Madaxweynaha Dowlada PL oo Khudbad u Jeediyey Boqolaal Soomaalida UK {Daawo-Dhageyso}
October 21, 2011 // Faallooyin, Warar Somaali
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa caawo ka hadlaya Shoreditch hall town-London, waxaana xafladan soo qabanqaabiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee London iyadoo ay goob joog yihiin masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage, agaasimaha la dagaalanka burcad badeeda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir Ducaysane, Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar.
Halkan ka dhagayso Khudbadi Dr. Farole ee London
Xafladan waxaa si toos ah u tebinayey warbaahinada Garoowe Online iyo Puntland News24, waxaana caasimada Puntland ay dadku la socdeen khudbada madaxweynaha, iyagoo si live ah u dhegeysanayey. waxaana qaabeynayey isagoo jooga Stuudiyaha magaalada Garoowe tifaftire sare C/rashiid Maxamed Daahir.
Sidoo kale munaasabadan uu caawo madaxweynuhu ka hadlay waxa ku sugnaa ergo ka socota DFKMG ah ee Soomaaliya, kililka 5-aad ee Itoobiya iyo maamulada Ximan iyo Xeeb Azaaniya, Hiiraan State iyo Galmudug.
Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisa kaga hadlay horumarada ay Puntland ka gaartay dhanka maamul wanaaga isagoo sheegay in la dhisay guddiga doorashooyinka Puntland si loogu gudbo nidaamka dimuqraadiyadaynta.
Dr. Faroole waxa uu sidoo kale ka hadlay hadal dhowaantan ka soo yeeray xildhibaano ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay codka dheereeyen iyagoo aan sheegin wax micno leh.




Goobta ay ka dhacaysay xaflada lagu soo dhoweynayay madaxweynaha dowlada Puntland waxaa ku sugnaa fanaaniin caan ah oo ay mid yihiin Maryan Mursal Ciise Bootaan, Cali Puntland iyo Qoomaal.
Xaflada lagu soo dhoweynayey madaxweynaha ayaa kusoo dhamaatay jawi heer sare ah, iyadoo dadka ay ka muuqatay wajiyadooda farxad.
Ugu dambyantii waxaa si weyn loogu mahad celiyey gudigii hormuudka ka ahaa soo dhoweynta madaxweyne Faroole, kuwaas oo ay mid ahaayeen Dr. Axmed Yusuf Awar, Madaxii xiriririnta barnaamijaka xaflada iyo waliba isku dubaridhii kulanka, Mr. Maxamed Shiike. sidoo kale waxaa si weyn loogu mahad naqay Mudane C/qaadir Faray iyo Mahad Maxamed Yusuf DUDU.
lacle1004@gmail.com















KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKFAROOLA MA TUULAA LA DHAHAA MISE DAL?MISE BULAACAD?PLEASE ANSWER MY QUESTION
maa mulkaan gudaha iyo dibadaba waa kabaa ba sanaa faroole kahor maamul tayo leh majirin .
Madaxwaynaha puntland Mr Faroole ha noolaada waxaana u rajeeyay cafi iyo caafimaad,
reer puntland iyaguna noolaadaaan meelkasta oo aad dunida kaga nooshihiin oo guulaysta,cadawgeenana Alle ha qabto,waxaana inoo rajeeyay guul iyo horumar waara.
Midda kale waxaa la yiri af caytamay ninkiisuu ku yaal ee dadka neceb reer puntland oo meeshaan wax ku soo qoraaya,xumahu waa idinku kaligiin,kan afka soo duubta Alle ha qabto iyo inta xumaha ku raacsan.
VIVA PUNTLAND,VIVA FAROOLE,GuuuuuuL,waa GuuuuuuL iyo horumar.
Waxaan ugu bishaaraynayaa dhamaan dhallinyarada Reer Puntland ee ku dhaqan dalka iyo dibadaba, in ilaahay u nimceeyey oo gurigoodi jihaad ugu keenayo, Adoonta sanka buuran ee Gaalkcyo iyo Garoowe loo soo wado oo Af waliinjo iyo wiilkiisu qandaraaska kusoo qaateen waa al-xamdu lilaah wax badan dabada dhiig iyo dhidid qarmuun way ka keenayaan baqtigoodana Bardacad iyo Barxadda Garoowe waa lagu jiidi doonaa.
Haddaba kala doorta maanta oo nafi idinkaga dhiman Puntland inaydaan iman ama idinkoo dabada dhiig idinka socdo in diyaarado laydinku daabulo.
Al-xamdu lilaah!
