaa degmoo yinka puntlan qoloba waxbey ku faan taa lakii degmada qardho waxaa ay ku faantaa waxbarashaada sidee uga badinkaartaa degmada garowe oo ku faanta siyaasad bosasana waxay ku faantaa dhaqaaley markaa degmada wax barashada ku faanta ayaa had iyo jeer number one iska leh
msha alaaha wa farxa
asc masha alaah waa wax lagu farxo