Tukaraq: Somaliland oo Puntland ku wareejisay nin loo haysto dilka Sheek C/qaadir
March 13, 2013 // Warar SomaaliMaamulka Somaliland ayaa ku wareejiyay Puntland nin loo soo qabtay inuu ku lug lahaa dilkii magaalada Garowe loogu gaystay sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay ciidamada Somaliland ay ku qabteen magaalada Laascaanood.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa saraakiil katirsa Somaliland kala wareegay ninka loo soo qabtay inuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyey dilka Sheekh C/qaadir.
C/laahi Cismaan Axmed (Caynte) ayaa la rumaysanyahay inuu wax ka ogaa dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo logu eedeeyey kooxda Al-shabaab inay ka dambaysay inkastoo ay iyagu beeniyeen.
Waxaa uu noqonayaa eedaysanihii labaad ee si cad loogu qabto dilka sheekha loo gaystay, horay waxaa loo soo qabtay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay sheekha inuu gacantiisa uu ku dilay isagoo ku jira salaadda casir.
Maamulka gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay dad badan oo sheekha dilkiisa lala xiriirnayo inay wax ka wadeen lasoo qabtay, lana horgayn doono maxkamad si loogu qaado dambiga loo haysto.
Waa markii ugu horaysay oo ay Somaliland iyo Puntland oo uu ka dhaxeeyo muran dhinaca dhulka ah ay iswaydaarsadaan dad amaan darro loo haysto, Puntland waxaa horay ay ugu eedaysay Somaliland inay taakulayso oo ay dhulkeeda kasoo gudbaan kooxda Al-shabaab ee ka ka dagaalanta buuralayda Galgala ee gobolka Bari.
Eedaysanaha lasoo qabtay ayaa xiligaan ku xiran CID-da Garowe
Puntland-News24.




Ader somalia manta waxa xaga dhigay dad juhalo ah qabyaladuna maheredeeda niman yahow alle ka cabsada o ka taga qurunka (qabiil)
QARJAB waa gudoomiyaha gobolka nugaal wiilka adeer buu u yahay waana ciise maxamuud shiikha ladilayna waa ciise maxamuud kan PIS ta garowe haystana waa ciise maxamuud marka sheekadu waa inside ciise maxammud waana in ladilaa cunugaan baa la eeganayaaa waayo hadii ladili waayo waxay noqon in inta alhsabab uxirana lasii daayo ee lahayo
Waa su aall ee qarjab yaa waaye
Real iyo Axmed Muse. Waa Suaal. Waa kuma Qarjab ? Intii Aan dalka ka soo maqnaa dad aan la garaneyn ayaa soo baxay. Punt land iyo Dowladeeda waa in ay gacan adag ku qabataa Dambiilayaasha
somaliya waxaa aafada iyo dhibka iyo gaajada iyo faqriga iyo abaaraha uga qaadi la yahay waa cadaalad xumida ragaadisay ee uu kow kayahay qabiilka oo ninkii dambi galaba meeshii sharciga lakeeni lahaa la leeyahay waa reer hebel inta ay sidaa tahay howshuna caro alle iyo cadaab aduun iyo mid aaqiro labaduba oogaada in ay idin hortaalo….
Acww
Walaal qarjab waxay qaraabo isudhow yihiin CAYNTE oo ah gacan ku dhiiglaha runta ah ee maleegey dilkii Sheekha. Waxaase yaab leh CAYNTE wuxuu ku joogey dammaanad ay bixiyeen C/WELI XIRSI NUUR oo wasiir ku xigeen ka ah maamulka faroole iyo CABDI XIRSI CALI oo ah guddoomiyaha gobolka. Waxaase yaab leh in MADAXWEYNE C/RAXMAAN FAROOLE iyo wiilka haysta ciidamada PIA CABDI YARE ogaayeen in CAYNTE ku hawlan yahay falal ammaan xumo ah iyo inuu weliba ka mid yahay ALSHABAAB SHAAYDAAN? marka arrinta dadku ha isweydiiyo, oo iyagana ha weydiiyo haddii ay isyaqaanaan.
Wscws
Anigu waxaan qabaa dilka shiikha wadadii ku haboonayd inaan loo marin oo welito indhaha layska can-dhufaynayo waayo?Baaristii ugu CID ee ugu danbay say waxaa cadaatay in uu kiiskaan lug ku leeyahay ama ku leeyihiin 2bo wiil oo qarjab Adeer u yahay,Runta aan isu sheegno waa in ugu horayn qarjab xabsiga lagu hub-sadaa baritaan weliba jir-dil la socdo lagu sameeeyo Qarjab far-baa ku mudan.maxaa caruurta loogu war waregayaa horta waa yaabe?