WAAN WAX LAGU FARXO HADUU DADKII MAQNAA UU LASOO KULAMY .WAX WAYNA MASOO SIYAADINAYSO AYAAN ORAN KARAA.
waaaaaaaaaaaw punland faroole kahor maba aqoon mana kadambeeyneeyso hadalkaaaaaaaaaa iga qora
Goorma ayuu ciidan mushahar qaadan jiray
goorma ayaa puntland magaceeda lamaqli jiray
goorma ayaa amaanka maantajira oo kale jira
faroole kahor imisa ayaa madaxfurasho ajnabi loo watay
puntland faroole kama horeyn kamana dambeeyneeyso
Waxaan u maalynaa marki horeba waa nin majeerten ah baa lagu doortay,iyado loo dhul sheegtay ninki generalka ah ee lagu magcaabi jiray ILKA JIIR,dhulbahantena habeeninamadi baa lacag lagu qarqiyey si ai votka u siyaan.
Marka,in maanta AMISON oo Moqdisho ku fashiilay la keeno Puntland waa mid la filaayey!!!!
Balse Mr.Farole muda yar baa u hadhsane Reer Puntland ha laga helo RAG MASUULIYADA QAADIKARA,Puntland sharafteedi u so celiya!!
Hadi qaabil lago soo doorto nin aan karti lahayn,ha la sugo tan maanta taagan mid ka daran.
bismillaah illaah baa mahd iska leh walaalayaal wixii hore waa soo dhamaden haduu faroole oran jiray muqdishaa laga soo ababulaa argagixisada waa lagu soo duulay puntland sheekadasi waa dhamaatay hada ayuu u yeelay siday doonayeen mooryaantu marku sheegay in ciidamo ajaanib ah oo loogu talagay dadkaan odaydhaqameed iyo siyaasiin iyo waxgarad midna ka dameeyn isna maamuli karin wuxuu ceebeyey faroole dadkii dhistay maamulka puntland
muqdisho dagaalada ka socda si loogu soo wareejiyo puntland muqdishona u degto waa kan u yeertay gaalada si wadaada da reer puntland argagixiso u noqdaan hadii reer puntland ka dagaalaman gumaysiga faroole u sacaba tumanayo waa in lagu jihaada rag iyo dumar
faroole isgaa masuuliyadeeda qaadayo denbeyada ay ka galaan umada puntland kolaay waa ma xishoode mas uuliyad haduu dan ka leeyahy wuxuu qiimayn lahaa gobolada iyo magaalooyinka kale een garoowe iyo beeshiisa aheeyn
faroole markuu arkay caalin kii uu baada siinayey markuu la saftay rerkii uu dagaalka ku qaaday ee leelkase ayuu baqdin darteb uu ka baqayo baraxley mooryaanta joogta u yeertay gumaysi siday ku soo galaan fudu dahay siday ku baxaanse adagtay
puntland kuwii uu lahaa waxay ka dameyen dhibatada ka dhacda taladoodii markuu yeelay faroole cid la hadli kartaa ma jirto miyaa
odayaasha dhaqanka hawiya oo yimid siilaanyo saxaafadana laga qariyey shirkooda albaabada u xirna tii ay ka shireen waan sugayey waxayse iila egtahay hadaan wax ka weeyn soo socon arintan ah in amisom la keeno puntland si ay ugu dhex milanto argagixisda kuwa cusubna puntland uga abuurman faroole dadku laha puntland bay bur burin oo ku soo dulan ayuu taladii gacanta u geliyey wax uu mesha ku hayana ma jirto
amisom hadii la keeno kufsi dhac iyo dhiig qubta waxaan aheeyn miyaa laga sugin xaafada baraxleey intuu ka baqayo iyo maamulka siilaanyo waxba yuu ku soo xoqan foroore argagixiso puntland aloow dhoowr cadoogeedana jebi haduu keeno gumaysiga muqdisho hadba ka y rabaan kursiga ka erya ku kalena keena waaynu dhawranaa waxaa ku xiga maamulka snm jaanis buu siiyey ay maamul koodu wax la tar tamaa jirin odayaashii puntland dhisayna tacabkoodii khasaari faroole
OO DADKAAN CEERTA KANIISADAHA KA DHARGEY HADII LOO KHUDBEEYO WALAALAYALOW WAX MAFAHAMAYAAN MISE WAA WAQTI LUMIS,ADEER FAROOLE MAXAA KALADOONATEY SOOMALIDA DIBADDA, KALIYAH KUWA KUDAHA BAY KHUSEESAA ARIMAHA SOOMALIYA,NOT NIN KA ORDEY OO U ORDEY CEER CALLAASHO.
Sawirada xaflada markad u firsatid,wejiyada dadka baad ka garanaysa cadhada iyo ciilka haya.
Bal u fiirsada qof keliya oo faraxsani ku ma jiro!!!! ALlwo yaa og su’aalona lama weydiin!!!! waxaa meesha loo yimid cadowga cududa loo buura!!iyo dadkale iska giijiski!
Puntland ILLAAHAY FEREJ HA U FURO!!
War asalama calykom!Waa cadadood ee ceebtod maha reer Puntland in aanay runta isu sheegin!
Waa dhici kartaa in Mr.Farole laga gabanaayo
waayo NINKASI WAA TERRORIST WAA AL-SHABAB oo keliya baa ku filan si xabiska loogu taxaabo.
Dadka reer Puntland may helin madaxweyne caadil ah,may helin madaxweyne umada reer Puntland isku wada oo siyaasadiisu qotodheertahay,may helin madaxweyne feejig oo kala garta ninka danta dalka iyo dadka kala talinaaya iyo ka isaga jar ka ridaaya.
Waaba nin cilmi lehe miu garan waayey Puntland inta ai ka koobantahay!
waa sidi Mohamed Siyad bare(ALLAH HA U NAXRISTEE)Moqdisho uun xooga saaray,Farole wax war ah kama hayo degmooyinka u ku sheego Puntland ee logu dhintay haraadka iyo cafimaad darada.Masharicdu iyo dhaqaaluhu ma dhaafo Garowe iyo Bossaso!
Marka, xage amaanka oo la suga ka imanaya?dadki reer puntland bu is nacsiiyey,oo kalsoonidi ka xuubshey.
ILLAHAY KI DADKA IYO DALKA CADAALAD KU HORMARIN LAHA HA INOO KEENO.
runtii faroole ma istaahilo sowdhoweyn waa in lugu mudaharadaa lakiin ceebta afar maxmud saleebaan ah baa uyimid kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ceeb caalin baakadadbadan oo xafad galkacyo katirsan maamula
digniin dhaba qofkastoo dhuux oo akhri anigu marka hore haddii la isleeyaha waa laqabiil anigu laqabiil ma ihi middo 17 sanaa qurbaan ku noolaa waxaan ka digaayaa oo iga digniina in lalashaqeeyo m.faroole iyo dawladdiisa lana soodhaweeyo madaxweeynaha sabahaan owgood 1 waxuu cod kuhelay muddo afar sanaa afartiina lixbilood baaa u hadhay maalintii ladoortay waxyar kadiib lamasugin canaasiir farabadan oo wajiyo badan buu kashaqeen waayay. dawladdiisii canaasiirtii kamid ahaayaw oo xukun raadis, oo rabay madaxweena horta ogow jillaafadii aad dawladdii kaahoraysay aad u dhigtay baa kuu taal ogow. 2 1991 gobalada buntland waxaa laga soocayrsaday xamar hargeesa burco hantidoodii iyo dhiigoodii waa labanaystay waxaa dhimatay 70000 qof waxaa luntay hantidii dhulkooda aay kalatageen dhamaanteed dhulkoodii waxuu ahaa 1991 kahor dhul dadkiisii naceen laakin maanta dhismay waxaan haddaba idinkaga digayaa waxaan ahayn nidaam fadaraaliya masalan magaalooyinka buntland sida goldogob baran laasacaanood buuhoodle caasimadda garoowe boosaaso waa dhismeen waxaad haddaba ogaataan haddii buntland aad dumisaan in soomaaliland jaanis heleeso. b fadaraalna iniinaan arkeen . c dawladda soomaaliya soomaalidu maskax fiican malahan oo awoodeeda waxay isugu geenasaa caasimadda oo wax baalinsi masameenayso, d waxaad ogaataan haddii maamulgobaleedka reerba maalin kaguura oo haddana tuug afka sooduubtay maalinba uu dilo kii umadda ka dhaqdhaqaaqaayay dawlad ween ooxoog badan oo soomaaliyoo dhana qabstana jirin waxaad ogaataan in reer reer la isu laynaayo midda hadda mid kabadan aay dhacayso waayo nidaamku waa koronto dadka isusoojiidysa ha xumaado xoogaa hadduu rabo. nidaamka waa ka fiicanyahay isqbiilaysiga marka nidaamkii lagu lacag qaadanaayay oo difaacaayay ama lagaaga baqaayo oo adduunka ku soojiidaayay oo niddam badan iyo faa iido badan lahaa meesha kabaxo u diyaar garoow reer kasta ama jeeskasta qoribuu qaadan meeshiisuu xiran kadibna la isku leen waxii halkaa kadambeeyan waa burbur jahli cudur
digniin dhaba qofkastoo dhuux ooakhri anigu marka hore haddii la isleeyaha waa laqabiil anigu laqabiil ma ihi middo 17 sanaa qurbaan ku noolaa waxaan ku digaayaa oo iga digniina in lalashaqeeyo m.faroole iyo dawladdiisa lana soodhaweeyo madaxweeynaha sabahaan owgood 1 waxuu codkuhelay muddo afar sanaa afartiina lixbiloodbaaa u hadhay maalintii ladoortay waxyar kadiib lamasugin canaasiir farabadan oo wajiyo badan bbuu kashaqeen waday dawladdiisii canaasiirkii kamid ahaayaw oo xukun raadiyo oo raba madaxweena horta ogow jillaafadii aad dawladdii kaahoraysay aad u dhigtay bii kuu taal ogow 2 1991 gobalada buntland waxaa laga soocayrsaday xamar hargeesa burco hantidoodii iyo dhiigoodii waa labanaystaywaxaa dhimatay 70000 qofwaxaa luntay hantidii dhulkooda aay kalatageen dhamaanteed dhulkoodii waxuu ahaa 1991 kahor dhuldadkiisii naceen laakin maanta dhismay waxaan haddaba idinkaga digayaa waxaan ahayn nidaam fadaraaliya masalan magaalooyinka buntland sida goldogob baran laasacaanood buuhoodle caasimadda garoowe boosaasow waa dhismeen waxaad haddaba ogaataan haddii buntland aad dumisaan a soomaaliland jaanis heleeso b fadaraalna innan arkeen c dawladda soomaaliya soomaalidu maskax fiican malahan oo awoodeeda waxay isugu geenasaa caasimadda oo wax baalinsi masameenayso d waxaad ogaataan haddii maamulgobaleedka reerba maalin kaguura oo haddana tuug afka sooduubtay maalinba uu dilo kii umadda ka dhaqdhaqaaqaayay dawld ween ooxoog badan oosoomaaliyoo dhana qabstana jirin waxaad ogaataan in reer reer la isu laynaayo midda hadda mid kabadan aay dhacaysowaayo nidaamku waa koronto dadka isusoojiidysa ha ximaado xoogaa hadduu raboxuu nidaamku ka fiicanyahay isqbilsiga marka nidaamkii lagu lacag qaadanaayay oo difaacaayay ama lagaagabaqaayay oo adduunka u soojiidaayay oo niddam badan iyo faa iido badan lahaa meesha kabaxo u diyaar garoo reer kasta ama jeeskasta qoribuu qaadan meeshiisuu xiran kadibna la isku leen waxii halkaa kadambeeyan waa burbur jahli cudur
marqaati illhay madaxweeynuhu inuu dadalaay eedna uusn laheen sharaf iyo soodhaween buu mudanyahay waxa dhimanoo la is leeyahay maqaban m.faroole tuug afku sooduubtay iyo cadaw buntland horumarkeeda kasoohorjeeda baa taayirkii si fiican u wareegaysanla yahay oo ka soohorjeeda barwaaqo bash bash iyo nabad waxaana leeyahay kuwa iska dhigaya buntland buntland ma ahidine waxaad tihiin cadawga buntland oo is qarinaya rabana burbur iskahorkeen lnshaalahu allaha ka qabto kuwa cadawgaa oo jooga dibad iyo gudo
à sc wr wb. alle aya mahdle marka hore, wana salaamin dhaman akhristayasha pageka. then, waxan jeclaan laha in dadka waxso qoraya ay qimeeyan qoralkoda. war rer puntland farole idinka shalayto doortay xiligiisiina wudham raba. lkn mahan iin eda gali lasaaro, eeda waxa iska leh cidkasto gacmaha kaa labtay wax qabadka dadka, iyo dalka haba uhoorayso dawladu. waxanse leyahy rerpuntlan idinka dhistay mamuulka allena wu inagu taageray, mantana mahan inad ku burburisan maxa iga galay farole iyo qabyaalad iyo waxan lo jogin. e aynu noqono dad garta tanta dalka iyo dadkaba, allena ha inagu hanuunsho arinta.amiin insha allaah.
PUNTLAND waa duushay, hawda ayay maraysaa, maalin ay ka fiican tahay maba soo marin.
Kuwa doonaya in ay arrimaha isku khaldaan waxaan leeyahy cuqdiin iyo cowradiin.
Arrinta gaalkacyo ka dhacday waaba la dhameeyey, marka cadowgu wax uu kanaxo ayay ku noqotay.
HA NOOLATO PUNTLAND
CADOWGEEDUNA SIDA QADAAFI IYO SAADAAM!!!
kaa kaaa! Faroole iyo golihii xukuumadiksa e indha iyo dhagaha la’a oo aan faroole waxba usheegi karin waxay mudnaayeen in aan la soo dhaween reer london waxaa jeclaa in aad sidii g/bush aad gab la dhacdaan? 10 milyan doolarkii sarecon laga qaatay miyaa londan lagu qaybsanayaa bal fiiriya siciid m rage/m dirir iwm aya la socda maxay shaqadoodu tahay? Meeye wasiiradii qabilsanaa hore marka bulshada oo calamka usheegi kara baahlda jirta marka wa tuugu danahooda gaarka ayay u yimaadeen in la soo dhaweeyo ma mudneen
hahahahhahahahahaha,GARANEY
masha allaah puntland guulbaa u sugnaatay iyo in ay garaan nolol wanaagsan waana wax illaah loogu mahad celiyo puntland cadow badan ayey leedahay kuwo ku dhex nool iyo kuwo dibada ka jooga waxaanse rajaynayaa in ay ka gacan sarayn doonaan cadowgooda guul waa tan puntland taala
horumar kulahaa manika ciidama ugadhiisa puntland usoo wada ayaa leedahay waa horumar cajiib aawaay ciidankii puntland faroole hadaan daaan dalka laga qaban meel xun buu kusocdaa
Dadka markii ilaahay abuuray ayuu haddana ka dhigay naqshado kala ged gedisan, Bal eega qaarba si ayeey u fekeraan garashada iyo aragtidana waa hibbo ilaahy bixiyaa, qofku hadaanu kala saari karaayn wanaaga iyo xumaanta waa yaab,
waxaan rumaaysanay maanta horumarka puntland waa taabo balse kaan arkaaynow oo xummaan doonka ahoow maxaad ka qaadi kartaa dadkaa dalka iyagaa leh dantoodana iyagaaa yaqaan kii calool weeynaad ka hayona waa laga soo qufaaa,
Ninka isku magacabay m.saleeban sxb xaq uma lihid inaad adoo aan luqluqan wax kasheegto mdx waynaha marka hada waxaadka cadayata kana luqluqata hadalada aan kugaartay afka mdx waynaha
wllyl wax walbo waxaa kawayn walalnimada iyo wadajirka dadkuna wuxuu yaqan waxa aad isu tihin marka da.daala
ASCW,
Qofkasta oo reer Puntland ah oo dadnimo ku jirto wuu ku farxayaa horumarka iyo nimaam wanaag wixii ka yimaada wadanka, waana foolxumo in madaxweyne qabiil lagu raaco ama lagu diido.
Laakiin; Faroole intuu wadanka qabsadey, wax muuqda oo qabtay lama arko, oo ahayn, qabiilo la iska horkeeno, isaga iyo ilmihiisa oo wixi mucaawinada ummadu u heshay isku laaya, Sool iyo Sanaag waa na daayeen, Cuqaashii iyo aqoonyahanadii reer Puntland waxay noqdeen wax faroole iyo PSU dileen iyo wax Diaporada uga cararey, Musuqmaasuqu wuxuu marayaa 100% dhamaan hay’adaha gobolka, waa nimdaankii u horeeyey ee Puntland ee rasaastii deeqda naloo soo siiyey in shacabka lagu difaaco xaafadaha iyo tuulooyinka shacabkii ku xasuuqey, sumcad xumida reer puntland uu u keenay, Parliament markay su’aal weydiiyeen waa la ogaa, markuu dadka iska caayayo shirkii Xamar waa la ogaa. Dadka amaanayo Faroole, ma waxay horumar u arkaan Garoowe ayaa magaalo noqotay, gobaladii kalena waa nala ka qaadey ama dagaal ayaa ka socda? Ma waxay horumar u arkaan in shacabkii puntland cuqdad iyo cadaawo uun dhextaal? Ma waxay dadnimo u arkaan in ummada kale la caayo, loo faano, Soomaalidala yiraahdo waa idanka saaraynaa, ID ayaan idiin samaynaynaa?
Mahadsanidin haddaad akhrideen!
war ninkaan afka balaaran dadkii uu garsoor ku xasuuqay raali galin ma ka bixiyey muxuuse yiri?
Madaxweyne aad baad u mahadsantahay, waadna dadaashay, waxaan rajaynayaa reer Puntland inay dowlada iyagana la shaqeeyaan
Cadowga Puntland oo u muuqda inuu isku fidinayo dalka iyo dibada, waa in si wada jir ah looga hortaagaa
Guuleyso madaxweyne iyo reer puntland oo dhanba